SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 April 2009.


Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Waxyeelooyin kala duwan oo uu gumaysigu u gaystay dad
shacab ah.

Banaanbax Addis - ababa kadhacay oo lagu dalbanayay in lasoo daayo Mss Burtukan.

G/kuxigeenka 2aad ee jwxo iyo maamulka jaaliyada Denmark oo gormeer shaqo ku tagay gobolada wadanka Denmark.

Abaanduulayaha guud ee ciidanka qalabka sida N/Hure Cabdikariin Sh.Muuse oo ka waramay xaalada guud iyo mida ciidanba.


======================


Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.


Weerarada isdaba jooga ah ee ay ciidamada xoreynta Ogadenya
ku hayaan fadhiisimada ciidamada gumaysiga Itoobiya ee sida
doolka ah ku jooga Ogadenya ayaa soogaadhsiiyey khasaarooyin
ba,an oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxayna u dhaceen
dagaaladii ugu dambeeyey sida uu noogu soo waramay wariyaha
Radio Xoriyo ee jiida hore sidatan:


14-03-09 Dun-dumo-cadka oo ka tirsan gobolka Nogob weerar
Mir ah oo ay ciidanka xoreynta ogadenya ku qaadeen ciidanka
gumaysiga Itoobiya ayay kaga dileen 3 askari,3 kalana kaga
dhaawaceen.


19-03-09 Tuulada Raqay oo ka tirsan magaalada Baabili
Weerar Mir ah oo ay fuliyen ciidamada geesiyiinta ah ee
xoraynta Ogadenya ayay kaga dileen ciidamada gumaysiga ee
khaatiga ka taagan dagaalada Ogadenya 3 wayaane,waxay sidoo
kale ku dhaawaceen 1 askari oo kale.


23-03-09 Degmada Sagag ee gobolka Nogob ayay ciidamada
xoreynta Ogadenya mireen xili habeen ciidamada wayaanaha ee
ka howlgala magaalada Sagag waxayna gaadhsiiyeen khasaare
xoog leh oo aanaan weli faahfaahintiisa haynin balse laga
dareemay subaxii magaalada Sagag.



23-03-09 Tuulada Ciinleey oo ka tirsan gobolka Jarar dagaal
ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagag dilay 3
askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.



31-03-09 Deegaanka Caw-kudhal ee gobolka Jarar waxay
mireen ciidamada xoreynta Ogadenya ciidamo gumaysi oo
halkaas ku sugnaa waxayna ka dilen 1 askari halka ay ka
dhaawaceen 3 kale oo mid kamid ahi dhaawiciisu aad halis u
yahay.




Ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ayaa weerar
kusoo qaaday xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya ee degmada
Awaare e gobolka Jarar 5-04-09 waxayna ka dileen 2 wayaane
halka ay ka dhaawaceen 2 kale.


03-04-09 Degmada Sagag ee gobolka Nogob ayay ciidamada
xoreynta Ogadenya mireen xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya
ee magaalada Sagag halkaas oo ay u gaysteen khasaare
dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo aanaan weli
faahfaahintiisa helin.



Waxyeelooyin kala duwan oo uu gumaysigu u gaystay dad
shacab ah.



Dhanka waxyeelaynta shacabka ayay ciidamada gumaysigu weli
wadaan inay gumaadaan,xidhaan,dhacaan,kufsadaan,boobaan
dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin.

20-03-09 Higlaleey oo gobolka Jarar ka tirsan waxay
ciidamada cabudhiska loo keenay Ogadenya ku xidh xidheen dad
aad utiro badan oo ay kamid yihiin:


1. Aw-Mahdi Aw-axmed

2. Cabdi Cumar Cabeeye

3. Shariif Afloow

4. Mahdi Maxamed Oogle

5. Shugri Maxmed Cabdi Geedi

6. Timacadde C/Shakuur



16-03-09 -Tuulada Cobolle ee gobolka Jarar oo ahayd
halkii lagu jabiyey qabka gumaysiga ayay ciidmada gumaysiga
Itoobiya ku xidheen dad rayid ah oo aad u badan waxaana
dadkaas kamid ah oo magacyadoodu nasoo gaadheen:


1. Taajir Sheekh Muxumed

2. Axmed Aflaag

3. Axmed Shugri Mooge



29-03-09 Deegaanka Huuraale oo ka tirsan gobolka Jarar
waxay ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya ku xidheen dad
rayid ah oo ay kamid tahay Raxma Cabdi Dheere


29-03-09 Deegaanka Huusaale oo hoos yimaada degmada Birqod
ee gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu ku jidh-dileen
dhaawacyo halis ahna u gaysteen dad rayid ah oo aan waxba
galabsanin dadkaas ayaa nalooga magac dhacay wiil ina
ayihiisa naloogu sheegay Ina Faarax Dalab


05-04-09Degmada Guna-gado ee gobolka Jarar waxay ciidamada
gumaysigu ku xidheen dad ay kamid yihiin
1. Saleeye oo aanaan magaciisa oo buuxa haynin

2. Ina- Jaanbiir oo aanaan isna magaciisa hore
haynin



Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee boobka iyo dhaca loo keenay
Ogadenya ayaa Degmada Garbo ee gobolka Nogob ka dhacay adhi
aad utiro badan intii u dhaxaysay 25 kii
ilaa-29-03-09,adhyahaas ayaa waxaa kala lahaa qoysaska iyo
dadka kala ah:

1- Reer Cabdi Rashiid aw-muxumed

2- Reer CabdI naaser

3- Macallin Shugri

4- Faadumo Shekh Xasan

5- Khadra Cabdi Guudcadde

6- Yusur Gurre Cismaan

7- Aamina Sheekh C/llaahi

8- Hinda axmed Sheekh Maxamed

9- Ibraahim Yusuf Colaad
10-Fardowsa Nuuriye

50 neef oo adhyahaas kamid ahaa ayaa lasoo xaqiijiyey inay
qasheen ciidamada gumaysiga Itoobiya ee adhyahaas
dhacay,waxay sidoo kale qoysaskaa ka kaxaysteen kadibna
qasheen 6 awr ah oo ay dhaansan jireen



29-03-09 Tuulada Samu ee gobolka Dollo waxay ciidamada
cabudhiska ee gumaysiga Itoobiya ku xidheen dad badan oo ay
kamid yihin:


1. Cabdillaahi Cali Goo

2. Xuseen Gaaxnug

3. Muuna Cisman Cabdi Madoobe

4. Qarjaf

5. Cabdirisaaq Axmed Sahal

6. Cabdi Faarax Xuseen

7. Mukhtaar Sheekh Faarax

8. Ina-Axmed Muuse


Waxay sidoo kale ciidamada gumaysigu ku dhaawaceen isla
tuuladaas Samu dadka kala ah:



1. Cabdixukun Xasan tamaan

2. C/llahi Maxamed Cabdi Sahal

3. Cabdi Aadan Cumar


28-03-09 Degmada Shaygoosh ee gobolka Qorahay waxay
ciidamada gumaysiga Itoobiya ku jidh-dileen guryahoodiina ka
gubeen kadina jeelka u taxaabeen dadka kala ah:


1. Faadumo Maxamuud Sh Maaxmed

2. Cabdi Tamaan Maxmed deeq

3. Xaliimo Cabdi Qaadir

4. Ina- axmed Sheekh Ibraahim oo aanaan magaciisa
hore helin



04-04-09 Aabbaa-qorow oo ka tirsan gobolka Shabeelle waxay
ciidamada gumaysigu ku dhaceen cabdi adan oo ay ka qaateen
dhammaan waxii uu Hanti lahaa




4-04-09 Deegaanka Cawl-kudhal ee gobolka Jarar waxay
ciidamada gumaysigu ku xidh-dileen kuna dhaceen dad shacabka
oo uu kamid yahay: Abdillaahi Haybe Gurey


3-04-09 Deegaanka Dhiya oo ka tirsan tuulada Dusmo ee
gobolka Jarar waxay ciidamada saama-laluudka ahi si xun ugu
jidh-dileen dad badan oo ay kamid yihin:
1- Caydiid Saqadhi

2- Yassiin Ow-Omaar


Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa uus-xabaal iyo qarin ku
sameeyey dadka shacabka ah ee ay dilaan iyaga oo aan waxba
galabsanin,ma aha arin ku cusub ama la qaadan waa ku ah
shacabka Somalida Ogadenya in la waayo raq iyo ruuxba mar
hadii ay ciidamada gumaysigu la tagaan qof aan waxba
galabsanin,sida uu noogu soo waramay wariyaha Radio Xoriyo
ee la socda ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya waxaa
la helay Waxaa la helay Maydka Allaah Ha u Naxariistee
Yuusuf Baani oo la la`aa ilaa 28-12-08 kadib markay
ciidamada gumaysigu nolol kula tageen waxaana Midkiisii oo
lafa ah laga helay laagaha ee deegaanka Dalaalaha oo ka
tirsan gobolka Nogob,malaayiin qof ayaan raq iyo ruux toona
laga haynin oo kamid ah shacabka dulman ee Ogadenya.

Banaanbax Addis - ababa kadhacay oo lagu dalbanayay in lasoo daayo Mss Burtukan.

Boqolaal banaabaxayaala oo maalintii khamiista isugu soo baxay maagalada adis ababa ayaa ka cabanayay xidhayga loo gaystay gudoomiyihii xisbiga mucaaradka ah mss Burtukan.


G/kuxigeenka 2aad ee jwxo iyo maamulka jaaliyada Denmark oo gormeer shaqo ku tagay gobolada wadanka Denmark.

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Halgame Cabdiqadir Hassan Hirmooge (Caddani) iyo guddida Jaaliyada Denmark ayaa waxay kormeer hawleed ku mareen gobolada uu ka koobanyahay wadanka Denmark ee ay daganyihiin shacabiga Ogaadeenya.
Kormeerkan hawleed ayaa waxa uu socday mudo 4 cisho ah ujeedada socdaalka ayaa waxa uu ahaa bal in laga wada hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa halganka ay Ogaadeenya kula jiraa gumaysiga Itobiya iyo sidii warbixinadii uugu danbeyay loo kala qaadan lahaa.

Waxa kale oo ay waftigu uruurinayeen fikradaha kala duduwan ee ay shacabiga Ogaadeenya qabbaan oo ay ka mid tahay midaynta shacbiga Ogaadeenya, maalintii koobaad waxa uu waftigu ku horeeyay magaalo madaxda sadaxaad ee wadanka Denmak ee Odense. Waxa uu waftigu la kulmay dhamaan qaybaha ay ka koobantahay bulshada Ogaadeenya ee dagan magaaldaas, sida Culimaa'udiinka, Odayaasha, Hooyooyinka iyo Dhalinyaradaba.

Bulshada Ogaadeenya ee halkaas dagan ayaa waxaa warbixin aad u dheer oo ku saabsan xaalda dalka Ogaadeenya siiyay halgame Caddani Hirmooge, warbixintan ayaa waxay xanbarsanayd xog aad muhiim oo dhinac walba ka koobnayd. Waxa kale oo iyana warbixin ku saabsan wax qabadaka iyo horumarka ay Jaaliyaddu samaysay ka bixiyay guddida Jaaliyada Denmark, guud ahaan waxa ka muuqatay shucuurta dadwaynhii shirka ka soo qaybgalay in ay aad uugu qanacsanaayeen warbixinadii la siiyay.

Kadibna markii waxyaabo badan oo muhiim ah laga wada hadlay ayaa waxaa la isla gartay in guddi cusub la doorto si loo halgana loo dardar galiyo waxaana halkas lagu doortay gudi ka kooban gudoomiye iyo 2 xubnood oo hawlaha Jaaliyadda ee magalada wadidoona, waxa kale oo la dhisay guddi matasha Hoyooyinka magaaladaas oo kooban gudoomiye, kuxigeen iyo 3 xubnood.

Waftigu waxuu u gudbay magaalada Kolding halkaas oo ay kula kulmen wakiilka magaladaas ee Jaaliyadda Ogadeniya waxaana halkaas la isku waydaarsaday fikrado muhiim ah oo halganka gumaysiga Itoobiya laguls jiro wax ku ool u ah waxa kale oo uu waftigu sii maray magaalada Viborg iyo tuulooyinka nawaaxigeeda ah halkaas oo ay sidaas si la mid ah ula kulmeen dadka Ogaadeenya u dhashay waxayna waftigu halkaas ka sii wadeen hawlgaladii ay u socdeen waxay maalintii sadaxaad gaadheen magaalo madaxada labaad ee Denmark ee Århus.

Wuxuu Waftigu la kulmay dhamaan qaybaha ay ka kabantahay bulshadaOgaadeenya ee dagan magaaldaas. Waxaana laga wada hadlay sidii loo midayn lahaa bulshada Ogaadeenya Dadweynihii halkaas isugu yimid waxa warbixn aad u qoto dheer oo dhinac walba taabanaysa siiyay halgame Caddani Hirmooge warbixntaas ka dib waxaa su´aalo muhiim ah waydiiyay dadweynihii halkaas isugu yimid su`aalhaas ayaa waxay u badnaayeen sidii bulshada loo midayn lahaa iyo sidii kor loogu qaadi lahaa halganka gumaysiga Itoobiya lagula jiro.

Waxa kale oo uu waftigu la kulmay Jaaliyadda Jamhuuriyada Soomaaliya waxaana halkaas lagu gorfeeyay xaalda guud ee ay ku sugantahay bulshada Ogaadeenya wada hadaladaas ka dib waxay dadkii halkaas isuguyimid balanqaadeen in ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin walaalahooda Ogaadeenya laguna taageerayo sidii gumysigu ay ugabixi lahayeen waxaa kale oo dadaka Soomaaliyeed canbarayn dusha uga tuureen qaabka uu gumaysiga Itoobiyo ula dhaqmo shacbiga Ogaadeenya.
Ugudambayntii socdalkii waftiga uu hogaaminayay halgame Caddani Hirmooge waxa uu ku soo gabogaboobay guul wax ku ool ah.



17 April 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: