SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Midowga Maxaakiimta Islaamka Oo Ururka Al-shabaab Ku Eedeeyey Inay Ka Dambeeyaan Dilalka Qorsheysan Ee Ka Dhaca Magaalada Muqdisho

Midowga maxaakiimta islaamka ayaa si toosa ugu eedeeyey ururka al-shabaab inay ka dambeeyeen dillalka ka dhaca magaalada caasimada ah ee muqdisho gaar ahaa kuwii dhowaan lagu diley mudane ka tirsan xildhibaanada dowlada iyo weliba sarkaalkii ka tirsanaa midowga maxaakiimta ee labada maalmood ee isku xigta lagu kala diley agagaarka wersheda Cocola iyo wadada wershedaha .

Afhayeenka Midowga Maxaakiimta islaamka Sh, Cabdiraxiin Ciise Cadow oo habeenkii xalay ahaa la hadlayey warbaahinta magaalada muqdisho badankooda ayaa ku eedeeyey Ururka al-shabaab inay ka dambeeyaan dilalkii loo kala gaystay xildhibaan C/laahi Ciise Abtidoon iyo shariif kariye oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maxaakiimta islaamka oo dhowaan lagu kala diley goobo ka kala tirsan Magaalada muqdisho .

Sidoo kale afhayeenka midowga maxaakiimta ayaa tilmaan ka bixiyey inay ururka al-shabaab ay xaqiijinayaan inay ka dambeeyaan dilalkan qorsheysan islamarkaana cadayn ay u hayaan inay gaysteen dilalkaasi loo gaystay sarkaalka iyo xildhibaanka waa siduu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyey inay ka dambeeyaan qaraxii loo gaystay wasiirka arimaha gudaha c/qaadir cali cumar ee mudo laga joogo bil ka hor ka dhacay magaalada muqdisho .

‘’ Waxaanu ognahay kuwo aanu hebel iyo hebel oran karno inay ka dambeeyaan dilalkan ,oo tiro ka dhowr jeer soo wacay xidhibaanka islamrkaana u sheegay inuu kazoo baxo dowlada Ridada hadii kale ay Qaarajin doonaan taasina waxay cadaynaysaa inay al-shabaab ka dambeeyaan ‘’ ayuu yiri Cabdiraxiin ciise cadoow .

Dhinaca kale afhayeenka maxaakiimta oo la weydiiyey su,aal ahayd side ayaad Ku cadaynaysaan inay ka dambeeyaan dilalka iyo qaraxa Ururka al-shabaab ayaa ku jawaabay Nin habeenkii aad socodkiisa taqaano ,maalintiina aad raadkiisa taqaano isuma kaa yeel yeei karo taasoo oo uu ku macneeyey inay si cad u og yihiin islamrkaana ay cadayn buuxda u hayaan aa siduu hadalka u dhigaye .

Si kastaba ha ahaatee Hadalka kasoo baxay afhayeenka maxaakiimta islaamka sh,cabdiraxiin ciise cadoow ayaa kusoo beegmaya xili uu afhayenka Ururka Al-shabaab sheegay in dilalka qorsheysan ee lagu diley sarkaalka iyo Mudanaha ka tirsanaa baarlamaanka KMG ah ay ka dambeeyaan cadowga Illaahay islamrkaana ay shirqoolkaasi soo maleegeen kuwa u shaqeeya cadowga ee ku sugan magaalada muqdisho isagoo iska fogeeyey eeda loosoo jeediyey Ururka al-shabaab .

Abu-Mansuur Oo Iska Fogeeyey Eedaynta Cabdiraxiin Uu Ku Sheegay In Ururka Al-shabaab Ay Gaystaan Dilalka Qorsheysan Ee ka Dhaca Muqdisho


Urur Diimeedka Al-shabaab ayaa iska fogeeyey eedayn ay usoo jeediyeyeen maxaakiimta islaamka oo ay ku sheegeen inay ka dambeeyaan dilalka qorsheysan ee maalmihii ugu dambeeyey lagu qaarajiyey labada marxuum ee kala ahaa xildhibaan c/laahi ciise abtidoon iyo shariif kariye oo labo maalmood isku xigta lagu kala diley deegaano ka tirsan muqdisho .

Afhayeenka Ururka Al-shabaab sh,Muqtaar Rooboow abu-Mansuur oo dhinaca telefoonaadka Ugu waramayey warbaahinta magaalada muqdisho badankooda ayaa gaashaanka u daruuray hadalka kasoo baxay afhayeenka maxaakiimta islaamka sh,Cabdiraxiin ciise cadoow oo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan al-shabaab dilalkii Ugu dambeeyey ee lagu qaarajiyey xubin ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa maxaakiimta islaamka .

Abu-mansuur ayaa eedayntaasi ku sheegay Mid Lagu deg degay islamrkaana ugu baaqay in laga fiirsahso isagoo intaasi sii raaciyey in goobo ka tirsan fariisimada Ururka al-shabaab ee muqdisho lasoo weeraray xalay islamrkaana ay kuwii soo weeraray gaari kaga carareen meesha iyo labo wiil ay iminka diyaar u yihiin inay u celiyaan halkii ay ka tirsanaayeen .

‘’Alle subxaana watacaalaa waanu u mahadinaynaa inaanu goobo ay ururkeenu ku lahaayeen magaalada muqdisho weeraro lagu soo Qaaday islamarkaana ay gaari kaga carareen iyo labo wiil oo ay mujaahidiintu qabatay hada oo aan idinla hadlayona waxaan ka arinsananey inaan baabuurka iyo labada wiilba u celino halkii ay kasoo weerar tageen ‘’ ayuu yiri abu-mansuur rooboow

Dhinaca kale Afhayeenka ururka Al shabaab ayaa ugu baaqay dadka diidan in la weeraro ciidamada shisheeye ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho inay amaan geliyaan Mujaahidiinta oo ay ka daayaan Hadalada qadafka ah ee u Badanaa Meel ka dhacyada ku ah isagoo tilmaamay in hadii ay dhiiri gelinayaana ay dagaalka af iyo adinba la galaan .

Si kastaba ha ahaatee Hadalka ka soo baxay ururka Al shabaab ayaa kusoo beegmaya Xili ay eedayn usoo jeediyeen maxaakiimta islaamka oo sheegay inay ka dambeeyaan dilalka qorsheysan ee ka dhacay maalmihii ugu dambeeyey magaalada muqdisho taasina ay meesha ka saartay eedaynta laasoo jeediyey Ururkaasi

yaasiin Maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: