SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxwayanaha Somalia Sheikh Shariif oo booqasho ku jooga dalka Turkey. 

Madaxwaynaha dowladda DFKMG ee Jamhuuriyada Somalia Shiekh Shariif ayay booqasho rasmi ah uga bilaabtay dalka Turkey  April 17, 2009 Jimca. Kadib markii uu casumaad ka helay dhigiisa dalka Turkey Madaxwayne Abdullah Gul. 

Madaxwayaha Somalia Mudane Sheikh Shariif ayaa si heer Qaran ah loogu soo dhaweeyay dalka Turkey oo la filayo in uu booqasho 2-3 maalmood ah uu ku joogi doono dalka Turkey.

Madaxwayne Shariif oo salaam ka qaadana Cutubyo ka Tirsan ciidanka dalka Turkey.
Isha Sawirka AP. 

Madaxwayne Sharif oo shir kula qaatay dhigiisa dalka Turkey Abdullah Gul kula kulmay Qasriga Madaxtooyada dalka Turkey oo ku yaala magaaladda Ankara. Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyso Burcad badeeda ka dilaacday xeebaha dalka Somalia. 

“dalka Turkey waxa ay dowladda Somalia ka taageeri doonan asaasida iyo tababarida ciidanka xooga dalka somali” ayuu yiri Madaxwaynaha dalka Turkey Abdullah Gul oo warbaahinta kula hadlayay magaaladda Ankara.


Madaxwaynaha Somalia Shiekh Shariif oo gacan qaadaya dhigiisa Abdullah Gul.
Isha sawirka AP. 

Shiekh Shariif oo xilka Madaxaytimida Somalia loo dhaariyay horaantii sanadkan kadib shir ka dhacay dalka Djibouti shirkaas oo ay taageertay Qaramada Midoobay si loo dhameestiro dagaaladda ka soconaya dalka Somalia mudada ka badan 20-ka sano.


Madaxwayne Shariif oo dalak Turkey ku sugan.
Isha sawirka. AP. 

Booqashadan uu Madaxwayne Shariif ku tagay dalka Turkey ayaa ah booqashadii ugu horeeysay ee uu Madaxwayne shariif ugu anbaxo baxo Qaraada yurub intuu uu dunida ku noola, Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu dalalka kale oo yurub ah booqan doono iyadoo 23-ka bishan shir ka furmi doona dalka Belgium.  

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

ibraahim@journalist.com

sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: