SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAR-SAXAAFADEED

 Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya

Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya habeenimadii Arbaco [15 April 2009] ayaa waxaa isugu yimid wafdiyo ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi duhurnimadii Arbaco ee shalayto.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Md. Faarax Adan Dhalac, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyadda ee Dimuqraadiyanta Dr. Cabdi Xasan Jimcaale iyo Mas'uuliyiin ka tarsan xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Nairobi dad tiro badan oo ay ka mid yihiin Safiirka Somalia ee jooga Dalka Kenya Amb. Maxamad Cali (Amerika), Qunsulka Somalia u fadhiya Nairobi Md. Maxamad Edson iyo madax iyo odayaal ka tirsan Jaaliyadda Puntland iyo Jubbaland ee ku nool magaalada Nairobi uuna ka mid ahaa Md. Cali Cabdi Awaare.

Habeenimadii Arbaco ayaa waxaa dhacay kulan lagu qabtay Hotel Safari Park oo uu degan yahay Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo.

Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo casho sharaf ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdigii ka socday Dowlada Puntland iyo Wafdigii ka socday Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Intaasi ka dib ayaa waxaa dhacay kulan gaar ah oo qaatay muddo dheer oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Rai’sul Wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Inkastoo aysan jirin wax war ah kasoo baxay kulankaasi gaarka ah hadana dadka u dhow Madaxda sare ayaa sheegay in wafdiyadii kulmay dhexmaray isfaham guud.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Farole ayaa la filayaa inuu la kulmo Safiiro badan oo ay ka mid yihiin Safiirada wadamada Italy, France iyo USA, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Md. Ahmedou Ould-Abdallah iyo weliba Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Dalka Somalia Md. Nicolas Bwakira.

Madaxtooyadda Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
16 April 2009
Nairobi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: