SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Leicester Iyo Koobka Super Cup 
 

Waxaa magaalada Leicester Ka bilaaban doona Koobka Somalian Supercup oo ah koob ay ku looltami doonaan dhammaan kooxaha kala duwan ee Kubbadda cagta Soomaaliyeed ee England.. koobkan ayaa lagu wadaa inuu furmo Maalinta 14ka April 2009. 
 

Leicester ayaa waayahan isu badashay xarunta caasimadda isboortiga Soomaaliyeed ee Yurub, taasoo ay ku kasbatay hadba sida qiimaha leh ay u soo qabanqaabiso ama isugu soo duba ridaan ciyaaraha Yurub. 
 

Koobkaas waxaa ku loolami doona dhammaan kooxaha kala ah

{ London Stars, Allimoos FC, Halgan FC, Cardiff Warriors, Nabada FC, Leicester United } 
 

Haddaba ciyaarahaas oo loo soo qabanqaabiyey si aad iyo aad u heersanreysa ayaa waxa ay idiin leeyihiin bahda isboortiga ee Leicester iyo waliba bulshada Soomaaliyeed ee Leicester ku soo dhawaada Leicester iyo koobka Super Cup. 

Ballanteenu waa Leicester iyo 14ka Bisha. Soo dhaweyntuna waa Bahdi isboortiga oo aan cidina ka maqneyn gaar ahaan 
 

Cabdulqaadir Biina,

Gudoomiye Cumar Dheere

Cilmi Daqare

Daa’uud Muuse iyo

Cabdullaahi Shiine. 
 

Qalinkii Iftiinshe Media 

saicentadv@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS