SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi Macalin oo ka qayb galay Shirkii 3aad ee Barlamaanka Europe islamarkaasna ka jeediyey qudbad

Katarinholm Tuesday, 07 Apr 2009 SMC  

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi Macalin oo ka qayb galay Shirkii 3aad Barlamaanka Europe ee dhaq-dahqaaqa Hurumarinta Aduunka, ayaa ka dhacay Baarlamaanka Yurub ee cariga Brussels Belgium 2-3 April 2009 Shirkaas waxaa ka soo qayb galay dawladaha Caalmaka oo ugu waa waynaa Yurub iyo Amerika. Shirkaas waxyaabaha looga hadlaayey waxay ahyd ama aan iraahdee ujeedooyinka FORUMKAAS:- in lagu midoobo sidii loo heli lahaa ISBEDEL DEG-DEG AH OO HURUMARWATA (We need global progressive alliances for change) wuxuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga SSUP asaga oo mar la hadleeyey idcadaha iyo warbaahintaba ayuu sheegay in shirkaas ahaa mid lagu doonaayo in aduun weynaha ka dhaco ISBEDEL DEG DEG AH oo lagu cirib tiraayo FAQRIGA, JAHLIGA iyo DHAQAALE XUMIDA ADUUNKA KA JIRTO. Shirkaas oo socday labo maalmood ayaa Gudoomiyaha Xisbiga SSUP mudane maaxi uu kulan goni-goni la yeeshay madaxdii halkaas ka soo qayb gashay qaarka mid ah, waxaayna kawada hadleen sidii uu xisbiga SSUP ugu qayb qaadan lahaa dhaq-dhaqaaqa aduunka lagu hormarinaayo islamarkaasna loo aqoonsan lahaa xisbiga SSUP waxaa kale oo shirkaas baarlamaanka Europe ka dhacay looga hadlaayey arimo aay ka mid ahaayeen:- 



 

Waxyaabaha looga hadlaayey waxaa ka mid ahaa 

Round tables on  
development issues
Round tables on  
global policy issues
Round tables on global governance
  • Progressive politics in globalisation
  • Making Trade work for people
  • Sustainable development for social justice
  • Equal rights for all Women
  • Regional integration for better global governance
  • Why Africa matters
  • Tackling the energy crisis and climate change
  • Achieving lasting Peace
  • Making poverty history
  • New direction for capitalism
  • Global Deal for Green Growth
  • Feeding the planet
  • Implementing Decent Work for All
  • Globalization and migration
  • New Global Governance
  • Progressives; the way forward.

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Maaxi ayaa sidoo kale u sheegay idacadaha iyo warbaahintaba in Midowga Europe uu qaban doono shir dhaqaale loogu uruurinaayo Soommaliya, waxaana shirkaaasna wuxuuka dhici doonaa magaalada Burussels ee dalka Belgium inta u dhexeyso 22-23 Abriil 2009, taas oo la filaayo inuu ka soo qayb galo Mudane Sharif Sheekh Axmed.
Mudane Maaxi maha markii ugu horeeysay uu ka qayb galo shir noocaan oo kale ah wuxuu ka qayb galay shirkii 1aad ee Global prograsive 2003 Nov 29 ee lagu qabtay Brussels Belgium iyo kuwo kale oo heer caalami ah. Mudane Yaasiin Maaxi oo ah xubin Golaha deegaanka magaalda katrineholm iyo kan gobolka  Sodermland dalka Sweden, Waana hogaamiye dhallinyar ah oo u ololeeya in soomaaliya ka dhalato nabad waarto iyo siyaasad cadaalad ku dhisan.Mudane Maaxi oo shirkaasi qudbad qiimo badan ka jeediyey ayuu wuxuu sheegay in.

  • Waxaa la xaqiijiyay ayuu yiri in saboolnimadu ay shidaal u tahay argagixisinimada, waxayna khatar ku tahay xuquudda Adaniga, demoqradiyada, nabada iyo deganaanshaha.  
     
  • Waxaa kale uu mudane Maaxi tilmaamay in qaabka ugu wanaagsan  waa
      in la tuso, lana baro dadka sida loo kaluumeeysto inta la siin lahaa kaluun . 
Shirkaas oo lagu kala saxiiday heshiis caalami ah oo lagu hormarinaayo aduunka ayaa ka soo qayb galayasha waxay si wada jira ah u wada saxixeen Glopalka qariidadii aduunka taaasoo tusaaale ahaan loo saxiixay Gudoomiyaha Xisbiga SSUP mudane Yaasiin Maaxi Macalin oo ka socday matalaayeyna dalka Sweden ayaa u sixiixay Dalkiisa Hooyo ee soomaaliya Shirkaas wuxuu ku soo gab gaboobay jawi aad u qurxoon. 
 


Henrik Nilsson Bokor Claes Nordmark, bitr. internationell sekreterare Swedish delgetion and Yasin Mahi



Javier  Solana, the European Union High Representative for the Common Foreign and Security Policy and Yasin Mahi



Martin Schulz, President of the Socialist Group in the European Parliament, SPD, Germany and Yasin Mahi



Your browser may not support display of this image.Howard Dean, former Governor of Vermont, former Chairman of the Democratic National Committee, USA and Yasin Mahi



Baroness Amos, House of Lords, former Secretary of State for International Development, LP, UK and Yasin Mahi


Poul Nyrup Rasmussen, President of the PES, Member of the European Parliament, former Prime Minister of DenmarkYour browser may not support display of this image. and Yasin Mahi



 

Wixii faah-faahin ahna kala xiriir
www.ssup.se
info@ssup.se  

Faafin: SomaliTalk.com | April 1o, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS