SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Haweenka Howl wadeenada ka ah Shirkada Telecom Puntland ayaa Maanta Gelinkii Dame Xaflad Ku Qabsaday Hoolka Shirarka ee City Placa

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey oo ay ka soo qayb galeen Guud ahaan Laamaha iyo Ururada Haweenka iyo Shaqaalaha Shirkada Telecom Puntland ayaa ka dhacay Hoolka Shirarka ee City Plasa xafladaasi oo ay soo qaban qabiyeen Haweenka ka shaqeeya Xafiisyada kala duwan ee shirkada Isgaadhsiinta taleefoonada ee Telecom Puntland.


Xafladan ayaa waxaa Haweenku ku ugu deqeen dadkii ka soo qayb galay Abaal Kaararka lugu Haldlo ee SIMCard,ska ah iyadoo ay abaal Marin Gaara gudoon siyeen Haween badan oo ku soo booqan jirey Xafiisyadooda ay ku leeyihiin Magaalada Bosaso isla markaasina ugu soo Gudbin jireen Fikrado cusub oo ay ku biiriyaan shirkada.



Haweenka ka shaqaya Shirakada isgaadhsiina ee Telecom Putland ayaa sidoo kale ku casumey barnaamijkoodan ay xaflada ugu qabteen qaybaha kala duwan ee Bulshada Wasiirkada ku xigeenka Wasaarada iskaashiga Caalamiga ah oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimad Goboleedka Puntland balse uga qayb qaadatay Dhinaca Telefoonka iyaoo Marwo Saynab Ugaas Yasiin ay sheegtay inay 100/100 ku faraxsantahay Xaflada ay haweenkaasi qabteen.


Maxamed Axmed Ciise
geedi7@hotmail.com
Puntland-Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: