SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Sheikha Lubna Qasimi - Abudhab
  • Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Prime Ministerka oo dhowaan tababar ugu soo dhamaaday Nairobi. 

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Sheikha Lubna Qasimi - Abudhab

DBX/MoC/0408/09

Press Release
Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Mudane A/rshid Mohamed Abdi ayaa maanta kula kulmay xafiiskeeda Wasiirka Ganacsiga ee waddanka Imaaraadka Sheikha Lubna Qaasimi. Wasiirka Soomaaliya ayaa u gudbiyey warbixin kooban oo ku saabsan Soomaaliya dhigiisa waddanka Imaaraadka.

Wasiir A/rashid ayaa sheegay in ganacsiga labada dal uu dhan yahay:

Import /Export $350 Million Dollars
Financial Remittance (Hawaala) $850 Million Dollars


Wasiir A/rashid ayaa sheegay in waddanka Imaaraadku ku jiro kaalinta koowaad ganacsiga Soomaaliya ay la leedahay waddamada dibedda. Iyo in boqolkiiba 80% dhaqaalaha loo xawilo Soomaliya ay maraan bankiyada waddanka Imaaraadka. Labada dal ayaa leh isku xir toos ah dhinacyada duulimaadka iyo gadiidka badda. Sidaas darteed looga baahan yahay in laga shaqeeyo sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarinta ganacsiga iwm Wasiirka ayaa weydiistay:

a) In Ganacsatada Soomaaliyeed loo fududeeyo adeegyada dhoofka sida Visada iyo sharciyada socdaalka
b) In Dowaldda Imaaraadku ka taageerto Soomaaliya dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bani aadminiada
c) In loo fidyo tababar shaqaalaha wasaaradda ganacsiga si xirfadooda kor loogu qaado (capacity building)
d) In Dowaladda Soomaaliya laga taageero dhinaca heshiisyada caalimga ah ee ku saabsan ka qeyb geliida suuqyada dunida
e) In Dowladda Soomaaliyeed lagu taageero la dagaalanka Burcad badeedda iyo soo celinta aminga guud

Dhinaca kale,

Wasiir Sheikha Lubna Al Qasimi ayaa sheegtay:

a) In ay tababar u fidin doonto shaqaalaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed
b) In ay ahmiyad gaar ah siin doonto kor u qaadidadda tayada ganacsiga Soomaaliya
c) In Dowladda Soomaaliyeed wax ka qabato arrimaha burcad badeedda oo dalka Soomaaliya u soo jiiday sumcad xumo iyo curyaminta ganacsiga


Wafdiga Wasiirka ayaa ka koobnaa, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Waddanka Imaaraadka Mr Ahmed Mohamed Cigaal, Ku xigeenka arrimaha dhaqaalaha ee Baarlamanka Soomaaliyeed Mudane Saciid Ali Shire, Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed ee Imaaradka iyo Gabdho Soomaaliyeed oo ah aqoonyahano xirfad gaar ah u leh Reasl estate business.

Ministry of Commerce
2nd Floor, Jirdeh Building
Maka Al Mukarama Street
Mogadishu, Somalia
e-m: sommin.commerce@gmail.com

Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Prime Ministerka oo dhowaan tababar ugu soo dhamaaday Nairobi. 

Dhowaan ayaa magaalada Nairobi waxaa tababar ugu soo dhamaaday shaqaalaha Xafiiska Madaxweyne Sh. Sharif iyo kan Prime Minister Omar Abdirashid. Tababarkan oo ay bixineysay hay’adda la yiraahdo National Democratic Institute (NDI) oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi. Tabarakan waxuu ku saabsanaa xirfadda wada hadalka ama Communicationka. 

Waxaa tababarkan furay oo ka soo qeybgalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Norway Mr Bondevik oo ka ahaa waddanka Norway Prime Minister muddo dhan 7 sano, ka horna uu ahaan jiray Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Wasiirka diinta iyo Waxbarashada ee dalkaas Norway. Sidoo kale waxaa isna tababrka qeyb ka bixiyey Mr. Oistein Mjarum oo ahaan jiray Madaxa Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Norway oo isagana ka warbixiyey muhiimadda uu xirriirka wadahadalku leeyahay, una gudbiyey ka soo qeybgalayaasha waayo aragnimo la xiriirta intii uu soo ahaa Madaxa Xafiiska. Tababarkan oo ay ka soo qeybgaleen labada Xafiis ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa Awale Cali Kullane oo ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo isna ka socday Xafiiska Madaxweynaha. 

Tababarada noocan oo kale ah ayaa lagu wadaa inay kobciyaan ama xoojiyaan nidaamka xafiisyada.

Waxaa soo tebiyey:
Abdirahman Omar Osman

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
IIDHEH
XAYAYSIIS