SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan looga Hadlayo Amaanka oo ka dhacay Maanta Xarunta Dowlada Hoose ee Degmada Bosaso.


Wasiirka Warfaafinta DGPL

Bosaso:-Kulan Balaadhan ayaa ka dhacay Dowlada hoose ee Degmada Bosas Maanta kaasi oo looga hadlayo Amaanka Guud ee Gobolka Bari iyo Degaanada Maamul Goboleedka somaliyeed ee Puntland,Kulankan oo ahaa Mid ay si gaara isgu xilqaantay Shirkada Talefoonada iyo Alaada isgaadhsiinta ee Talecom Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay qayabaha kala duwan ee Maamulka Puntland Iyo Ururada Nabadgelyada Isimada Gobolka Bari qaybohooda kala duwan.


General Yusuf Xaji khary

Waxaa ka mid ahaa Masuuliyiinta dhinaca Maamulka Wasiirka Wasaarada Warfaafin Maamulka Puntland Warsame Cali Shirwac (Seefta Banaanka) oo ku dheeraday ahmiyada nabadgelyada,Wasiir ku Xigeena Wasaarada Arrimaha Gudaha Iyo Dowaldaha hoose ee dowlad Goboleedka Puntland ahana Sii hayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka PL Mudane Yusuf Xaaji Khar,Gudoomiyaha Gobolka Bari All-Xaaji Muuse Gelle Yusuf.

Madaxa Shirkada Telecom Puntland iyo Madaxda kale ee Dhinaca Suuqgayta iyo Qaybaha qancinta Bulshada oo qayb wayn ka qaatay isla markaasina Hormuud ka noqotay Wacyiglinta Nabadgeliyada Gobolada Puntland ee dhanka Bushada Iyadoo si wayn looga Amaaney kulankaasi Maamulka gaar ahaan Wasiirka wasarada arrimaha gudaha anaha Wasiir ku xigeen Yusuf Xaaji khayr ayaa si wayn uga hadlay Hanaanka Nabadeed ee Shirkada telcom Puntland ay qadatay Kulankan dhanka Amaanka ah.

Madaxa ururka Haweenka Gobolka Bari Marwo Maryan Gudoode iyo Madaxa Ururka Nabada ee Peace Action Activity Madax Waxabrashada Dhinaca Maamulka haweenka Ururka Danaha u heelanayaasha Haweenka Ee Wawa,Isimada Gobolka Bari oo uu hogaaminayo Madaxa Nabadoonada Gobolka Bari.

Kulankan ayaa waxaa ka maqnaa Ganacsatada qaybohooda kala duwan lakiin Nasiib wanaag waxa ay Dowlada ,Isimada iyo Ururada kale ee ka Puntland ay isku raceen in si wada jira Wax looga qabto Xaaladaha Amaan ee degaanada Dowlad Goboleedka Puntland waxaana ahmiyada ugu wayn ee kulankan ay ahayd oo markaasi lugu sii sagootinayey Xaaladahii ugu dameyey ee ka dhacay Magaalada Bosaso Ee G/Bari iyo Degada ufayn ee isla Gobolka Bari ka tisan.


Maxamed Amed Ciise
geedi7@Hotmail.com
Bosaso-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS