SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

April 7, 2009

Jacob Zuma oo dacwadii lagala laabtay

Hey’ada garsoorka qaranka ee Koonfurta Afrika, NPA (National Prosecuting Authority ) ayaa ku dhawaaqday maanta in ay la laabatay dacwadii ay ku heysatay madaxdweynaha ANC Jacom Zuma, tani waxay dhacday todobaadyo kadib oo Koonfur Afrika oo dhan loo wada hanqal taagayay maqalka go’aanka NPA ee dacwada Zuma, markii warar saxaafada loosoo dusiyey ay sii sheegeen in laga noqonayo dacwada.

Mokotedi Mphashe, waa madaxa NPA, isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo si weyn loogu xoonsanaa ayuu yiri "I have come to the difficult conclusion that it is neither possible nor desirable for the NPA to continue with the prosecution of Mr Zuma".”waxaan gaaray go’aan adag oo an in aysan suurogal ahayn, isla markaasina doonista NPA ahayn in aan sii wadno dacwada Zuma”.

Hadalkaasi oo ahaa mid taleefishanada dalka oo dhan si toos ah oga baxayay iyo waliba idaacadaha ayaa markaliya lagu salaamay farxad qoob iyo jaan ah iyadoo kumanaan taageerayaasha ANC ah ay wadooyinka isku dhigeen dabaal deg.

Go’aanka NPA waxaa lagu saleeyey in ay jirtey farogalin siyaasadeed oo la sheegey in dacwada lagu sameeyey, wuxuu Mokotedi shirka jaraa’id ka aqriyey qoraal laga soo sameeyey cajalado laga soo duubey saraakiil hore oo NPA ka tirsanaan jirrey oo si xeerka ka baxsan taleefoonka ugu wada sheekeysanaya in Zuma la maxkamadeeyo, codka waxaa duubey hey’ada sirdoonka qaranka ee NIA.

Hadalka la duubey wuxuu dhexmaray Bululani Ngcuka oo mar ahaan jirrey madaxa NPA iyo Leonard McCarthy oo ahaa madaxii dambi baarista NPA ee dacwada Zuma gacanta ku hayay, labbo arrimood oo calculus ayaa meesha ku jirta, mid waa in Bululani uusan xiligaasi ahayn madaxa NPA waxbana ka galin, kaliya uu ahaa seeyga ama ninka madaxweyne ku xigeenadii dalka Phumzile Mlambo-Ngcuka , iyo arrinta kale oo ahayd xiliga lagu soo beegey dacwadaynta Zuma oo ahayd wax yar ka hor intii aanan la tagin shirweynihii ANC ee Zuma lagu doortey magaalada Polokwane, December 2007.

Codadka taleefoonka ee la duubay labbada nin waxa ay si layaab leh oga wada sheegeysanayaan xiliga ku haboon in Zuma dacwadiisa la furo, Bululani ayaa Leanard ka codsanaya in uu barito maxkamad la koro Zuma, meelaha qaar waa ay qoslayaan, meelaha qaar Bululani wuxuu dhahayaa “maalinteeyda ayaad wanaajisey”.

Warfidiyeenadii shirka jaraa’iid joogey ayaa markaliya qosley markii Mokotedi uu aqriyey qoraal ku jirey sheekada labbada nin, McCharcthy ayaa dhahaya “aniga igu dhaaf taas, Mokotedi fasax ayuu ku maqanyahay, aniga ayaana kusime ah, hoowsha aniga ayaa cabaya” waxa uu markaasi ka jawaabayaa codsi Bululani uu usoo jeediyey oo ahaa in uu Zuma hawadiisa kiciyo, waana maalmo yar uun ka hor shirweynihii ANC, waa marka kaliya ee la qosley muddo 40 daqiiqo ah oo uu hadlayay Mokotedi Mphashe madaxa NPA.

Wuxuu si xoogan ugu doodey in qaabta loo maray dacwadeynta Zuma ay ahayd mid haboowsan, isla markaasina ka baxsan sharciga iyo anshaxa garsoorka qaranka ee dastuuriga ah, wuxuu intaasi ku daray in aysan u muuqan fursad ay kusii wadi karaan dacwada, sidaasina ay tahay in ay iska joojiyaan, wuxuu cuskaday in Bululani oo aanan xiligaasi wax xil ah ka heynin NPA in uu soo farogashaday dacwada Zuma, isla markaasina waxkasta gadaal ka riixayay.

Wuxuu yiri “in baddan ayay maxkamad i weeydiisey in dacwada Zuma aysan farogalin siyaasadeed ku jirrin iyo in kale, anigana waxaan ku dhaartey in aysan ku jirin wax gacan ah, arrintaasi maanan ogeyn si weyn ayaana la’ii qayaamey, mar kale diyaar uma ihi in aan qaranka hor imaado oo aan been kale u sheego”.

Arrinta ugu xiisaha badneyd ee la doonayay in la maqlo ayaa ahayd in cajaladaha la gudbiyey uu ka midyahay codka madaxweynihii hore Thabo Mbeki oo la hadlaya McCarthy, arrintani oo ay horey saxaafada horey u faafisey ayuu diidey Mokotedi in jiritaankeeda.

Xarunta NPA ee Pretoria waxaa loo diidey in ay galaan labbo haween oo hogaamiye labbo xisbi oo mucaarad ah waxay kala yihiin Patricia De Leal oo madax ka ah Independent Democrats (ID) iyo Helen Zille oo madax ka ah Democratic Alliance (DA) , waxaa sidoo kale ku banaanbaxay taageerashayaasha xisbiga ANC ka jabay ee COPE (Congress of the People).

Go’aanka waxaa la shaaciyey 11:40am, waxyar kadibna waxaa isu baxay kumanaan taageerayaasha ANC ah, waxaan tagay fagaaraha caanka ah ee Fitzgerald Square ee xaafada New Town, agagaarka masraxa qaranka ee Market Theatre , waxaa halkaasi igu soo baxay kumanaan taageerayaal ah oo ANC ah.

Waxaan meesha joogey madax ANC ka tirsan oo dadweynaha jibbeysan la hadlayay, waxaa ka mid ahaa Basaraabka gobolka Gauteng Paul Mashatile, iyo madax kale oo aad u baddan, dadka waxa ay tumanayeen heesaha wadaniga ah, waxay amaanayeen Zuma, mar kaliya ayay madaxda iyo shacabka qoob ka ciyaar saar tumanayeen farxad daraadeed.

Waxaan goobta gaaray waxyar kadib markii go’aanka la shaaciyay oo aan kala socday qalabka warbaahinta, wixii aan indheyga kusoo arkay waxay ahaayeen dadweyn ay farxada madax martay, oo xittaa qaarkood aanan is ogeyn, waxaa aaga oo dhan xirrey ciidamada amaanka.

Xiliga ka noqoshada dacwada la shaacinayay Jacob Zuma wuxuu joogey gurigiisa ku yaala Forest Town, Johannesburg halkaasi oo uu ka TV-ga kala socday waxa dhacaya, wuxuu ku dacweysnaa 16 qodob oo dacwad ah, kuwaasoo gabi ahaanba markani laga noqdey xilli doorashada ay ka dhimantahay maalmo yar.

Waxaa si weyn loo filayaa in Zuma uu noqonayo madaxweynaha Koonfur Afrika kadib doorashada guud ee 22 April, 2009, in dacwaddiisa laga noqdo ayaa lagu tilmaamey arrin sii kordhineysa fursadihiisa guusha.

Dhanka kale ka noqoshada dacwada waxa ay keeni kartaa xasilooni uu dalka kusoo dabaalo xilli laga cabsi qabbo rabshado ka dilaaca dacwadaha Zuma oo la rumeysanyahay in ay yihiin kuwa siyaasad ka dambeyso, dad muhaajiriinta ah, gaar ahaan Soomaalida qaarkood oo aan Johannesburg kula kulmey ayaa ii sheegey in laga yaabo in arrintani ay degenaansho ka dhalato taasoo iyaga u wanaagsan.

Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS