Wasiirka Waxbarashada Puntland oo lagu Soo Dhaweeyey Minneapolis
Minnesota
Mudane Mr Abdi Farah Saciid Juxa Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa maantay
oo Axadda ah Lagu soo dhaweeyey Brian Cyle Center oo ku taal xafadda Cedar
ee Soomaalidu u badantahay ee magaalada Minnesota halkaas oo uu ka
jeediyey Khudbad aad iyo aad u xiisa badnayd .

Wasiirka
Waxaa Barnaamijka Daadihinayey oo Xiriiriye ka ahaa Abdi Fitah Abdinuur waxaa
lagu furay Ayaad Qur,aan ah oo la Macneeyey ama la Fasiray waxaase ka horeeyey
Kaftan uu soo tuuray Wadaadkii loogu yeeray in uu Qur,aan ku furo Xafladda Sh
Qays Ducaale Waxuuna hadalkiisii ku bilaabay anigu reer kaygu geela ayey dhici
jireen marka hadaan qur,aan in aan akhriyo ayaa la iigu yeeray marka waxaad
garan kartaa sida xaalka adduunku isku badalay waxuuna macneeyey aayad qur,aan
ah oo oraynaysa Qofkii Camal wanaagsan sameeya asaga ayey anfacaysaa ama wax
taraysaa taas oo aad moodo in uu wasiirka ku guubaabinayao in uu Door wanaagsan
cayaaro ama dadweynaha uu dareen siinayey camalka wanaagsan.

Xiriiriye
Abdifitah Abdinuur iyo Sheikh Qays Ducaale
Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyey Dr Mohamed Hassan oo ka mid ah Macaliinta
Minnesota waxaana erayadiisii ka mid ahaa qaabka ugu haboon oo wax loo barto iyo
in Luuqadda
English ka iyo Xisaabta Xooga la saaro taasna waxaan u leeyahay ayuu yiri
Maantay Culuumad Technology ga ah waxay ku qoran tahay Af ingiriis.

dr mohamed hassan
Ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyey Marwo Dahabo Cilmi oo ah Macalin waxayna
hadalkeeda ku bilowday Taariikh noolaleed keeda oo ay tiri waad igu qoslaysaan
haddii aan wax idin kaga sheego waxayna tiri Waxaan ka soo baxay Jaamacada
Saddex madaxweyne oo Hindi ah ay ka soo baxeen in kastoo ay magacyadooda
sheegtay, waxay tiri anigu waxaan macalin nimada Bilaabay 1952 halmar ayaa qosal
kii ay sheegaysay Macalin Dahabo la wada Qoslay runtii waxay ka sheegaysay
Taariikh aad u macaan iyo waayo Xiisa badan oo ay soo martay ayada oo halkaasna
Buraan bur ka tirisay Gudniinka gabdhaha Fircooniga.

Yabarag iyo Tarabi - qaban waabiyaasha... / Dahabo Cilmi
Waxaa kaloo ka hadlay Mohamed Hassan Majiindho oo erayo kooban oo soo dhaweyn
yiri Xafladaan ayaa waxaa soo Qaban qaabiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Qurba Jooga
Puntland Mudane Yassin Mohamud Yabarag iyo Mudane Tarabi Abdirahman Jama iyo
Marwo Sacdiyo Mafuta iyo Mudane Yusuf Ali iyo Waliba Ali Ganay Inta aan wasiirka
lagu soo dhaweyn ayaa waxaa Taariikh Noolaleed kiisa Dulmaray Ali Ganay waxuuna
yiri Wasiirka Wax Barashada Puntland Waxuu ku dhashay Caasumadda Garoowe Waxuuna
Bartay Saxaafadda Ama Joornalist Waa Macalin waxuuna wax barashada ka caawin
jiray Ardayda Gobalka Ohio Columbs oo uu wax ku bartay Waxuu leeyahay Buugaag
Badan iyo Waliba Suugaan akhris iyo Daawasho iskugu jira intaaas ka dib waxaa
lagu soo dhaweeyey Wasiirka waxuuna ka hadlay wax Barashada Puntland iyo
iskoolada sida gaar ka ah loo leeyahay iyo Bur Cad Badeed ka

Mohamed Hassan Majiindho
Waxuu kaloo ka hadlay Doorashadii Puntland ka dhacday iyo Waliba Dowladda
Federalkaa oo uu sheegay in uu Magaceeda ku Wareersan yahay maadaama buu yiri
aanan inta badan War Baahinta iyo Madaxda Dowladda aanan ka maqal Federal ee ay
Adeeg sadaan Dowladda Midnimo Qaran waxuu intaas raaciyey in uu su,aalo badan ka
qabo Federalka dhinaca kale wuxuu dhaliil u soo jeediyey Iskuulada iyo
Jamacadaha Puntland ma ahan ayuu yiri aqoon tayeysan arintaas ayaa su,aalo badan
ka dhasheen ka dib markii la furay su,aalo in la weydiiyo Wasiirka dad badan oo
Su,aalo weydiiyey ayaa ka codsaday in Mushaarka loo kordhiyo Macalimiinta ku
waas oo uu sheegay wasiirku in ay Qaataan 20$ labaatan Doolar halka kuwa
iskuulada Gaar ka loo leeyahay ay qaataan 100$ Doolar Su,aalaha ayaa waxaa ka
mid ahaa Wasiirada waxaa lagu waar diyeeyaa lacag badan iyo hub badan
dhaqaalahaas maxada wax Barashada ugu bixin weydeen Waxuuna ku jawaabay wasiirku
waxaa fiicnaan lahayd aniga oo Garoowe Jooga in aad i aragto Xafladdaan ayaa
ahayd Mid Haddii la heli lahaa Aaladii Codka aan ku Duubaynay oo Meesha laga
Xaday Mid Xiisad badan yeelan lahayd
Gabo Gabo Markii Xafladda La Xiray ayaa Dadweynihii Goobtaas Joogay Is Gadaameen
Wasiirka Waxayna ahayd Runtii Mid dad ku layaabeen Fur Furnaanta iyo Soo
jeedashada iyo Dhex Galka Bulshada waxaa intaas u dheeraa kaftan dad ka aad ka
ugu wareegsanaa ayaan u kala soocnayn Waayeel iyo dhalin yaro waa markii iigu
horaysay oo aan arko Wasiir sidii Madaxweynihii La iskugu Gadaamayo Inkastoo
Qaban qaabiyaasha Xafladdaan ay Qayb weyn ka qaateen Bishii la soo dhaafay ayey
ahayd markii ay Xaflad Maamuus kaan oo kale leh ay ku Taageereen Dowladda uu
Madaxda ka yahay Sh Sharif Sh Ahmed Waxaase is weydiin Mudan

Wasiirka iyo Dalboon
Maxay mar kasta u Halmaamaan Astaanta Qaranka Somaliya oo ah Soomaliyey
Toosay Soomaliyeey Toosay Mahalaha Somalidii ayaa Toosiweyday

Saciid Fahiye oo ka hadlay madasha shirka
Sawiro dheeraad ah:
Ustaad
Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009 |