SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dhalinyaro Somali Ah oo Ku Xiran Wadanka Botsuwana Muda 3 sano ah

Waxaa magaalada Brison ee ah caasimadda Labaad ee wadanka Botsuwana Ku xiran dhalinyaro somaliyed Mudo 3sano ka Badan ,Dhalinyaradan oo ay Tiradooda tahay 23 ayaa 3 Ka Mid ah Hablo yihiin Sababta loo xidhay Dadkan ayaa lagu macneeyay Sharci daro in ay ku joogeen wadanka Btsuwana iyo in ay rabeen in ay sharci Daro Ku galaan Wadanka South Africa oo ay Xaduud Wadaag Yihiin Btsuwana,

Xabsiga Ama Jailka ay ku Jiraan Dhalinyaradan somaliyed oo lagu magacaabo Briston Grabe ayaa waxa Lagu Xiraa Dadka danbiyada waaweyn lagu Hesto iyadoo Loola Dhaqmo si ka baxsan Sharciga iyo qaanuunta Maxaabista waxaana ay ka cabanayaan cunto yari Caafimaad daro Iyo waliba in Jirdil loo geesto

CABDIQAADIR oo Ka mid ah Dhalinyarada Ku Xidhan xabsigaasi Briston GRABE ayaa sheegay in ay jiraan Dhalinyarada qaar kood oo Xubnahooda la jabiyay sida gacmaha iyo Luguha,

Mid Ka mid ah Maxaabiista ayaa Sheegay in uu yimid Wadanka Btsuwana Wasiir ka Socda Dawladda KMG ah Balse aanu waxba ka qaban arintooda sidoo kale Ma jiraan wax u doodaya dhalinyaradan ilaa hada Mana Jiraan Wax maxkamad ah oo lasoo taagay ,

Waxaa Jira in maalmaha sabtida Iyo Axada si qarsoodi ah ay U helaan In ay Ku Hadlaan tellefoonka iyadoo ay sheegeen hadii lagu arko in ay muteysanayaa ciqaab adag balse ay si qarsoodi ah u isticmaalaan tellefoonka ,waxaana ay ka codsadeen Haydaha u dooda xaquuqda aadanaha iyo dadka somaliyed ee daneya arimahan in ay wax ka qabtaan arintooda

Qofki Raba in uu laxadhiidho ama maleynaya in ay Dad kaga maqanyihiin amaba Daneynaya in uu wax u qabto Dhalinyaradan Somaliyed ee aanu ceelna u qodneyn Cidina U maqneyn waxey Kala Xadhiidhi Karaan Tell:26772136625

W/D

Hassan IsmacilYare “Hassan Sunni”
Seattle,Wa
Xnuur11@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS