SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Argagax iyo Rajo-Xumo.!!!!

“Qaxootiga Somaliyeed ee Kenya lagu hilmaamay”

Horudhac.

In ka badan 60,000 (Lixdan Kun) oo Qaxooti Somali ah ayaa ka soo gudbay Xuduudka dalka Kenya ay Somalia la wadaagto, iyadoo maalin walba in ka badan 165 qof oo Somali ah ay Gudaha dalka Kenya u soo gudbaan gaar ahaan Xerooyinka Qaxootiga ee Waqooyi Bari Kenya.

Qaxootiga Somalida ah ee dalka Kenya gudaha u soo gala waxa ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan Polic-ka dalka Kenya. Sida ay sheegtay Warbixin cusub oo ay Heyadda Xuquuqda Insaanka u dooda ee Human Rights Watch (HRW) oo shir Jaraa’id ku Qabatay Magaaladda Nairobi March 30, 2009.

Sidoo kalle waxaa Warbixintan lagu soo bandhigay Tacadiyadda Police-ka dalka Kenya ay u geestee Qaxootiga Somalida ah ee dalka Kenya gabaadka ka soo raadsay.


Gerry Simpson oo shir Jaraa'id Nairobi ku qabanaya iyo sawiro kalle oo Qaxooti somali ah

Warbixintan cusub ee ay HRW soo saartay oo ka kooban 58 bog ayaa lagu soo bandhigay macluumaad badan oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee Qaxootiga Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool gaar ahaan kuwa Xeryaha Qaxootiga.

Erayga Argagax oo ay Heyada isticmaashay waxay ula jeedaa dhibaatada iyo dagaaladda gudaha dalka Somalia ka jira, balse markii ay dadkii ay soo qaxeen waxaa dhacday in aysan helin wixii rajeenayeen waxayna dhaxda ka soo galeen cabsi iyo dhibaatooyin aan ka liidan dagaaladdii ay ka soo barakaceen. 

Dhibaatadda ay  Police-ka Kenya ku hayaan Qaxootiga Somalida.!

Warbixitan cusub ee HRW ay soo bandhigtay ayay ku sheegtay in ay Police-ka dalka Kenya ay dhibaatooyin fara badan ay ku hayaan Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan Xerooyin Qaxooti oo ku yaal dalka xuduudka ay Kenya la wadaagto Somalia.

HRW ayaa Dhibaatooyinka Police-ka Kenya ay ku hayaan Qaxootiga Somalida ku tilmaamtay in ay yihiin kuwo ka hor imana sharciyadda Caalamiga iyadoo eedeemaha Police-ka Kenya loo soo jeediyay ay ka mid yihiin, Kufsi, Laaluush. Dil iyo dhac intaba.

January 16, 2007  ugu yaraan 29 qof oo Qaxooti Somali ah oo saaran Gaari ayay Police-ka Kenya ku fureen rasaax iyadoo 3 ka mid ah 29-kan Qaxootiga Somalida ay ku dhaawacmeen, kadibna waxaa 3-dii qofood oo dhaawac ah la soo gaarsiiyay Hospital ku yaal Dhabaab. Dhibaatooyin iyo kuwo kaloo badan aya lagu eedeeyay Police-ka Kenya.

Qaxootinimo uu Kufsi sii dheeryahay.!

“Bishii February, 2008 ayay aheed markii aniga iyo 20 kalle oo Somali ah lanoo taxaabay Xabsi ku yaal Xeradda Qaxootiga Xagardheer, intii aan xabsiga ku jirnay ayaan u baahday Suuli (Musqul) balse nasiib daro intii aan Suuliga u sii socday waxaa ii yeeray Police-kii xabsiga waardiyaha ka ahaa waxayna ii tilmaameen Qol aan Suuliga sidaa ooga sii fogeen in aan galo, balse waxaan waydiiyay waxa aan Qolka ka doonayo anigoo u sheegay in aan Suuliga u socdo laakiinse waxay igu qasbeen in aan qolka galo kadib maxaa dhacay.?

2 Police ah ayaa lugaha iga qabtay iyadoo Midka kalle uu  I kufsaday arrintan waa markii iigu horeeysay oo aan sheego”  Sidaa waxaa tiri gabar 17  Jir ah oo dagaaladda Somalia ka socda ka soo carartay. Waxayna sheekadan ku Qorantahay Bogga 23-aad ee warbixintan

Arrimahan iyo dhacdooyin ka xanuun badan ayay Qaxootiga Somalida kaaga sheekeynayaan marka aad wareeysato ama aad wax ka waydiiso xaaladda dhabta ah ee Xuduudka dalka Kenya ka jirta. 

Xuduudka Kenya iyo Somalia.

Dowladda Kenya ayaa bishii January, sanadkii 2007 ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudka ay la wadaagto dalka Somalia kadib markii ay ciidamado ka socday Cadowga Ethiopia ay gudaha u galeen Somalia iyadoo xilligaasi Xuduudka Kenya ay u soo carareen ciidamadii Midowga Maxaakimta Somalia ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia gacanta ku hayay.

“Kenya awood uma laha in ay Hubiso ama ay kala saarto  in Somalida Xuduudka dalkeena  ka soo gudbaysa ay yihiin Qaxooti ama Dagaalyahano, waxaana wanaagsan in Somalida ay dalkooda iska joogaan.” sidaa waxaa yiri Wasiirkii arrimaha dibadda dalka Kenya Rephael Tuju.

Kadib markii ay Kenya ku dhawaaqday in Xuduudka Somali ay la wadaagto ay xirtay ayay sii kordheen dhibaatadda Police-ka Kenya ay ku hayaan Qaxootiga Somalida.

“Kenya xaq ayay u leedahay in ay amaanka iyo xuduudkeeda ay adkeeyso, balse Xaq uma laha in ay Kenya Xuduudkeeda ka xirato Qaxootiga isaga soo hayaamay goobaha dagaaladda ba’ani ay ka socdaan sida Somalia” ayuu yiri Gerry Simpson oo ah Cilmi baare ka tirsan Heyadda HRW.

Xogtan yaa laga soo aruuriyay..?

Warbixintan ay soo saartay Heyada HRW ayaa ka kooban 58 Bog, ayaa laga soo kala aruuriyay 65 qofood oo Qaxooti Somaliyeed oo ku kala nool Xerooyinka Qaxootiga ee Kenya iyo Xaafada islii ee Magaaladda Nairobi.

Sidoo kalle waxaa Xogtan laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shaqaalaha Heyaha Samafalka, NGO’s, Heyadda Qaramada iyo shaqsiyaad arrimaha Somalia la socda sida Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya iyo Wariyaal.

Warbixitan ay HRW soo saartay waxay xog ururinteeda la bilaabay bishii Octobar 2008, iyadoo la soo bandhigay March 30, 2009. iyadoo lagu qeeybiyay Shir jaraa’id oo ay Heyadda HRW ku qabatay Hotelka Sarova Stanley ee Magaaladda Nairobi.

Qaxootiga Somaliyeed ee ku sugan Magaaladda Nairobi.

Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxa ku sugan Somali fara badan ujeedooyin kala duwan u jooga, dhan kalle magaaladda Nairobi waxaa ku sugan Qaxooti Somaliyeed intooda badan ka diiwaan gashan heyadda UNHCR balse qaarkood magaaladda Nairobi si caadi ah u dagan.

Dhan kalle heyada HRW ayaa cadeeysan Karin tirade saxda ah ee Somalida ku sugan Magaaladda Nairobi. Dhan kalle Magaalada Nairobi somalida ku sugan intooda badan waa dad u yimid ganacsi iyo arrimo dhoofintaan mana jiraan tirikoob sax oo tilmaamayaya inta Somali ah ee joogta dalka Nairobi.

Dhan kalle waxaa jira in dad badan oo somali ah kuna nool dalka kenya ayaa bilaabay in ay dalka dib ugu laabtay tan iyo markii dowladda Wadaaga ah ay somalia ka curatay, maalin kasta waxaa jira dad dalka dib ugu laabanaya iyadoo ku dhawaad 45 qofood ayaa dib ugu laabta dalka somalia taasi oo yareen karta dibaatadda Qaxootiga somalida ku haya dalka kenya.

Balse Heyadda HRW waxa ay wali ka digeeysaa in dagaalo ay ka dhacaan gudaha somalia, dagaaladan ayay ku Micneeysay in ay dhax mari doonaan Dowladda Madaxwayne Sheikh Shariif iyo waxa loogu yeero kooxda Al-shabaab ee gacanta ku haya dhul balaaran oo Koonfurta somalia ka tirsan.

Goorma ayaan duligan ka bixi doonaa.? Dagaaladan aan dhamaadka laheen goorma ayaan ka caqliyaysan doona.?.

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS