SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  Urur Difaaca Xaquuqda Caruurta Somaaliyeed, Una-Dooda Ee lagu Magacaabo SOCHRO oo ka dayriayay Abaaraha Baahasan ee ka dilaacay Deegaano ka mid ah Gobolada Soomaaliyeed

Kadib markii abaaro daran laga soo sheegay Deegaano dhowr ah oo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, ayay Urur Difaaca Xaquuqda Caruurta Somaaliyeed, Una-Dooda Ee lagu Magacaabo SOCHRO ayay sheegeen in deegaanada ugu daran ay yihiin G/Dhexe, G/Mudug-Kofurteeda, SH/Hoose, SH/Dhexe, J/Hoose, J/Dhexe, Waxayna Kala Yihiin, Biyo La,aan iyo Cunta La,aan Daryeel La,aan lasoo Daristay Oo Ay Lageeriyoonayaan Caruurta iyo Dadaka Da,da ah, waxeyna Beesha Caalamka ugu baaqeen oo ka codsadeen inay Gar gaar Bini’aadanimo ah la soo gaaraan.

Warsaxaafadeed ay ay ururkaasi abaaraha Soomaliya ka jira ka soo saareen Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu u qornaa sedan:

Subject: War-saxaafadeed

Anagoo ah Urur Difaaca Xaquuqda Caruurta Somaaliyeed, Una-Dooda Ee lagu Magacaabo SOCHRO-Somali Child Rights Organization, Oo Fadhigoodu Yahay Mogadishu-Somalia, Kana Howl-gala Kofurta iyo Bartamaha Somalia.

Waxaan War-saxaafadeedkan Ugu Talagalnay in Aan Kusoo Bandhigno Oo Aan Indhaha Laga Qabsan Oo Aan Gacmahana Laga Laaban Muusibadaha Abaaraha Ka Dhacaayo Gobolada Somaliya Oo ay Kamid Yihiin Abaaraha Baahay Oo Gaaray Heerkii Ugu Xumaa, Waxaana Wax-yeelada Abaaraha Ka Jira Gobolada Dalka Soomaliya Sidan:-

G/Dhexe, G/Mudug-Kofurteeda, SH/Hoose, SH/Dhexe, J/Hoose, J/Dhexe, Waxayna Kala Yihiin, Biyo La,aan iyo Cunta La,aan Daryeel La,aan lasoo Daristay Oo Ay Lageeriyoonayaan Caruurta iyo Dadaka Da,da ah, Waxaana Ka Walaacsan Nahay Haddi Aynu Nahay Ururka SOCHRO, Caruur Farabadan Oo Ugeeriyootay Shuban Biyood Oo ay Ka Dhaxleen Biyo La,aanta Jirta Owgeed Iyagoo Cabeen Biyo Aan Nadiif Aheyn Waxayna Caruurta Geeriyootay Oo U badan Degmada Wanlaweyn Oo Ka Tirsan Sh/Hoose.

Waxaan Soo Dhawaynaynaa Baaqyada Ka Imaanaya Dhinacyada Bulshada Rayidka Qeybahooda Kala Duwan iyo Dadaalada ay Wadaan Ganacsatadda Oo Runtii intii Karaankooda Ah U Gurmanayaa Dadka Ay Sameeyeenb Biyo La,aanta.

Waxaan Sidoo Kale Soo Dhawaynaynaa Kulankii Dhexmaray Madaxda DFKM 01/04/2009, Iyo Wakiilo Ka Socday UN.ka, Baaqa Ay Soo Saareen Oo Wax-looga Qabanaayo Dib- Usoo Celinta Qowsaskii Ka Barakacay Dagaaladii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho, Iyo Sidii Wax-loogu Qaban Lahaa Dadka Ku Dhibaataysan Biyo L,a, aanta Oo Laga Cabsi Qabo in Caruur Farabadan iyo Dadka Da,da Ah ay U Geeriyoodaan Biyo La,aanta Ka Jirta Gobolada Somaliya.

Waxaan Ka Codsanaynaa Bulshada Caalamka, Jaaliyadha Soomaliyeed, Ganacsatadda Guddaha iyo Kuwa Bibaddaba Ku Nool, Iyo Dowlada Federalka In Aan Indhaha Laga Qarsan Gacmahana Laga Laaban Musiibadaan Sii Haahaysa In Laga Hortago.

F.G. WAA IN AAN CAAWINAA CARUURTEENA U DHIMANAYSA HARAADKA,
CUNTA YARIDA, NABAD LA, AANTA, IYO DARYEEL LA, AANTA

Chairman of SOCHRO
Eng: Mataan Ali Hassan


Somali Child Rights Organization (SOCHRO Somalia)
Location Address:
HQ:
Mogadishu-Somalia
Office: 2521-854260
Mobile:2521-5577977
E-mail: sochrosomalia@yahoo.com
E-mail: sochrosomalia@hotmail.com


Ururka Dimoqoraadiga dadka Banaadir oo shirweyne ka yeeshay xaaladda uu dalku marayo maanta kana soo saaray qodobo ku wajahan Dowladda Sheekh Shariif

Ururka Dimoqoraadiga dadka Banaadir ayaa maanta kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka uu marayo maanta waxay kulankooda uga wadahadleen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin:-

Xasilooni darrida ku soo korortay dalka, Dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo, waxgaradka, aqoonyahanada, culumaa'udiinka, ganacsatada, nabadoonada iyo dadka hormuudka u ah bulshada, mideyn la'aanta ciidamada Dowladda iyo muqaawamada iyo arrimo kale oo fara badan.

Kulanka ay maanta yeesheen xubnaha uu ka kooban yahay ururka Dimoqoraadiga dadka Banaadir kana dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo baxay go'aanno dhowr qodob ka koobnaa, iyadoo qeybaha Saxaafadda uu u akhriyay Afhayeenka ururkaasi Maxamuud Xuseen Gudbaaye, hase yeeshee nuqul ka mid ah go'aanada ay ka soo saareen shirkooda oo uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Gudbaaye oo aan sidiisa idinkugu soo gudbinay waxa uu u qornaa sidan:-

-Markaan aragnay Dowladda cadaalad darrada loo dhisay.

-Markaan aragnay Dowladda cusub inay ku guul darreysatay isku darka ciidamada Dowladda iyo muqaawamada.

-Markaan aragnay ugaarsiga lagu hayo aqoonyahanada, culumaa'udiinka, nabadoonada, siyaasiyiinta iyo hormuudka bulshada.

-Markaan aragnay in dowladda Sheekh Shariif ay dibadda ku dhunsaneyso hantidii shacabka iyo midii Qaranka dalka dibadiisa.

-Markaan aragnay Dowladda KMG ah inay ka kooban tahay Xisbiga Shariifka oo kaliya.

-Markaan aragnay cadaalad darrada beesha caalamka ku garab istaagtay hal Xisbi oo kaliya.

Sidaas daraadeed wuxuu ururka Dimoqoraadiga dadka Banaadir wuxuu ugu baaqayaa dowladda KMG ah inay si degdeg ah isu casisho, isla markaasina dib loo mideeyo xisbiyada dalka ka jira si loo helo ciidamo mideysan oo dib u hanta guud ahaan dalka Soomaaliya soona celiya Qaranimadii uu dalku lahaa.

Ururka wuxuu si gaar ah baaq ugu dirayaa beesha caalamka ayna ka fiirsado taageerada ay ku bixiso Xukuumadda Sheekh Shariif oo ka kooban xisbigiisa oo kaliya.



Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS