SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Qaar Ka Tirsan Warbaahinta Ka Howlgala Magaalada Muqdisho Oo Cambaareeyey Maamulka Puntland Xiritaankii Ay Kula Kaceen Weriye Jaamac ayaanle

Ururada saxaafada ee ka Howl gala magaalada caasimada ee muqdisho ayaa cambaarayn dusha kaga tuuray maamulka cusub ee puntland kaasoo ay tilmaameen inuu dagaal ba,an kula jiro xoriyada qowlka iyo saxaafada .

Qaar ka tirsan warbaahinta wepsideyada soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (WWS) ee xafiisyada ku leh caasimada muqdisho ayaa maanta kulan ay isugu yimaadeen ku falanqeeyey sida ay maamulka puntland ugu tumanayaan saxaafada islamarkaana shaaca ka qaaday inay maamulka puntland uu si aan naxariis lahayn ugu tumanayo saxaafada xorta iyagoo cambaareeyey muulmulka uu madaxda ka yahay madaxweyne faroole .

Sidoo kale kulankan oo ay hadalo ka jeediyeen qaar ka tirsan weriyayaal iyo weliba masuuliyiin ka kala socday waraabaahinta wepsidyeda ayaa tibaaxay in wax laga xumaado ay tahay in weriye shaqadiisii gudanaya lagula kaco tacadi ka dhan ah xoriyada saxafiga iyo shaqo ka fariisin islamrkaana xoriyada laga qaado oo weliba lagu soo rogo xukun ka baxsan qawaaniinta saxaafada .

Dhinaca kale kulankan oo uu saxaafada uga war bixiyey waxii kasoo baxay weriye yaasiin maxamed faytin ayaa sheegay inay cambaaraynayaan xadgudubka uu maamulka puntland kula kacay weriye jaamac ayaanle fayte isagoo farta ku fiiqay inay xad gudub ku tahay dhamaan warbaahinta soomaaliyeed in weriye shaqadiisii gudanaya caburin lagu sameeyo islamrkaana xabsi keligii taliye oo aan maxakmad qawaaniin sharciya haysan ay xabsi labo sano ah iskaga xukunto .

Iskusoo wada duuboo hadalkan kasoo yeeray qaar ka tirsan warbaahinta ka howlgala magaalada caasimada ee muqdisho ayaa kusoo beegmaya xili dhowaan xabsiga magaalada boosaaso lagu xidhay weriye jaamac ayaanle oo weriye ka ahaa wepsideka laasqoray.net islamrkaana maxkamada puntland ay ku xukuntay mudo labo sano ah taasoo ay kulankooda maanta tilmaameen warbaahinta qaarkood inay tahay caburin saxaafadeed .

yaasiin faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS