SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Ahlu Sunna Waljamaaca Iyo Alshabaab oo Waanwaan Laga Dhexwado

Fadhi hordhaca oo lagu heshiisiinayo dhinacyada Al shabab iyo Ahlu sunna Waljamaaca oo dhawaan ku dagaalamay Magaalada Baar-dheere ee gobolka Gedo, ayaa shalay degmadaasi lagu qabtay.

Kulankaasi ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Odoyaala soo jeeda deegaankaasi waxaana goobjoog ka ahaa xarakada Al shabab, Xisbul Islaam iyo kooxo matalayay Ahlu Waljamaaca.
waxaana mid ah ka mid ah nabadoonada ka qeyb galay kulankaasi uu rajo ka muujiyay is fahan dhexmara labada dhinac ee dagaalamay.

Nabadoon Cali Cabdullaahi Cali Oo loo yaqaano Cali Gaas ayaa xusay in howlaha ay isdaba socdaan. Waxaana uu sheegay in kulamada ay siiw adi doonaan inta ay ujeedo dhab ah ka gaarayaan yoolkooda oo ah nabad waarta.

Inkastoo kulankaasi hordhaca ah aysan si toosa u fadhinin dhinacyada wadaada Ahlu sunna waljamaaca kuwaasoo wali banaanka uga maqan Magaalada Baardheere ayaa si ku meel-gaara waxaa u matalayay wadaado ay figrad ahaan mideysan yihiin.

Guddiyo lagu dhisay kulankaasi ayaa isla shalay u ambabaxay deegaanka kenta ah halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku jiraan Ahlu sunna waljamaaca mana cada mabda ahaan sida ay u taageeri karaan heshiiskaasi maadama ay banaanka ka jooggaan Magaalada Baardheere.


Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS