SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shaqaalaha Markab Dekedda Muqdisho jooga oo noloshooda khatar soo wajahday (Daawo sawirada)

Markabka lagu magacaabo JaikurI oo muddo lix bilood kahor ku soo xirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, sidayna shixnado General Cargo ah oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, ayaa waxaa haatan cirka isku shareeray xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalaha markabkaasi ka shaqeeya.

Arrinta keentay in mudada lixda bilood ah ka badan uu sii joogo Dekedda Muqdisho ayaa ka dambeysay waxyeello soo gaartay markabka, taasi oo sababtay in qeyb ka mid ah rarka saaran markabkaasi ay biyo soo gaaraan isla markaasina ay hallaabeen, hase yeeshee waxaa arrintaasi dacwad ka keenay ganacsatadii lahayd alaabta iyo ajansiga markabka, iyadoo ilaa haatan aan wax guul ah laga gaarin mushkiladda ka aloosan ganacsatada, ajansiga markabka iyo Milkiilaha Markabka.

Kabtan Fu’aad Axmed oo ah Kabtanka Markabka JaikurI ayaa ka warbixiyay xaaladda markabka, waxaana isagoo u hadlayay guud ahaan shaqaalaha saaran Markabkaasi uu sheegay in muddo ka badan lix bilood ay ku sugan yihiin markabka dhexdiisa, sidaas daraadeedna ay ka codsanayaan dowladda Soomaaliya inay u dhoofiso dalalkii ay u dhasheen.

"Ma heysano daryeel, caafimaad, shaqaalaha intooda badan caafimaadkoodu ma wanaagsana, ma heysano cunto, raashinkii waa naga go’ay, waxaana dowladda Soomaaliya ee aanu walaalaha nahay ka codsaneynaa inay dalalkeena noo dhoofiso" ayuu yiri Kabtan Fu’aad Axmed.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la xiriirta cida ay u xiran yihiin, waxa uu sheegay inay u xiran yihiin khilaaf u dhaxeeya milkiilaha Markabka iyo Ajansiga labada dhinac ee wakiilka ka ah Markabka, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Dekedda, gaar ahaan Maareeyaha Dekedda Eng.Cabdi Jiinow uu u fidiyay gurmad samatabixin isla markaasina uu bixiyay kharajkii ku baxay raashinka muddo laba bilood ah.




"Muddo lix bilood ka badan ma helin wax mushaaro ah, halkan ayaan ku dac darreysanahay, waxaana dowladda ka codsaneynaa inay na caawiso oo dalalkeena noo dhoofiso" ayuu yiri Kabtanka Markabka JaikurI Fu’aad Axmed oo intaasi raaciyay in iyagu aanay ahayn milkiilaha markabka iyo ganacsade toona, balse ay yihiin shaqaale dolman misna lagu tuntay xuquuqdii ay lahaayeen.

Markabka Jaikur I oo ah markab aad u weyn, ayaa waxaa uu ka yimid dalka Hindiya oo uu raashin ka soo qaaday, wuxuuna sidoo kale soo maray qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Imaaraadka Carabta oo uu ka soo qaaday alaabooyin ay ka mid yihiin Baabuur, Bagaash iyo qalab kale, isagoo badda ku soo jiray muddo lix bilood ah.

Xilliga markabka JaikurI ku soo jeeday dalka Soomaaliya oo Badweynta Hindiya ay aad u kacsaneyd, ayaa mowjadaha aadka u kacsanaa waxay sababeen inay khatar soo wajahdo Markabka oo ku sigtay inuu gebi ahaantiisba badda ku rogmado, waxaana badda ku dhacday tiro ka mid ah baabuurtii saarneyd dheegga kore ee Markabka.



Waxyeelada soo gaartay Markabka Jaikur I waxaa ka mid ah dhaawac soo gaaray mid ka mid ah godadkiisa oo ay ku jireen alaabtii uu siday markabka, isla markaasina ay galeen biyo fara badan oo baabi’iyay alaabtii godkaasi ku jirtay, wuxuuna Kabtanka Markaasi sheegay in shirkadda caymiska Maraakiibta ay bixisay 70% kharajka alaabada ku halowday Markabka.




Shaqaalaha Markabka JaikurI oo dhan 22-shaqaale waxay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Hindi iyo Pakistaan, hase yeeshee maamulka Dekedda oo dadaal weyn ugu jira sidii shaqaalahaasi dalalkooda loogu dhoofin lahaa, iyadoo arrintaasi caqabad ku noqday, isla markaasina cowskii ku dhex baaba’ay labadii maroodi ee dagaalka dhex maray ka dhigtay khilaafka u dhaxeeya milkiilaha markabka iyo labada ajansi, waxaana isku tuur tuur gashay cida qaadeysa mas’uuliyadda markabka haddii lagu xiro badweynta lagana bixiyo dekedda gudaheeda.





Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS