SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
30 March 2009.

Taliska cwxo oo hambalyeeyey guulaga cwxo iyo dagaalo lagu jabiyey
ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.

Siminaar aqoon kororsi ah oo lagusoo gabagabeeyey wadanka Finland

Golaha nabad galiyada africa oo sheegay inay kordhinayaan ciidamada kajooga somalia

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Dabar goynta Dabaqoodhiga).

======================

Taliska cwxo oo hambalyeeyey guulaga cwxo iyo dagaalo lagu jabiyey ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Taliska sare ee cwxo ayaa halbalyo iyo bogaadin u diray ciidanka qalabka sida ee wadaniga xoreynta ogadenya,taliska sare ayaa ugu hambalyeey guulaha isdaba jooga ah iyo ciidanku kaga guulaysteen ciidamada gumaysiga itoobiya iyo dabaqoodhiga.

Mar aan manta la xidhiidhnay xarunta dhexe ee jwxo ee gudaha ogadenya ayuu wariyaha RX noo sheegay in Xaaladda Guud ay Adagtahay oo ay tahay Xilli aad u kulul oo Kaliil ah Dagaanka uu oomane ba`an yahay meelaha Qaarkood Ceelashana ay Woyanuhu in badan oo kamida ooteen ,hasa yeeshee dagaaladii lagu wiiqayay gumaysiga itoobiya ay sidoodii u socdaan, dagaaladii ugu dambeeyeyna waxay u kala dhaceen sidan:

15/03/09 Huurale oo ka tirsan gobolka Jarar ayay cwxo weerar ku qaadeen Kolanyo Baabuur tigrey ah waxayna ku dileen 6 wayaane waxaana lagaga Dhaawacay 5 kale

22/03/09 Deegaanka Mula ee degmada Qabri-Yax ayay cwxo cashir lama ilaawaan ah ugu dhigeen ciidamada gumaysiga iyo dabaqoodhi ay ku gabanayeen waxaana halkaas lagaga Dilay 36 iyada oo laga Dhaawacay 40 kale

16/03/09 Ulaag oo ka tirsan degmada Garbo weerar ay cwxo ku qaadeen Kolanyo Gawaadhi woyaana ah oo jidka Maraysay waxaa lagaga Gubay 1 Uraal iyo Ciidankii Saarraa oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 50 Ilaa 60 askari,

15/03/09 Degmada Awaaare ee gobolka Jarar waxaa Ka baxsaday
askari wayaane ah kadib Markii ay u adkaysan waayeen
Cadaadiska Saraakiisha Tigrey-ga iyo Dagaalada joogtada ah
ee Ciidanka Jwxo,

15/ 03/09 Dharkaynleey oo ka tirsan gobolka Jarar ee
wadanka Ogadenya dagaal ka dhacay ayaa ciidamada nacabka ah
ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari halka 6 kalana
lagaga dhaawacay

Ciidamada qalabka sida ee jwxo ayaa weerar mir ah ku qaaday
xerada ciidanka gumaysiga Itoobiya ee Degmada Fiiq 21/03/09
Weerarkaas kadib ayay bandow kusoo rogeen Degmada Fiiq siaan
loo ogaanin khasaaraha balaadhan ee weerarkaas kasoo
gaadhay,balse warar hoose ayaa sheegaya in khasaaruhu uu aad
u baaxad weyn yahay.

Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.



21-/03/09 Karin-bil-cille oo ka tirsan gobolka Nogob Waxay
ciidamada gumaysiga Itoobiya ku jidh-dileen Maxamuud
Muxumed Gaas .
18/03/09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay ku xidh xidheen
Degmada Fiiq dad aad u badan oo ay kamid yihiin:

1-Xukun Cabdi Badal

2-Caydaruus Shariif

3-Khadar Cabdi Omaar

4-Axmed Cabdi Nuur

5-Hure Suldan Abaadir C/llaahi

6-Ibraahim Heebaan

7-iyo Cabdi Aw-Daahir


Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa 12/3/09 kufsi iyo dhac ugu gaystey deegaanka Tantoomi ee degmada Dhagaxmadoow sadex gabdhood oo ay da`doodu u dhaxayso 15 ilaa 20 jirro, Gabdhahaas ayaa meesha ku haystay Meharado yar-yar waxayna ciidamada gumaysigu ka qaateen gabdhahaas dhammaan wixii hanti ahaa ee ay ka heleen dukaamadooda,kadibna kula kacay kufsi iyo faraxumayn ay u dheerayd jidh-dil ba,an oo ay u gaysteen gabdhaas ,magacyada gabdhahaas ay kufsadeen ciidamada gumaysigu ayayna suuragal ahayn inaan sheegno arimo la xidhiidha amnigooda awgii.

16/03/09 Dagaanka wada-Hunguri ee gobolka Jarar waxay Ciidanka Kaba-jiidka ah ee Woyaanuhu Ka boobeen kadib Qasheen 8 Neef oo adhiya oo ay lahaayeen Dad Rayid ah
10/03/09 Deegaanka Tantoomi ee degmada Dhagaxmadow waxay ciidamada woyaanuhu ku boobeen Haweenay la yidhaahdo Cibaado oo ay ka Qaateen 1000 Birr

isla Tantoomi- Waxay 11 bishan Maarso Ku boobeen 30 adhiya oo ay kadibna Qasheen.

25/03/09ciidamada gumaysiga Itoobiya waxay Ka ka Xaysteen 100 awr Magaalada Dhagaxmadow , waxaana la sheegay in aan la Aqoon meel ay la tageen iyada oo ay dadkii Lahaa Awrtan oo dhaan iyo Safar isugu jiray loo sheegay in aysan Su`aal ka keenin Xoolahooda Haddii kale la layn doono,

24 ilaa 25 bishan Maarso waxay ciidamada cabudhiska loo keenay ogadenya ka joojiyeen Biayaha dad-waynaha Daggan Tuulooyinka, Galdiid, Garigo`an, Birqod, waxaana Tuulada Birqod lagu amray in Qoys walba uu keeno Weelka uu biyaha ku Cabbo ama lacag u dhiganta Taas oo aad iyo aad dadkii ugu adkaatay, hase yeeshe Qasab Noqotay in ay yeelaan sidaas,

24/03/09Degmada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen 4 Nin oo shicib ah waxaana magaciisa ilaa hadda la Sheegay Maxamed Faarax Madigaan,

Golaha nabad galiyada africa oo sheegay inay kordhinayaan ciidamada kajooga somalia

Golaha amaanka & Nabadgalyada Africa ayaa isku raacay qaraar ku aadan in la badiyo tirada ciidamada Africanka ah ee joogta dalka Soomaaliya, waxaana ay go'aankan ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Nicolas Bwakira oo ah wakiilka Midowga Africa qaabilsan xaalka Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ay wadayaan talaabooyinka ay kor ugu qaadayaan howlaha la xiriira horumarinta amaanka ee dalka Soomaaliya.

Nicolas wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay codsi ku aadan badinta ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ka heleen dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayna hada ku talo jiraan in ay ciidamo dheeraad ah geeyaan dalka Soomaaliya.

Wakiilkan wuxuu diiday in uu sheego dalalka ay ka imaanayaan ciidamadan, balse wuxuu sitoos ah uqiray in ay ciidamadaasi bilaha nagu soo aadan tagayaan gudaha dalka Soomaaliya, ayagoo qeyb ka noqonaya howlgalka loogu magac daray AMISOM ee ay ciidamo kooban hada ka wadaan magaalada Muqdisho.

Midowga Africa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidan aan ka badneyn 4000 Kun oo askari, waxa ayna ka yimaadeen oo kaliya dalalka Ugandha & Burundi oo soo gaaray Muqdisho, labadii sanno ee hore ee ay magaalada ku dagaalamayeen ciidamada dawladda Soomaaliya, Itoobiya oo dhinac ah & Dhinacyada ka soo horjeeday,walina waxaa muuqata in ay dagaaladaasi jiraan oo ay mararka qaarkood ka dhacayaan gudaha & daafaha Muqdisho.



30 March 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS