SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafada..
Doha- Qatar-
Talaado 31-03-2009.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhigiisa Yaman..

Waxaa maanta xiligii duhurka ka hor kulan ku wada yeeshay Magaalada Doxa, Dalka Qatar wafdiga Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Yaman mudane Cali Cabdala saalax.

Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxaana madaxweynaha soomaaliya uu uga mahad celiyay dhigiisa Yaman Dowrka uu kulahaa dib u heshiisiinta soomaaliya iyo nabad kusoo dabaalideeda, waxaana sidoo kale mahad gaara uga celiyay Yaman qaxootiga soomaaliyeed sida ay u marti gelisay.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu si gaara ugu mahad celiyay Dowrka diplomaasiyadeed ay ka ciyaarayso Yaman sidii ay soomaaliya uguna suurta geli lahayd in dib lugaheeda ugu istaagto iyo mid ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa faahfaahin dheeriya ka siiyay Madaxweynaha Yaman xaalka soomaaliya, iyo talaabooyinkii ay dowladu qaaday, dhinacyada siyaasada iyo amaankaba, gaar ahaan ka howlgalida magaalada muqdisho, iyo sida ay Dowlada Soomaaliya uga go’antahay dib u heshiisiinta iyo in dhidibada loo taago dowlad hanata amaanka soomaaliya soona celisa kala danbeyntii.

Dhankiisa Madaxweynaha Yaman, oo la hadlaya madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri “ Waxaan aad ugu faraxsanahay in arinta soomaaliya ka soo raynayso ilaa intii lagu doortay, shakina iigama jiro inaad awood u leedihiin inaad soomaaliya dhidibada u taagtaan, nabada dibna ugu soo celisaan, kala danbeyntii, iyo in soomaaliya dib u soo ceshato dowrkii firfircoonaa ee ay ku lahayd Mandiqada, iyo aduunkaba”

Madaxweynaha Yaman waxaa uu balan qaaday inuu shaqsiyan, xukuumadiisa iyo shacabka yamanba ay garab istaagayaan Soomaaliya si ay u soo noqoto Nabadii, Midnimadii si ay ugu suurtgasho labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah in iskaashi dhan walba ah uu dhex maro.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Yaman Cali Cabdala saalax waxay diirada saareen dhibaatada ay labada dalba u leedahay iyo dunidaba Burcad Badeedka, waxayna isla garteen in xalkeedu ku imaan karo in la garab sitaago dowlada, iyo in labada dalba si gaara iskaga kaashadaan la dagaalanka burcad badeedka.

Waxaa dhanka Yaman Shirka ku wehliyay Madaxweynaha Yaman, La taliya dhanka siyaasada Madaxweynaha Yaman C/kariim Al- Iryaani, Wasiirka Arimaha Dibada Abubakar AL- Qirbi, Safiirka Yamane ee Qatar, C/malik Saciid Cabdo.

DHAMAAD

C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnamij)
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada
Dooxa . Qadar..

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS