SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
March 14, 125

Goortii iigu Horeysay Sen. Barack Obama

Horaantii sannadkii 2004-tii, markii aan ka qoray maqaal ku saabsan Baracka Obama oo markaas aan laga aqoon saaxadda siyaasdda qaranka Maraykanka, balse u muuqday xiddig soo ifaya oo lagu tilmaamo Martin L. Kingigii qarnigan, ayaa wixii waagaas ka dambeeyay maalinba maalinta ka dambaysa waxaa isoo jiidanayay hadalada nuxurka iyo qiimaha leh ee uu soo jeediyo Sen. Obama. Waxaan joogto u noqday Daawashada iyo dhegaysiga Kanalka C-span oo toos u soo daaya dhacdooyinka siyaasada waddanka, gaar ahaan Kongarayska iyo qorayaasha buugagta loogu akhris badan yahay; isagoo labada ka tirsan.

Haddaba anoo muddo dheer ku noolaa agagaarka caasimadda dalka Maraykanka ee washington, DC. fursadda aanu sannadkan helnay ee ah isreebreebka xisbiyada nama soo marin, waayo waxaa lagu kala hari jiray Salaasada muhiimka (super Tuesday). Taasi Xisbiga Dimuqradiga ee loolanka sannadkan way ka duwantahay oo waxaa isu soo haray Labo Senetar oo ku wayn taageerayaasha xisbiga Dimuqraadiga oo kala Sen. Obama iyo Sen. Clinton, waxaana la isla yimmid hoygaan ku noolaa ee loo yaqaano Potomac Primary oo ka kooban Maryland, Washington, DC. iyo Barwaaqa Sooranka Virginia.

Ka Qaybgalkii isu soo bixii Comcast Center ee U. of Maryland


Barack Obama

ka dib markii ay ii cadaatay in sannadkan codkaygu muhiim yahay oo la isla yimmid DMV, waxaan goostay bal inaan si toosa uga qaybgalo isu soo baxa ka dhacaya meesha ugu dhaw deegaankayga waxayna noqotay xaafadda College park ee kampaska jaamacadda Maryland aydoo ku soo beegantay bishan Febraayo 12keedii. Maalintaas shaqadii waan ka baaqday oo waxaan toos u abaaray College park, waxayna igu qaadatay inaan gudaha u galo Comcast center ugu yaraan 3 saac, waxse ilama ahayn oo waxaa igala waynaa ujeedada aan meesha ugu socda oo ah inaan muujiyo taageerada aan u hayo geesiga wayn ee u soo kacay dalka Maraykanka waa Sen. Barack Obamee. Markaan galay gudaha meeshaas waxaa kasii darnaa ciriiriga iyo makhluuqa halkaas isugu yimmid, dhincayga ayaan fiirshay waxaan garawsaday dhinac kasta oo dadka loo kala qaado inay ku dhan yihiin caddaan, madow, barown, indho yar, waayeel iyo dhalinyaro.

Hadda waxaa soo galay masraxa nin labo lafooda oo ilaah qurux u dhaliyay. dherer siman leh oo jir dhexaad baruuri ka dheertahay leh, waa meeshii la oran jiray gar-madowbaad oo macnuhu yahay wuxuu ku jiraa sanad 40-meedyo. Wuxuu ku soo galay xowli ay deganaasho ku jirto hal mar baa lawada dhawaaqay OBAMA, OBAMA... YES WE CAN CHANGE.

Khudabadii ayuu bilaabay, dhagaysan lahaydaa! waxuu taabtay meelahaan tabayay in wax laga qabto, dhankastoo u qaado waxaa moodaa inuu calooshayda ku jiro siduu u abaarayo bogtaa aan jeclaan lahaa in la dhayo. Waxaan is arkay anoo nabkin indhaha ku tirtiraya. Sooma koobi karo hadalada i taabtay balse aan tusaale kasoo qaato xagga Dagaalka Ciraaq waxuu yiri: waxaa ku baxa balaayiin doolar Wiig kasta, haddii aan noqdo Madaxweyne ciidankeenna oo sharaf huwan ayaan dedeg usoo celin markay yimaadaanna nolol wacan ayaan u qoondayn, halkii ay ka sugu jireen gunno hawlgab. Lacagtaas tirirliyanka ah waxaa ku samayn Caafimaad, Waxbarasho, dhismaha jidadka iyo Birishyada. Waxay i xasuusisay meeshuu ka khudbaynayay meel aan ka fogayn waxaa sanadkii la soo dhaafay ku geeriyooday wiil toban jira oo billa insurance ah. Wiilkaas yar waxa kharashka ku baxayay markaas dhammaa 80 dollar, laakiin markii loo geeyay dhakhtarkii ilkaha waxuu u sheegay kharshka ku baxaya, waalidka wiilka oo rera tabareed ahaa lahayna Insurance waxay dani ku kaliftay inay wiilkii guriga ku haystaan deedna wiilkii waxaa ku faafay bakteriyadii waana u dhintay. Ka waran Maraykanka oo adduunka ugu taajirsan caruurtiisii ay u dhimanayaan Insurance la'aan.

Isku soo xooreeyo Sen. Barack Obama waa mustaqbalka Maraykanka, waxuuna ka tagayaa Legacy la mid ah kuu ka tagay Martin L. king. Qolyaha wax dhaliila amase kuwa asal raaca garabka midig fog waxay qiil ka raadshaan oo dhaliil ka dhigaan aabihii ayaa muslin ahaa. Give me a break! hate group

Natiijadii Potomac Primary (DMV) kulli waxaa ku guulaystay Sen. Obama waliba si sare oo kala ah

Sen. Obama 75% Washington 64% Virginia 60% Maryland
Sen Clinton 24% Washington 35% Virginia 37% Maryland

Dhibcaha ilaa iyo hadda lakala leeyahay oo markii u horaysay u hogaanka u qabtay Sen. Obam

Sen. Obama 1275

Sen.Clinton 1222


Adengas Washington, DC.
adengas@hotmail.com

AKHRI: LUQADAHA ADDUUNKA Iyo Heerarka ay Soo mareen

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 14, 2008

Codkeena waxaa iskaleh Barack Hussein Obama, YES, WE CAN!

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.