SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Macluumaad ku saabsan Doorashada USA 2008 iyo shirarka hore ee axzaabta (Caucuses)


Xisbiga Dimoqraadiga

Xisbiga Republican-ka

Waxaa la soo gaarey xilligii ololaha doorashada maraykanka cirka isku shareri jirtay haddaba haddii aad rabto inaad saameynku yeelato 2008 talaabooyin muhiim ah oo loo baahan yahay in hadda lagu dhaqaaqo ayaa ku horaal. Haddii aad ka baaqato tallaabooyinka waxaa keliya ee kula gudboon waa fursadda codeynta ee November 2008. 

Yaa ka qayb geli kara Caucuska?

Qofkasta oo haysta US citizenship oo xaq u leh In uu Ka qayb galo doorashada November 2008.

Maxaa ka dhacaya goobta Caucuska?

Xisbi walba xaafad xaafad ayuu u kulmayaa goobtaas ayaa lagu soo dooranayaa guddi ama wafdiga (delegates) mathali doona aagaas iyo kuwii bedeli lahaa haddii loo baahdo. Waxaa kale oo uu weftigaas ka qayb geli doonaa kulan weynaha gobolka ee xisbiga waxaana dhici karta haddii la sii doorto Inuuba ka qaybgalo kulanka heer qaran oo lagu soo dooran doono ninka magaca xisbiga ku tartami doona jagada madaxweynenimada asagoo ka dibna soo dooran doona ku xigeenkiisa tartanka ku wehelin doono. 

Habeenka Caucuska waxaa kale oo dhici doona in la qaado tiro koob la yiraahdo “straw polls” si lagu ogaado qiyaas xisbi walba aagaas yaa laga dooran doonaa- waa murashixiinta ku tartamaya madaxweynenimada.  Habeenka Caucuska waxaa kale oo dhici karta in  laga doodaa arrimaha muhiimka ah ee la rabo in magaca xisbiga loogu ololeeyo haddii la isku raaco isla markaana dadka qaar ay soo bandhigaan go’aanno cusub (resolutions). Habeenkaas waxaa kale oo dhici karta inay  goobta yimaada murashixiin raadinaya inay dad kasbadaan 

Fursadda ugu horeysa ee kula gudboon waa inaad ka qabgasho shirka koowaad ee azxaabta ee degaankaaga ka dhici doona haddii uusan hore uga dhicin degaankaaga.  Caucuses Gobollada qaarkood waa uu ka dhacay badankoodse waa dhiman yihiin.

Halkan ka fiiri xilliga gobol walba uu qabanayo shirkiisa Caucuska (2008):

Date State Party Primary/Caucus
3-Jan Iowa D&R Caucuses
5-Jan Wyoming R County Convention
8-Jan New Hampshire D&R Primary
15-Jan Michigan D&R Primary
19-Jan Nevada D&R Caucuses
19-Jan South Carolina R Primary
25-Jan Hawaii R Caucuses (1/25-2/7)
26-Jan South Carolina D Primary
29-Jan Florida D&R Primary
1-Feb Maine R Caucuses (2/1-2/3)
5-Feb Alabama D&R Primary
5-Feb Alaska D&R Caucuses
5-Feb Arizona D&R Primary
5-Feb Arkansas D&R Primary
5-Feb California D&R Primary
5-Feb Colorado D&R Caucuses
5-Feb Connecticut D&R Primary
5-Feb Delaware D&R Primary
5-Feb Georgia D&R Primary
5-Feb Idaho D Caucuses
5-Feb Illinois D&R Primary
5-Feb Kansas D Caucuses
5-Feb Massachusetts D&R Primary
5-Feb Minnesota D&R Caucuses
5-Feb Missouri D&R Primary
5-Feb Montana R Caucuses
5-Feb New Jersey D&R Primary
5-Feb New Mexico D Primary
5-Feb New York D&R Primary
5-Feb North Dakota D&R Caucuses
5-Feb Oklahoma D&R Primary
5-Feb Tennessee D&R Primary
5-Feb Utah D&R Primary
5-Feb West Virginia R State convention
9-Feb Kansas R Caucses
9-Feb Louisiana D&R D-Primary; R-Caucuses
9-Feb Nebraska D Caucuses
9-Feb Washington D&R Caucuses
10-Feb Maine D Caucuses
12-Feb District of Columbia D&R D-Caucuses; R-Primary
12-Feb Maryland D&R Primary
12-Feb Virginia D&R Primary
19-Feb Hawaii D Caucuses
19-Feb Wisconsin D&R Primary
4-Mar Rhode Island D&R Primary
4-Mar Ohio D&R Primary
4-Mar Texas D&R Primary
4-Mar Vermont D&R Primary
8-Mar Wyoming D Caucuses
11-Mar Mississippi D&R Primary
22-Apr Pennsylvania D&R Primary
6-May Indiana D&R Primary
6-May North Carolina D&R Primary
13-May Nebraska R Advisory-only primary
13-May West Virginia D Primary
20-May Kentucky D&R Primary
20-May Oregon D&R Primary
27-May Idaho D&R D-Non-binding primary; R-Primary
3-Jun Montana D Primary
3-Jun New Mexico R Primary
3-Jun South Dakota D&R Primary
28-Jun Nebraska    

Talaadada weyn ee February 5 (Super Tuesday)

Waa maalin xagga caucuseska doorashada USA  ku weyn, waa maalin ay 22 gobol oo ay Minnesota ku jirto qabsan doonaan caucuskooda.  Waa maalin waxbadan laga ogaan doono murashixiinta iyo sida loo kala taabacsan yahay.  

Soomaalida Minnesota iyo doorashada 2008 (The Somali Poltical Power House in the US )

Minnesota waa waa gobolka ugu Soomaali badan maraykanka isla markaana caalamku ogaaday doorkii taariikhiga ahaa ee ay ka qaateen doorashadii muslimkii ugu horeeyey ee US Congress gala Congressman Keith Ellison.  Waxaa kale oo Soomaalida ka dheregsan tahay sida ay ugu qasbeen Senatoorka republicanka ahee Norm Coleman inuu had iyo jeer gaarsiiyo codkooda Washington DC  taasoo ka yaabisay bulshooyinkii kale ee aanan haysan wax codkooda gaarsiiya Washington DC .  Gaar ahaan marka loo fiiryo sida gobolka looga badan yahay iyo sida awoodooda siyaasadeed loo dareemo waa arrin la yaableh.

Sanadkan 2008 oo laga yaabo in Minnesota iyo dalkaba lagu kala badiyo codad aan badnayn ayaa waxaa muuqanaysa in codka Soomaalida Minnesota aad loo raadin doono.  Waxaa haboon in Soomaalidu ka muuqdaan dhamaan xisbiyada gobolka kana muuqdaan caucuses, GOP Convention ama DFL Convention ayagoo ilaalinaya danta guud ee Soomaalida Minnesota ama dalkii hooyo Soomaaliya. Democatic Convention 2008 waxaa lagu qaban doonaa Denver halka Republican Convention 2008 lagu qaban doono Minnesota .

Si aad ula socotid goobaha caucuska MN iyo aqbaarta doorashooyinka 2008 aqri boggan laga soo guuriyey Minnesota Secretary of State:

Precinct caucuses are the first step used by Minnesota ’s major political parties to select the candidates and issues they will support in the 2008 elections. Minnesota ’s three major political parties are the Democratic-Farmer-Labor, Independence and Republican parties. Delegates elected at the precinct caucus will go on to party conventions held later in the year. Preference polls for a party’s presidential candidates may also be conducted at the caucuses.
Who can attend the caucuses?
Precinct caucuses are open to the public. To participate at a caucus you must be eligible to vote in the November 4, 2008 state general election and support or be likely to support the candidates of the political party whose caucus you attend.
Party Caucus Dates

Independence Party*
Republican Party 
Democratic-Farmer-Labor Party
Green Party
Constitution Party

Tuesday, February 5, 2008* 7:00 p.m.
Tuesday, February 5, 2008 7:00 p.m.
Tuesday, February 5, 2008 7:00 p.m.
Tuesday, March 4, 2008 7:00 p.m.
Saturday, February 2, 2008 Times will vary

*The Independence Party will also hold a virtual caucus online February 5 through March 4, 2008. Contact the party for additional information.

Qofka Soomaaliga muxuu ka faaiidayaa inuu xubin firfircoon ka qaato doorashada USA 2008?

Waa su’aal muhiim ah oo mudan in la isweydiiyo bal aan ka jawaabo sida ay aniga ila tahay. Maamulka adduunka waxaa ay u sugan tahay shaki la’aan ilaahay haddana maanta  waxaa iska cad in maraykanku noqday shukaanta laga maamulo arrimaha iyo masiirka adduunka oo haddii aad jeceshahay ama aadan jeclayn ama ogtahay ama aadan ogayn siyaasadda arrimaha gudaha ama dibadda maraykanku saameyn ayay kugu yeelanaysaa.  Waxaa kale oo aan shaki ku jirón in doorasho yaab leedahay oo badanaa isbedel keento iyo lama filaan. 

Waxaa kale oo xusid mudan in dadku doorashooyinka xubin firfircoon ka qaatan markay a) Qof taageerayaan ama soo saarayaan b) Markay qof neceb yihiin oo ay rabaan in uusan soo noqon, c) markay rabaan in ay taageeraan Issue ay jecel yihiin d) Markii ay rabaan in ay ka hor tagaan issue aanay jeclayn  Haddaba aqristow 2008 inta aan soo sheegay iyo inka badan oo hawlo ah ayaa jira waxaan filayaa in intaasi sharax ku filan tahay.

Dadka wax indho indheeyaa waxay sheegayaan in doorashada maraykanka ee 2008 ay jeclaan lahaayeen in ay ka qayb galaan dad badan oo ku nool Yurub, Aasiya, Africa, South America iyo meelo kale waayo waa ay saamaysaa.  Marka qofka Soomaaliga ah ee codayn kara 2008 marka hore waxaa saaran xil culus oo waxaad wakiil ka tahay malaayiinta Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku bara kacay kuwaas oo u badan caruur iyo haween iyo waayeel, Xaalada dadkaas ku sugan yihiin ee baahida, nadab gelyo la’aanta, xuquuq la’aanta, waxbarasho la’aanta iyo daryeel la’aanta intaba waa murugo ku taagan qof kasta oo Somalí ah.

Haddaba qofka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota oo codayn kara 2008 fadhi uma yaal, xisbigaad doonto ka dhex noqo xubin firfircoon. Xisbigaad doonto ka qaybqaado Caucuskooda  Feb 5. Murashaxii  aad doonto taageer laakiin balanteenu ha noqoto in danta guud ee Soomaalida la taageero diinteenana aan lagu xadgudbin.

Minnesota Caucus February 5, 2008.  Qofkii seegaa shirarka Caucuses Feb 5fursadii noqoshada deleges 2008 iyo awoodi looga baahan lahaa waa dhaafaysaa.  Xisbigaad rabto wac oo weydii goobaha caucuska xaafaddada  ama internetka ka baaro. Stay informed, be active and get involved .

Maxmuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com   

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com