SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Abaaru Xabad Ka Daran ( Daawo Sawirada Murugta Leh ee Abaaraha Degmada Yar Oo La Illoobay)

Inkastoo qalabka warbaahinta uu horumar la taaban karo ka gaaray tabinta iyo talantaalinta wararka dagaallada iyo xiisadaha ahliga ah ee ka taagan wadanka Soomaaliya ayaa waxaa si weyn la isaga indha tiray abaaraha iyo juuca huf iyo baaba’a ka yeelay nolosha dadka iyo duunyada ee Goboladda qaar. 

Deg.Balanbale oo qaar badan oo Soomaali ah ay xusuustaan xiliyadii dagaalladii gumeysiga Itoopiya oo xadka u jirta ilaa  20 mile sohdinta Soomaaliya iyo Gobolka Ogaden ayaa kamid ah meelaha la iska illoobay,halkaasoo ay abaar kulul xaalufisay intabadan xoolihii ay dadku dhaqan jireen kagadaal roob la’aan sanadihii ugu dambeeyay. 

Abaartaasi oo baab’a ka yeeshay 80% xoolihii laf dhabarta u ahaa qoysas reer guuraa ah oo kulaaxa xuduuda Soomaaliya Iyo Gobolka Ogaden ayaa sidoo kale qalfoof ka dhigtay dadka oo awalba u liitay nafaqadaro samaysay hooyada iyo dhalaanka sanaddo badan. Waxaana muuqaaladaasi ay kugu reebayaan dareenka siloon ee abaartaasi. 

Inkabadan 5000 oo qoys ayaa degan gudaha iyo hareeraha degmadaasi yar, kuwaasoo dhawra habaaska iyo siigada gaadiidka  aan badnayd oo halkaasi biyaha u daabula. Waxaana qaar kamid dadkaasi ay si quus ah ugu xoomaan biyaha markii ay booyaduhu yimaadaan balse kuwa badan ayaa ku hungooba marka ay timaado ninkii lacag ayaa weyn. 

Ugaas Axmed Barre Cali waxa uu kamidyahay cuqaasha degmada Balanbale waxaana mar uu u warbixinayay barmaamijkan Abaaru Xabad ka daran uu ku sifeeyay abaarta degaankaasi ka jirta mid aan horay loo arag tan iyo intii ka ogaaday ficihii ka horeeyay. Waxaana uu sheegay ugaasku in xittaa dadkii aysan helaynin dhirta la cunno taasina ay keentay in oon iyo gaajo ay duurka ugu dhintaan dad dhawr ah. 

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen 20/09/008 ayaa waxaa ay dadka degan Deg.yar ay kaga arrinsadeen sida ay gargaar ugu fidin lahaayeen kuwa taagta daran ee sidii astaanta ka dhex taagan bulshadda diifaysan ee degmadaasi. Waxaana ay doorteen guddi la magacbaxay Guddiga Abaaraha Waqooyiga Galguduud, kaasoo ay sheegeen inuu gacan ka gaysan doono taakulaynta dadka dhibaataysan.Waxaana ay illahay ka baryeen inuu ka dhexsaaro abaaraha iyo kulayka soo noqnoqday. 

Ugu dambayntii Ugaaska ,Maamulka iyo dadka degaanka ayaa waxa ay ugu baaqeen Jaaliyadaha kala duwan ee Somaliyeed gaar ahaan kuwa u dhashay gobolada Gedo/Galguduud Iyo Jubbooyinka inay ka faa'iideystaan Fursada qaaliga ah iyaga oo u gargaaraya  walaalahooda dhibaataysan oo ay haystaan xaaladda adag maadaama ay dadku bixinayaan sakaatul fidriga sidaas darteedna loo baahanyahay in ay kuwa Alle wax u dhiibay inay ku taakuleeyaan kuwa liita ee ay qoraxda dubanayso.  

Waxaana uu Ugaas Axmed Uu bogaadiyay shaqsiyaad dadaaladda muujinaya ee u nool waddanka England gaar ahaan magaaladda liciester city.waxaana uu ugu baaqay kuwa kale inay maraan tubtaasi. 


(Dad Ooman Oo Biyo Dhaansanaya) 


(Qoys Soo Barakcay Oo Ay Diif Ka Muuqato) 


(Shir Uu Guddoominayo Ugaas Axmed Barre Cali)


(Sawir Muujinaya Baqtiga Neef Duunyo Ah)


(Wiil Daawanaya Arri Caato La Fafadhiya)


(Dhul Abaaru Ay Ku Dhufatay Oo Uu Gubad Ka Muuqdo) 

Barmaamijkaan Waxaa Isku Soo Dubariday  

Wariye Maxamed Gaarane Aadan
Email: gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 29, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS