Isku-aadka Dagaalka Muqdisho oo la soo Bandhigey
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya
ee u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo dhinac ah
iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan,
inkastoo dadweynuhu ay si aad ah uga walwalsan yihiin dagaaladaasi, ayna
ku waraareen haddana waxaad moodaa in xiliyadaan dambe ay isku aadka
dagaalka soo fahmayaan, waxaana maqlaysaa koox dad ah oo sheekeysanaya
lehna “Isku-aadku waa sidee, oo Caawa yaa kulmaya”, waxayna dadka oo
waayo-aragnimadooda dhanka dagaalada soo noqnoqday ee Muqdisho ka
faa’iideysanaya saadaaliyaan sida ay kulamadu u dhacayaan oo ay
dhinacyadu isugu aadayaan. mid ayaa la soo boodaya oo dhahaya “Caawa
kulan adag ayaa jira”, Qaarba durbadiiba ka naxa balse yaa isku aadan
baa loogu celiyey ?, “ Isku Aadku Caawa waxa uu noqonayaa Midowga
Maxaakiimta Vs Itoobiya”, inta madaxa gacmaha la saaro ayaa la wada
qirayaa in uu kulankaasi yahay mid culus, balse qaar kale ayaa qaba in
ay kulankaasi daawan karaan iyagoo ula jeeda in ay ka fog yihiin
garoonka ay ka dhaceyso cayaartaasi, balse dadweynaha u dhow garoonka
cayaartu ka dhaceyso ma ahan kuwa daawanaya cayaartaasi taa bedelkeedase
waxay ku maqshquulsan yihiin sidii ay uga gamban lahaayeen Hardanka
Garoonka.
Qaababka Isku-aadku u dhaco ayaa dadka oo in badan goob joog u ah ,
waxayna ku saleeyeen in ay sidaan kulamadu u dhici karaan.
Uganda Vs Al-Shabaab
Midowga M. Vs Itoobiya
Uganda Vs Raas-Kambooni
TFG Vs Jabha Islaamiya
Uganda Vs Midowga Maxaakiimta
Al-Shabaab Vs Itoobiya
Raas Kam. Vs TFG
TFG Vs Midowga Maxaakiimta.
Al-Shabaab Vs TFG
Raas. Kam. Vs Itoobiya.
Burundi Vs ………..
Kulamadaan waa Kulamo aad u dhibaato badan oo aan lahayn wax waqti ah
balse waa ku soo boodo, taasina waxaa aad uga walwalsan shacabka oo
iyagu inta badan doonaya in ay isku aadka la socdaan si ay uga
tabaabusheestaan.
Inta badan kooxahaan way is wada arkeen marka laga reebo Burundi, oo
iyadu mar qura jug culus la gaarsiiyey, waxayna ku jirtaa difaac.
Kulamadii ugu dambeeyey haddii aan wax ka sheegno, waxay dhex mareen
Al-Shabaab Vs Uganda, waxa uuna kulankaasi ahaa mid adag oo sababay in
ay dadweyne fara badani garoonka ka baxaan si ay kaga fakadaan hardanka
labada kooxdood, markii uu dhamaaday kulankaasi ayay dadweynuhu waxay
isla dhex mareen “Wellee xalay kulan dhacay, qaarkood waxay leeyihiin
waxa uu ku dhamaaday barbar-dhac halka kuwo kalana ay leeyihiin waxaa
1-0 ku bediyey Al-Shabaab, waxa uuna kulankaani ka dhacay Guriga Uganda,
waxaana Uganda looga fadhiyaa in ay Guriga Al-Shabaab aado, balse
Kabtankooda ayaa yiri “Anagu ma tagi karno Guriga Al-Shabaab” waxaana la
weydiiyey sababta waxa uuna ku jawaabay “No Comment” , balse markiiba
waxaa la isweydiiyey kulanka xiga, mid dadweynaha ka mid ah ayaa
qiyaasaya kulanka xigga, waxa uuna yiri “Caawa waxaa wada kulmaya
Midowga Maxaakiimta Vs Itoobiya”.
Wax la wada sugo waxaa laga war helay isla garoonka Uganda iyadoo la
isku herdinayo, lafaha ayaana la iska jebiyay, waxa uuna ahaa kulankii
ugu adkaa oo xasuusta dadka ka go’in, waxaana cayaartii markii ay
dhamaatay la isla dhex maray labada kooxood ee xalay cayaartay waxayna
dadka qaar sheegeen in kulankii xalay dhex maray Uganda Vs Midowga
Maxaakiimta, balse waxaa dib laga ogaaday in xalay Uganda ay la
cayaartay koox cusub oo lagu magacaabo Raas-Kambooni, waxayna dadku
isweydiiyaan kooxdaan cusub, mid ka mid ah dadkii ayaa soo booday oo
yiri “Waan aqaan kooxdaan oo Seria C ayay ahayd”, mid kale ayaa ugu
jawaabay “Haddii Seria C ahayd kolleyba xalay waxay noqotay Seria A,
Dabyar ma shideyn waxayna dooneysaa in ay hogaamiso Horyaalka”.
Kooxda Raas Kambooni waxay haddana foodda is dareen koox ka socotay TFG
oo horyaalka uga jirtay kaalmaha hoose, waxay shacabku sheegeen in
kulankaasi ahaa mid 1-0 ku badisay kooxda Raas-kambooni, inkastoo TFG-da
markii ay dambe ay cayaartooy ka heleen Itoobiya waxaana la
isweydaarsaday darbado kulkulul oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid
ah.
Kooxda Uganada ayaa iyadu ka walwalsan Cayaartooy la’aan haysa kadib
markii laga xiray garoonkii ay cayaartooydu uga soo degi jirtay, waxayna
codsaneysaa in kulamada dib loogu dhigo, hase yeeshee Kooxda Al-Shabaab
ayaa diidan dib u dhigistaas, waxayna ku doodeysaa in kulamada la
joogteeyo.
Inkastoo Isku-aadku sidaa yahay, oo shacabku fahmeen haddana waxay ku
wareersan yihiin xiliga la cayaarayo, iyadoo codsanaya in ay isku-aadka
loogu daro waqtigiisa si ay u dabaabusheestaan oo aysan dhibaato ka soo
gaarin.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
U Coddeey Caseeyaasha:
Duruufaha soo wajahay Carruurta Caseeyaasha
Akhri....
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2008