SAFIIR-KA WADDAN-KA THAILAND OO MUNAASABAD BALAARAN U QABTEY,
ARDEY-DA MUSLIM-KA AH OO WAX KA BARATA KASEM BUNDIT UNIVERSITY
Safiirka waddana mareeykan-ka Eric G. John, oo xaflad si wayn loogu soo
agaasimay ugu qabtey Jaamacada Kasem Bundit University , waxaa xafladaas
kasoo qayb galey, ardey badan oo Islaam ah, oo ka kala yimid waddama
kala duwan ee Dunida, sidda Bangladesh, China, India, Somalia, Maleysia,
Cambodia, Mongolia iyo wadamo kalle, waxaana xafladaasi, loogu gogol
xaarayey, hashiis ka dhan ahaa, oo eey wadda kaleen, Dowladda Mareeyka
iyo Thailand, oo kasoo wareegay 175 sano ka hor,
waxaana xafladaasi socotey, mudo gareysah 5 sacadood, waxaana ka hadlay
safiir-ka oo khud bad dheer u jeediyey, Ardey-da isagoo ku amanaya
waddan-ka Thailand sidda Diimaha kala duwan ee waddan-ku leeyihiin
haddana aan wax tafaraaruq ahna ka dhex jirin, sida Budism, Islam,
Jewish, Christian iyo Mabaadiida kalle ee ka jirtah waddan-ka, mudo
marka ee socotey xafladu, waxaa la aadamey salaadii Maqrib, Afur kadib
waxaa dib u bilaamatey xafkadii oo meysheedii kasii anba qaadey, sacado
kadib waxaa lasoo gaba gabeeyey xafalada.
Kasem Bundit university: waa jamacada ku taalaha Bangkok dhinaca
galbeed, waxaana la dhisay 1987 iyada oo lagu bilaabay Kasem Bundit
Collage(KBC) waxaana lagu qaadan jirey Faculty-ga ah Business
Adminstration and the Faculty Of Low, waxaana lagu bilaabay ardey
gareysah 97 ardey, sanadkii 1992 waxaa laga dhigay Kasem Bundit
University(KBU), the undergraduate Degrees in 7 faculties and Master
Degree in 5 faculties.
Khadar
Musse Mohamed
E-mail:- profkhadar@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2008