SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shil Gaari Oo Dhaliyay Qasaare Lhaawac Leh Oo Ka dhacay Bartamaha G/Gedo

Shilkan gaari oo ka dhacay wadada xiriirisa Degmada Baladxaawo iyo Deegaanka Tuulo barwaaqo Ee Bartamaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhaawacmay dad ka badan 9Ruux xili gaarigaasi uu ka so hoobanayay meel Biyo mareen ah .

Dadka dhaawacyada ay ka soo gaartay Shilkaasi oo qaba dhaawacyo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo culusba ayaa loola cararay degmada Garbahaareey Ee Xarunta gobolka Gedo oo qiyaastii ilaa 20mail u jirta halka uu shilku ka dhacay .

Inkasto aan tafaasiil laga helin xaalada ay ku sugan yihin dhaawacyada oo ay ku jiraan 2 Dumar ah oo dhaawac xaga feeraha ah qaba sababo la xiriira isgaarsiinta oo xun ayaa wararka laga helayo saraakiisha caafimaadku ay sheegayaan in xaalada Dadkaasi iminka Gacanta lagu hayo .

Qaar ka mid ah Ehelada Dadka dhaawaca uu soogaaray ayaa gaaray goobta shilka uu ka dhacay si ay u soo eegaan eheladooda .

Shilkaani baabuiur ayaa la sheegayaa in uu yimid kadib markii uu gaarigaasi goostay bareegii xili lagu guda jiray Habeenimo taas oo aheyd gelinkii dambe ee xalay .

Inta badan shilalka ka dhaca deegaankaasi ayaa soo badanayay taas oo darawalada ay ku eedeeyaan in ay tahay wadada isku xirta deegaankaasi oo xun iyo weliba gawaarida ay wataan wadayaasha oo gaboobay waxaana shilalkaasi ku geeriyoda dadfarabadan oo noloshooda ku waaya .

Max’ed Gaarane Aadan
Baardheere/GEDO

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 27, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS