SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

AGOONTA PUNTLAND Abaabulkii Dr. Cabdirizaq Marayare, Qalinkii Musharax Prof. Farjac

Qaybtani waxaanu ka soo minguurinay Cutubka "An alternative Future for Puntland Orphanage" ee barnaamijkayaga horuumarinta Puntland.

Hadii Eebe idmo waxaa maamulkayagu dhisayaa afar (4) xarumood ee barbaarinta agoonta. Labo (2) xarumood oo lagu xanaanayo gabdhaha iyo labo (2) xarumood oo lagu xanaanayo wilasha. Xarun walba waxay ka koobnaaneysaa guryo ay seexanayaan iyo suuliyadooda, dugsiyada ay wax ku baranayaan iyo maktabadaha ay wax ku akhrisanayaan, goobaha caafimaadka iyo ka hortagga cudurada, goobiha loogu Karin lahaa cunnada, goobaha cayaaraha iyo goobaha ay ku istareexayaan. Xarumaha dhallinta agoontu waxay ku kala oolaanayaan afar degmo.

Maamulkayagu waxuu mudnaan siinayaan sidii ay dhallintaasi ku heli lahayd xanaanayn iyo waxbarashada oo aan horay looga hirgelin wadamada soo koraya. Waxaan u qorshaynay in loo qoro macallimiinta raga iyo haweenka ugu firfircoon oo u muujin kara hormuudnimo, waalidnimo iyo anshaxa wanaagsan. Macallimiinta tiradoodu waxay u dheeli tirnaaneysaa fasalada iyo ardayda tiradooda.

Dhanka huga, waxaa agoon kasta helayaa dhar iyo kabo ay ku dhigtaan dugsiyada, dhar ay ku tagaan maktabada, dhar iyo kabo ay magaalooyinka iyo safarada markii loo wadayo ay qaataan; dhar, kabo iyo qalabka ay cayaaraha ku tagaan iyo dhar ay ku seexdaan.

Dhanka quudka waxay helayaan cunnada ugu wanaagsan oo dheeli tiran si ay u yeeshaan jir caafimaad qaba. Waxaana ka shaqynaya dad aqoon u leh cunnada iyo dheefta (Nutritionists).

Waxaa manhajkooda waxbarasho lagu darayo cayaaraha jirka iyagoo xarumuhu ku baratamayaan cayaaraha iyo aqoonta waxbarasho. Oraahdu waxay tahay "jirkii fiyow baa caqli fiyoobi ku jiraa"-"Al caqlu saliim fil jismu saliim".

Guryaha la dejinayo dhallinta agoonta ah waxaa ka shaqaynayaa haween xirfad dheer u leh hagaajinta guryaha, iyagoo u dhaqaya dharka, u goglaya sariiraha.

Xarun kasta waxay yeelaneysaa koronto u gooni ah hadii ay ka baxsan tahay degaan aan koronto lahayn. Sidoo kale waxay yeelaneysaa ceelal biyo oo u gaar ah.. Ceelashaasi waxay ahaanayaan kuwa ka fog meelaha lagu aasay suntan iyo haraaga nuclearka (Hazardous materials, and nuclear waste).

Dhanka aminiga, waxaa maamulku ugu tala galay shaqaale ilaaliya amnigooda. Muhimadda ugu weyn ee aan mudnaanta koowaad siinayna waa nabadgelyadooda. Shaqaalaha ka shaqaynaya oo nooc kastaba leh waxay noqonayaan dad la soo baaray. Qofkasta ee ku lug lahaanaya agoonta waxaa laga baarayaa dhan walba, sida dhanka maskaxda oo la soo ogaanayo in uu yahay qof maskaxda ka fiyow, dhan dembi oo laga soo baarayo in uu yahay qof aan horay dembi u soo gelin iyo dhanka aqoonta si uu u ahaado qof aqoon sare u leh hawsha uu u qabanayo dhallinta agoonta. Wuxuuna qof walba noqonayaa qof ay qaymayeen takhaatiirtaa cilmi nafsiga in qofkaasi u qalmo in uu ka shaqayn karo goobaha caruurta agoonta ah. Waxaa intaa sii dheer in uu yahay qof sumcad weyn ku leh bulshooyinka beelaha, laguna yaqaan sumcad fiican.

Waxaa xarumaha agoonta ka shaqaynaya takhaatiir ku takhasustay cudurada gaarahaan kuwa caruurta iyo dhallinta. Tirada dhakhaatiirtu waxay noqoneysaa mid u dheeli tiran tirade caruurta iyo dhallinta ku jirta xarumaha.

Shaqaaluha dhamaantood waxay noqonayaan xanaanayayaalka caruurta agoonta ah. Waana iney aqoon dheeri ah u leeyihiin sidii loogu abuuri lahaa qalbi wanaagsan iyo naxariis iyagoo baraya anshaxa wanaagsan

Hadii Eebe idmo waxaa maamulkayagu uruurindoono dhallinta agoonta ah anagoo ka raadinaya meel kasta miyi, tuulo iyo magaalo meel kasta oo ay jiraan.

Xarun kasta ee ka mid ah xarumaha agoonta waxay yeelaneysaa maktabado (Library) ay ardadu ku akhristaan buugaagta ay doonayaan oo la siman maskadooda. Xarumaha dhallinta waxaa dhex maraya baratan waxbarasho, aqoon iyo cayaaro.

Xarumaha dhallinta agoonta waxaa maamulaya dad ku xeel dheer horuumarinta ubadka agoonta ay hormuudyo u yihiin dhallinta aqoon yahannada ah ee haatan u dooda sidii nolol wanaagsan loogu heli lahaa, loona daryeeli lahaa dhallinta agoonta ah (Somali Orphan Advocates spearheaded by Marayare and his team).

Xarumuhu waa u furan yihiin caruurta kale ee waalidkood noolyahay, hase yeeshee aan waalidku korin Karin. Goobaha xarumaha dhallinta agoonta waxaanu u garanay in ay ka dhismaan goobo looga abuuri karo shaqooyin hooyooyinka agoonta dhalay.

Hooyooyinka Agoonta

Xarumaha xanaanada ubadka agoonta ah waxaa laga agfurayaa xarumo lagu daryeelo hooyooyinka dhalay ubadkaas. Hooyooyinka agoonta waxay u badan yihiin in aaney haysan shaqooyin ay ka soo saarikaraa nolol maalmoodkooda. Sidaa darted waxaa maamulkayagu u qoondayey shaqooyin ku haboon haweenka. Waxaanu u qorshaynay in loo furo iskaashatooyin ay isku bahaystaan iyagoo adeegsanaya farshaxanimadooda.

.Wax soo saarku wuxuu u baahan yahay raasumaal, dhul iyo cudud shaqqale. Tacabka qaarkiis qaarbaa cudud ama raasumaal, and dhulku ku xoog lreyahay, qaarna waa ku yaryihiin. Hadaba isku dhafka saddexdaas ayaa keena wax soo saar. Maadaama Puntland ay ku yartahay raasumaalka, ayna ku badan yihiin dhulka iyo cududa shaqaalaha, waxaanu door bidnay in hooyooyinka agoonta aanu u qorshayno wax soo saar ay ku badan tahay cududa shaqaalaha iyo dhulka marka loo eego raasumaalka. Waxaa jira tacab u baahan maalgelin xoogweyn, tacab u baahan dhul weyn iyo tacab u baahan cudud shaqaale ee farabadan (Capital, labor or land intensive production).

Hadii Eebe idmo, marka hore hooyooyinka doonaya in ay ka shaqayaan farshaxanka waxaan u fureynaa tababaro ay ku baranayaan xirfado kala duwan ee farshaxanka sida falkinta cawda, tolidda dambiilaha iyo koleyada xarragada haweenka, farshaxanka fanka iyo folkloorka kalkaala, samaynta qalabka ku qurxinta guryaha, farshaxan ka samaynta hargaha iyo saamaha sida sawaakiinta, kabaha, qalabka xafiisyada la dhigto, qalabka lagu faano ee hiddaha iyo dhaqanka Somalida, iwm

Hooyooyinka agoonta waxaanu ugu talagalnay shaqooyin ay ka heli karaan ribix aad u sarraya markay maalaan cududooda. Tacabka ay soo saaraan waxaanu u qorshaynay in dibadda loo dhoofiyo iyadoo laga kalkaalayo suuq geynta iyadoo loo keenayo shirkado ka qaata oo kagala wareega sicir munaasib ah. Waxaa maamulku ku soo xirayaa iskaashatooyinka, shirkadaha reer galbeedka iyo bariga dhexe ee iibiya alaabooyinka farshaxanka.

Haweenka aan ahayn hooyooyinka agoonta way ku soo biiri karaan. Waxaa maamulku u meelayey lacag loo siinayo deeq iyo mid loo siinayo deyn si ay u kobciyaan wax soo saarka.

Isu dheeli tirka goobaha laga dhisayo xarumaha barbaarinta dhallinta agoonta iyo shaqa helidda hooyooyinka dhalay, waxay ka qaadaneysaa door weyn goobaha laga unki doono xarumaha barbaarinta dhallinta agoonta.

Si ay hooyooyinku u helaan shaqooyin ka dooroon kuwa caadiga ah, hooyooyinka qaarkood waxaanu u fidineynaa deyn iyo deeq maalgelin. Iskaashata ahaan iyo shakhsi ahaan waxaa hooyooyinku helayaan deyn ay ku iibsadaan alaabada qeeriin iyo qalabka ay u baahan yihiin si ay u soo saaraan tacab qiime iyo qaayaba sarraya oo tira badan. Farshaxanka keliya mooyee waxaa hooyooyinku ka qayb gelayaan meherad kasta ee ay ka helayaan ribix iyo mushaharooyin mustawe ah ha ahaato dhanka wax soo saarka, ganacsiga iyo hawlaha kale (service sector).

Intaa waxaa sii dheer shaqooyinka maxjarada qalliinka xoolaha, kala sooca iyo warshadaynta kalluunka, safaynta iyo kala sooca beeyada, maydiga iyo xabkaha in ay ku haysanayaan loolan la'aan (monopoly), loona xirayo meheradaas kana qaadanayaan saami libaax, mushaharooyinkooduna ay aad u soo kacayaan.

Waxaanu soo xusnay meheradaha ay hooyooyinku qabanayaan ee u baahan cudud shaqaale oo farabadan marka loo eego tacabka u baahan maalgelinta iyo tacabka u baahan dhulka farabadan.

Maamulka hooyooyinka dhalay dhallinta agoonta waxaa maamulkooda hormuud u noqonaya dadka jecel horuumarinta hooyooyinka agoonta, wadnahana ay kaga taal sidii loo qadarin lahaa, dhibtana looga saari lahaa hooyooyinka guud ahaantood.

Qalinkii Musharax Farjac

http://www.FarjacForPuntland.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 26, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS