SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

[WARBIXIN] MAGAALADA CEERIGAABO WAA MAGAALO SIDEE AH? [DAAWO SAWIRO]


 
Ceerigaabo:- Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu tilmaami karaa iney tahay goobaha ugu quruxda badan dhulka Soomaaliya iyadoo magaaladu ay ku taalo goob cagaaran oo dhir badan isla markaana cimiladeedu tahay cimilo ka duwan inta kale ee dalka Somalia.

Ceerigaabo oo Dawladii hore ee Militeriga ay caasimada Gobalka Sanaag uga dhigtey ayaa waxay caan ku tahay beeraha iyadoo ay ka baxaan khudaar iyo midho aan ka bixin inta kale ee Soomaaliya iyadoo ay u dhoofiso magaalooyinka kale ee Somalia sida Bosaaso iyo Burcoba.

Muqaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo oo intii ka danbeysey bur burkii Dawladii dhexe ee hore aheyd meelaha ugu nabdoon dhulka Somalida iyadoo heshiisyo beeleedyo dhacay horaantii Sagaashanaadkii ay weli hirgalayaan.

Markale iyo Muuqaalka Guud ee Magaalada Ceerigaabo

Sidoo kale Ceerigaabo waxay caan ku tahay buurta Daalo oo iyadu masaafo yar u jirta isla markaana ay buurtaasi tahay meel ku haboon dalxiiska, waxaasi nasiib daro ah inaan laga faaiideysan iyadoo ay sababta ugu weyney ay tahay wadada tagta oo aad u liidata.

Si gaar ah u eeg, Cagaarka Ceerigaabo.....

Ceerigaabo waxay sidoo kale ku xiran tahay Magaalada Bosaaso oo dhaqaalaha ugu badani kasoo galo iyadoo bakhaarada magaalada ay saadka looga keeno magaalada Bosaaso.

Close up.... Greener Erigavo....

Waxaasi sidoo kale jirta Shirkado iyagu si gaar ah uga keena dhinaca Berbera laakiinse waa faro ku tiris.

Xaafad ka mid ah Ceerigaabo

Magaalada Ceerigaabo waxaa ku yaala Dhowr hoteel oo ay ugu caan sanyihiin hoteelka Royals iyo Hoteel Sanaag iyo mid hada cusub oo uu leeyahay Mayorka Magaalada ee maamulka Somaliland Ismaaciil Xaji Nuur oo dabaq ah.

Suuqa Sare oo ah xaafad ka mid ah xaafadaha Ceerigaabo.

Ceerigaabo waxay aad ugu liidataa dhinaca waxbarashada iyadoo hal [1] iskuul oo Skuul sare ahi uu jiro tayadiisuna ay aad u liidato, iskuulkani kama helo wax dhaqaale ah maamulka Somaliland ama mid kaleba.

Xaafada ku taala Suuqa Hoose ee magaalada Ceerigaabo

Dadka reer Ceerigaabo ah ayaa caruurtooda waxay u kala diraan magaalooyinka Burco iyo Badhan ama Bosaasoba iyadoo hada ay magaalada Yubbe laga wadoskuul sare oocusub oo socda dhismihiisu.

Aqal Villa ah oo ku yaala Suuqa Hoose... Ceerigaabo

Cisbitaalka Magaalada Ceerigaabo oo dhowaan dib loo furey ayaa jira laakinse tayadiisuna way liidataa iyadoo baabuurkii Ambulance-ka ahaa uu maamulka Somaliland u fara Maroojiyey Gebiley oo ku taala Galbeedka Hargeysa.

Erigavo Down town.... Green, right!!!!

Magaalada Ceerigaabo ayaa marka nabad waarta waxay noqon kartaa magaalooyinka ugu dhaqaalaha roon iyadoo dalxiiska iyo xagaa baxaba ku fiican hase yeeshee maamulada iyo siyaasadahan ku saleysan qaab beeleedka ayaa curyaaminaya.

Waa markale iyo Muuqaalka Guud ee Ceerigaabo

Ceerigaabo waxaa la oran karaa waa aayaha Soomaaliya isla markaana hadii dekeda Laasqoray iyo wadooyinka la dhiso noqon doonta goobta ugu weyn ee ka faaiideysata.

Bartamaha Ceerigaabo

Ugu danbeyn Ceerigaabo waxay kaloo caan ku tahay cunista Hilibka Idaha oo la sheego inuu kordhiyo cimriga waxaadna ku arkeysaa magaalada odayaal waayeel ah oo kor u dhaafey 100kii Sano iyadoo sabab uga dhigaya cunista badan ee Hilibka Idaad iyo baruurtooda.

Daawo Sawiro kale..

Bartamaha Magaalada Ceerigaabo
Markale iyo Bartamaha Ceerigaabo
Suuqa Hoose, Ceerigaabo
Markale iyo Muuqaalka Ceerigaabo

Abdi Mohamed Ali

LaasqorayNET/Ceerigaabo

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 25, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS