XABASHI XALAY
GUURTAY
Cabdiwali
Sh. Maxamed
Ifaqoon@hotmail.com
Xalayda sare aan ku
sheegay, ma aha xalayda raadkeedu qoyanyahay ama xalaydii ka horeysay
toona. Sidoo kale, meeshu ma aha; Xamar, Baydhabo ama Baladwayne...Xalayda
aan soo xusuustay kana sheekayn doono, waa xalayda maalinkii xigay wixii
dhacay, mar labaad iyo mar saddexaad dhici doonaan haddaan caqli qumman
la helin baryaha soo aaddan. Xabashi mid bay ku bixi; xabbad ama
xaajaysi Soomaali - Soomaali ah. Labada xaal waa isu-dhammaystir. “Oodi
qaadid iyo jiidid waa isla gurigayn”.
Waa habayn tagay oo
sannadkii 2001dii ka mid ahaa. Meeshu, waa dagmada
Baladxaawo, koofurta galbeed ee soomaaliya, kana tirsan gobolka Gedo.
Waxay dhacdaa xagasha kulmisa; Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya,
magaalooyinka kala ah; Baladxaawo, Mandheera iyo Suufka.
Wixii ka dambeeyay
dagaalladii gobolka Gedo ku dhex maray ururkii “Alitxaad
Alislaami” iyo “Ciidamadii Itoobiya” oo gacan saarka la
lahaa; ururkii SNF (soomaali National Front), gobolku ma
dagani, qax iyo xasaradna kama dhammaan. Guud ahaan gobolku wuxuu hoos
galay maamulka xabashida, si gaar ah, magaalada Baladxaawo oo xilli
kasta ugu dhaq-dhaqaaq roonayd gobolka.
Dacasle,
Gacmey iyo Saymon waa saddex sarkaal oo ka tirsan
“Ciidanka Xabashida”, talada degmada Baladxaawona gacanta ugu jirto.
Baladxaawo iyo gobolka Gedo cid aan iyaga ahayn wax lagama waydiiyo.
"Amre iyo reebe", waa iyaga. Dadkii gobolka u dhashay waxay noqdeen
marti wixii loogu arrimiyo ogol.
Dacasle;
-magac ree Baladxaawo, taliyaha ciidanka ulabaxeen- wuxuu
u taliyaa 30 askari oo magaalada dhabarkeeda dambe dagan. Hubkoodo ma
dhaafsana inta askari walba dhabarka ku sito. Ha yeeshee, meel aan saa u
durugsanayn waxay ku ogyihiin guutooyin hub fudud iyo hub culus ku
hubaysan oo indho-hore ay u yihiin. Xerada ciidanku waa; dhufays dheer
oo wareeg (circle) ah isuna furan. Dhexda waxaa ka dhisan; “Balbalo”,
hoosteeda askartu maalinkii ku indho-guduudsato iyo Booyad ay soo
dheceen oo biyaha ay ka cabbaan.
Gabbalku markuu dhaco,
askari walba wuxuu isku raraa wixii meesha ka yiil, xeradana waa laga
baxaa. Magaalada daafaheeda iyo suryooyinka xaafadaha ayay isdaba
qoodeyaan. Waxa soo saaray; waa baqdin iyo dhagar ah, ha loo qaato
ciidan fara badan in uu xalay magaalada soo galay. Guryaha dhabarkooda
dambe, inta fariistaan ayay Raadiyo “Rakaal” ah habaybkaa
oo dhan ka shaquuq siinayaan. Habayn oo dhan waa u socod iyo hadba meel
ku gabasho.Taliye; Dacaslle; maalinka, galinkiisa hore oo
dhan wuxuu hor taagan yahay; Bakhaarada, Makhaayadaha iyo Goobaha
Ganacsiga, baad dadban ayuu uruursadaa.
Gacmey; -magac
reer Baladxaawo ugu yeeraan xiriiriyaha Addis Ababa iyo garabyada SNF-
arrimo hore uu u murgiyay kolkii la kala furfuri waayo, ayuu tuulada
Suufka (oo dhanka xabashida ah) ka soo tallaabaa isaga oo wata;
Baabuur Siiblle ah (Toyota Land cruiser) iyo istaaf si xooggan u
hubaysan. Marmar, wuxuu dagmada ka soo gala dhanka Dooloow. Waa jabhad
hore, darajadiisa ciidan waa Dhamme (Kabtan). Madaxda
isdhinac-yaacada oo SNF ayuu “Saldhigga Boliiska” ku soo
uruuriyaa isuna dhagaystaa. Cantara-baqash, kolkay ka dhammaan waayaan,
giddigood dibadduu u jafaa. “Mid-mid u soo daaya”; ayuu ku yiraahdaa,
wiilasha u horaya!. Mid walba idhabarka inta ka dharbaaxo ku yiraahdaa;
“adigaan, carrada ku joognaa, cid aan adiga ahayn uma maqni,
sii soco waa lagaa warhayaa”.
Mid walba, cunug yar oo
cantoobo Nac-nac ah faraqa loogu shubay, isaga oo ka farxad badan ayuu
xatabadda ka boodaa. Kuwii ay is-xigeen oo, iridka dhooban, walina aan
oodda laga qaadin, inta aad u huruufo, indhaha ku canaanto, xaggii,
baabuurkii iyo istaafkii ku ogaa isu dhuftaa. Saaxiibadi, siigo iyo qiiq
indhaha inta uga rogo, suuqa jaadka isa-siitaagaa. Maalinkaa Jaadka
wuxuu ku cunaa, isagu in uu yahay; “Diiqa magaalada iyo Libaaxa Gedo”.
Saymon;
waa Gaashaanlle, ka tirsan “Xafiiska Wardoonka Ciidanka Xabashida”.
Teeriyo Baydhabo ayuu socdaa. Saldhiggiisu waa Dooloow Addo
(gaddiga xabashida) waa ninka kaliya oo “lap top” ku shaqeeya,
qoraaladana ku diyaarsada. Wuxuu ururiyaa, falanqeeyaa, dabadeed, xog
uruusan ka diraa wararka yaal; Gedo, Bakool iyo Bay. Wuxuu aad u
daneeyaa in uu kismaayo xog badan ka helo, xiriirra la sameeyo madaxda
ka talisa Jubbada Hoose. Sida Dacasle, ma ah
saqajaan caadeqaate ah. Maslaxadda dalkiisase kama waabto.
Saraakiishaa, dhiggooda
soomaalida ah oo gobolka ku sugnaa, waxay qaayibeen (ogolaadeen) quursi
aan waligood hore loo badin. Saraakiil “Gaashaanle Sare” u badan
oo, Dugsiyo Ciidan (war academy) ka soo qalan jabiyay, ayaa
taagni ku salaama Dacasle. Saaraakiisheennu, Dacasle
iyo kuwa la mid ah, kolkay soo mooqdaan fadhi siima hawoodaan. Runtii,
cilladu (aafadu) kaligood kuma habsan oo Saraakiishii 1977kii;
Gaasaska xabashida ah rogtay ayaa darbiyada daadsan, sixun iyaga oo u
dayacan. Ciidankii Qalabka-siday Ee Soomaaliyeed, 1990kiii
wixii ka dambeeyay hadduu lahaa; Saraakiil, Saraakiil xigeen, Alifley
iyo Dabley, cillad dawlad la'aan la yirrahdo, darteed, nin waliba,
gar wuxuu u arkay; in uu qabiilkiisa soo dagaalgalyo. Natiijadii ka
dhalatay arrintaa waxay noqotay; in sarkaalkii soomaaliyeed, isaga oo
soo jeeda; xurmayntii, maalgalinta badan iyo waqtiga dheer la galiyay,
si fudud looga xayoobiyo. Marka laga reebo, dhawr carrada qaraab ka
heshay oo iyana sixun loogu adeegto, sarkaaalka soomaaliyeed oo dhiigga
leh, waa ka xishooda in uu yiraahdo: Ciidanka Qalabka Sida Ee
Soomaaliyeed waxaan ka gaaray darajadaa. Awoodda wiilasha
Tigre ku qabsadeen "Addis Ababa” taladana kula wareegeen (Alle
ka sokow) Saraakiishii hore oo soomaaliya ayaa farsamadeeda lahaa,
waana (Made in Somalia) 100%.
Saraakiisha Gedo, si
fiican ayay u Jaadaan (Qayilaan). Tolka dhexdiisa markay joogto
oo kaliya ayay codka sare u qadaan. Dhaarta iyo gooddigu waa inta;
Gacmey, giirkiisa aysan u jeedin. Markuu Baladxaawo u soo
tallaabo ayay sida carruur aabahood muddo dheer maqnaa u yimid, kal
ashtakoodaan; “Abbe fiiri; intaad maqnayd, hebl waxaas ayuu
igu sameeyay, saas iyo saasna waa i yiri. Aabbe, wiilkaan ma iga
ceshanaysaa?, mise waa iska celiyaa?!”.
Ereyadaa marka la
oranayo; isbihin-bihin aad ah waa in ay wajiga ka muuqato!. Markay sidaa
u hadlayaan, taliyuhu, aad ayuu hoos uga farxaa, waxaana u sawiranta
hawshii uu qabtay, sida ay u meel martay!. Sidiisaba, arrimaha la kala
sheegto, xal deg-deg ah oo, kama dambays ah kama gaaro. Markaa oo kaliya
ayuu foodda u kala qaadaa. Isaga oo mid walba hoos u yiri;“(Antee
duruneh). Adaa fiican, wixii kaa hor yimaada, iska celi” ayuu
meeshii uu ka yimid ku laabtaa. Teeriyo, inta “Gacmey” ka soo
laabanayo, wax-qabadkooda iyo wax-tarkoodu waa; “iska celi”!.
11-kii bilood oo
Baladxaawo aan ku sugnaa, waxaa caado ii ahayd in aan waabarkii kallaho
oo, makhaayad (Ximbil)[1]
oo odayaal salaadda subax ka soo
laabtay ka sheekeeyaan; Kefeega aroorta ka cabbo. Sheekadoodu waa igala
tayo roonayd sheekada, ragga gar-madowda ah; oo xan, xasad iyo isku-dir,
u badan. Odayaashaa waxaa ka mid ahaa oday la oran jiray “Warsame
Rooti” (AUN). Aad ayuu u haasaawe macaan, deeqdana ugu gacan furraa.
Ma ogola, Shaaha iyo Qaxwaha aroorta la cabo, in cid kale bixiso.
Dhawr jeer ayaan isku qabsannay, aniga iyo isagu, bixinta wixii la
cabbay!.
Saaka, sidii caadada ii
ahayd, waa soo kallahay. Nin dadka magaalada ka mid ah, ha yeeshee oqoon
qumman aanan isulahayn, ka war hayase in aan Qurbaha ka imid,
ayaa isaga oo aan i nab-daadin, kolkuu i dhinac marayo igu yiri;
“xabashi xalay
guurtay”. “War
maxaad tiri”; ayaan iri”.
“Xabashi
xalay guurtay”, wax
kale iima raacin, waana dhaqaaqay.
Aniga oo aan dhag la
qabto lahayn, ayaan ku soo dhex-dhacay Makhaayaddii Xinbil.
“Xabashi ma, xalay guurtay?!”, ayaan waydiiyaya odayaashii iga soo
horeeyay. “Baladii xalay ayaa ilaahay far iyo suul ku qaaday”; war la
macne ah ayaa dhowr ruux mar qura wada tiri. Meel gaar ah inta fariistay
oo, koob Kofee ah dalbaday, ayaan; dhul garaacid bilaabay. Tolow,
maxay maqashay?. Halkee, laga qandhuuftay. Maxaa xigi doona?. Dadkani,
maamul keedii dhaama ma samaysan karaan?. Wallee, “Ayax tag eella
reeb”. Baryahaa, waxaa la soo gabagabeeyay shirkii CARTA, Jabuuti
8:00 subaxnimo kolkay
saacaddu isku taagtay ayaa qaylo ka yeertay dhankii dhufaysku magaalada
kaga beegnaa. Afkaa gacanta la saaray. Daqiiqado, ka bacdi, waxaan
ogaanay; in dadwayne caraysan ku qamaameen Dhufayskii, Balbaladii xunta
ahaydna gubeen, damceenna in ay Hanta-biyaha dilin-dillaystaan.
11:00 barqa nimo,
xaaladii dhan kale oo, yaab leh ayay isu rogtay. Maleeshiyo garbaha
meesha ka dhisn mid ka mid ah taageerta -taageero kale ma jirtee, ku
hayb ah- ayaa sidii “Ciidan Komaandoos” ah oo, aad u
tababaran u daatay dhufayskii. Dhufayskii xunka ahaa Saladda Duhur
intaan la addimin, wuxuu isurogay “Cad-dhuleed Muqaddas” ah, oo
Istraatiijiya macne wayn leh ku fadhiya.
Odayaal magaalada ah,
ayaa isku carcararay, kuna dadaalay; xabashi in laga raysto mooyee in
aan loo darsan. Taladaa hirgalinteeda dadaal xoog leh iyada oo loogu
jiro, ayaa waxaa soo galay dhowr Baabuur oo, Bagaash ka keentay Xamar.
Saldhigga Boliiska inta lagu leexshay ayaa canshuurtii la laba
jibaaray. Ganacsatadii badeecadu u socotay, waa diideen in ay Badeeco
canshuur faro badan la saaray rogtaan. Bakhaaradii oo idil laba
"Quful Siddeed" inta ku jabsheen, ayay makhaayadaha wax ka
fariisteen. Halkaa, markay marayso Maleeshiyadii dhufayska u daadatay,
haddana, waxay weerar ku qaadday guri uu daganaa, nin aano hore ay ku
tirsanayeen. Dhimasho iyo dhaawac fara badan kolkay geysteen,
Maleeshiyadii waxay dhufayskii ku laabatay iyada oo nabad qabta.
Tolbeelay, inay willato
(yeedho), soo ma aha?!. Haah oo, waa maalinkeedi. Qolo dhufayskay isku
gurtay. Qolo dhufayskay isku gadaantay. Qolana sidii caadadu ahayd
Mandheera ayay u qaxeen. Anigu kuwa dambe ayaan iska raacay.
Magaaladii cammirrayd sacado gudahood; albaabadeedaa isgaraacay. Dabayl
baa ka dhex foorisay. Leexaa samada isku shareetay. Jiingadihii guryaha
saarraa ayaa sharqamay. Jidadkii fars-magaaladaa haawaday. Mid AK47
laab la taagan mooyee cid kale magaalada kuma harin.
Reer Baladxaawo, nasiib
darradooda, qaxba qax ayuu u dhiibaa. Sidaa awgeed, qaxii inta u
noglaadeen, ayay laba ruux markay isdhugato, sidii Tukihii
bararaf, oran. Xilliga nabad-waynta loo fadhiyo; kurtumada, qodxaha,
nagaarka iyo maro-ku-dhagga, iska jara lagama karo. Xabashi nacayb wax
dhafsan idiinma hayso, ee ka tashada ma gartaan. Mid walba Buur
Aaminow [2]
xaggeeda ayaa afka Baabuurkiisu u jeedaa!.
Qoladii dhufayska ku
jirtay saanad ku filan waxay ka soo rarteen Suufka, qoladii
kalana, saraakiish xabashida oo Suufka joogta, waxay soo fareen;
“in ay jabsada saanadda Baladxaawo taal oo, raggeeda nin ka mid ah
Bakhaar ugu xeraysan. Annaga ayaa u magidoonna, kolkuu soo laabtee,
ragga iska celiya". Hebelka ay sheegayso waa nin ka mid ah garbaha
SNF-ta tarantay, xilligaa wuu ka maqnaa magaalada. Ma u jeeddaa,
labada dhinacba iyada ayaa rasaasta siisay?!. Sidaa waa xirfaddeeda,
qayb ka mid ah. Dhanka kale, lama sheegin; soomaali dhaawac ah oo
xabashi dhayday ama dawadiisa xil ay iska saartay!. Soomaalidu,
kharajka; duugta (aaska) iyo daawaynta iyaga ayaa usu qaba. Rasaastu waa
bilaash. Raashinka, jaadka, shidaalka iyo laaluushka xabashida waxaa
laga bixiyaa dakhliga ka soo xerooda isbaarada iyo canshuurta
Saddex maalmood kolkii
la isgaraacayay, lana kal adkaan waayay, ayaa galabtii dambe xabashi oo
Tekniko culus wadata soo dhigtay. Durba, shan iyo labaatan wiil ayay
haadda u wartay. Toban daqiiqo ka dib waxay la kacday ciidankii
dhufayska ku hareeraysnaa. Siday dabada uga wadday; Buurta Labada
Celi [3]
ayay kala hoobatay. Casarka, maalinkii labaad, ayay magaaladii oo lagu
kala adkaaday tiknikadeedi isdaba galisay. Suufka iyo halkii ay
ka soo duushay ku noqotay. Fidnadii malinkaa dhalatay waxay ku fidday
miyiga. Muuddo dhawr sano ah waa shidnaud colaaddii ka kacday: dhufays
yaanyoow ah [4].
Baryahan dambe,
Meles Zanawi; waxaa laga soo sheegay inuu yiri; “DF ee
soomaaliya hadday cagaheeda isku taagto iyo hadday salka dulka ku hayso,
ciidamadayda waa la baxayaa”. Dhab, hadday ka tahay iyo hadduu dhagar
ulajeedo, garaadka soomaalidu waa in uusan ka hoos dhicin
Doonaani-gii
[5],
kolkii, Colaad caanaha Doorshaanku ku dhacay ku miray,
yiri; “Colaad caano iguma miri jirine ma Doorshaan baa ugu dhacay?!".
Feejignaan iyo taxaddar
ku dhisan xisaabtan iyo aqoon la isu lee yahay ayaa iswaydiintaa ku
dhalisay Doonaani. Sidaa darteed, haddii soomaali
feejigantahay waa in ay iswaydiisaa; Kow: ma dharbaaxada
geesiga ah oo muqaawamadu la daba gashay ciidanka Tigraha, ayaa cararka
ciidamada xabashida keenay?. Labo: mise, waa dabin hor leh
oo xabashi iyo taageere yaasheedu ku doonayaan in ay soomaali isku
garaacaan -"Lafo Gari iyagaa la isku jabshaa"- oo waa; “SAXWO
SOOMAALIYEED”[6],
oo la doonayayo in la curiyo?!.
Soomaali sida ay
tiraahdo; "khayr wax kaama dhimee shar u tooghay”. haddaan raaco
warka koowaad; waa khayr iyo guul, dhibna ma laha. Inkasta oo ay waajib
tahay; in ay diyaarsan tahay taladii lagu dhaqaaqi lahaa maalinkay
xabashi guurto, maalinka xiga
(THE DAY AFTER)
[7].
Hoog iyo ba' waa markaan
Doonaani ka liidanno oo dabinka xabashi iyo taageera yaasheedu
dhigeen afka ugu dhacno. Dhufayskiii Baladxaawo, xabaddii USC iyo
halgankii S.Y.L oo, intaba aan la is oran, maxaa ka dambayn
doona?!. Markale, ma talo xumaan ka wardoonaa?. Haba yaraadee garaad
kordhay, ma wuusan jirin?!.
Xabashi iyo taageere
yaasheedu, waxay u haliilayaan, meel walba in ay kaga sheekeeyaan; “maxaan
idin niri?!. Wuxu waa reer miyi,wali aan ismaamul baran. Gobanimadii
lixdankii la siiyay ayaa khalad ahayd. Qaabka kaliya oo looga
nabad-geli-karo, laguna kala badbaadin karo waa in gobollo qabiil isu
maamula loo kala qaybiyo, dawladii markaa “Addis Ababa” ka talisana
dusha ay ka maamusho. Badda dheer oo Berigooda ku qummanna waa in ay
ammaankeeda faraha ku qabtaan; Maraakiib ay lee yihiin “Dawladaha
Caalamka” oo arrintaa awooda u leh, danuhuna uga xiran yihiin. Bal daya,
waa kuwaa isdilay maalinkaan ka guurray?. Wuxu caaqibo ma leh ee yaan
lagu daalin". Aan u talinee, faraha ha lagala boxo!.
Waa xeel fog oo xabashi
iyo garbaheeda meel u taal. Dawladuhu, ma ah ruux degdegsan oo kale.
Qorshe, natiijadiisa, labaatan, soddon, konto sano la dhawro ayay
dagsadaan dulqaad keedna yeeshaan. Madaxda xukuumadda oo kaliyaa
isbadasha. Qorshe dawladeed wixii soo kordha oo kaliya ayaa laga
tashadaa.
Dhariga, maanta la
karinayo waa in; "Murabacii (Afargeeskii) koowaad soomaali dib loogu
cesho, (BACK TO SQUER ONE)”. Xabashi inta aanay guurin -haddiba
ay guurayso- waa in laga soo oodaa dariishad kasta oo ay dib uga soo
galin karto “War Lords-kii”. Hub iyo rasaas ku filan kolley waa u
reebaysaa. Saxwo tiii reer Ciraaq oo kale ah; in la abuuro, waa
waxa loo dig iyo ham lee yahay.
Haddan, digtooni buuxda
la galin, aragtidayda; “maalinka damba, waxa la yiraahdo; “Bulshada
Caalamku” waxay soo saari; Warbixin Takhtareed (Medical Report)
oranaysa; “Isku day fara badan, dabadeed, cudurka soomaaliya,
waqtigan la joogo, wax dawo ah looma hayo, iayguna -soomaali- kala
xishoon waaye, isu turi waaye, isna qaban kari waaye. Sida darteed, inta
dawo cudurkooda dawaysa laga soo saarayo; si soomaali u kala badbaaddo,
sharteedana looga naba galo - cid daris la ah iyo cid aan la ahayn - waa
in; cadad yar-yar oo gacanta lagu hayn karo loo kala jar-jaro. Sidaa oo
kaliya, ayaa madax xanuunka soomaaliya “Bulshada Caalamku” kaga nasan
kartaa!.
“Bulshada Caalamka” ee
Madical Report-ka soo saartay, kuwa ay yhiin, cid si dhab ah u
qeexi karta ma jirto. Balse, Hawsha caynkaa oo kale ah; waxaa meel marin
kara ciddii kartideeda iyo xooggeeda leh. Midda kaliya oo aan hubo;
waa in
xoog xabshashi kaligeed ah aan lagu fulin karin damaca; “Bulshada
Caalamka”.
Alle, kor ahaaye; (Suurat
Yuusuf) oo uu ku tilmaamay; “sheekooyinka tan ugu wanaagsan”, wuxuu
noogu sheegay; kolkii, Nabi Yacquub uu dirayay wiilshiisa, in uu
ku yiri: (Wiilashayow taga oo soo daydaya (warkii) Yuusuf iyo
walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebbe [farajkiisa] kama quustaan
frajka Eebbe qoon gaala ah mooyee) [Suurat Yuusuf : 87].
Haddii Eebbe, idmo,
soomaali waa is-heli doontaa, ruxii raxmadda Eebbe ka quustana, gaaloow.
Dhanka kale, ogaada;
“Qaansheegta
Ilduufka Soomaalid”,
san-ku-neefle kasta oo soomaali; meeshuu doono ha joogo, reerkuu doono
ha u dhashoo, wuxuu doono ha aaminsanaado, indhihiisa oo soo cad-cad
ayuu bixin
Qaan-sheegta
Ilduufka.
Fadllan, yaan la isku khaldin; oddorosid iyo waaqica markaa taagan.
- [1]Ximbil: waa milkiilaha
makhaayad ka mid ah makhaayadaha Baladxaawo ee aadka loo fariisto.
- [2] Buur-aaminoow: waa halka ay taal
Xarunta Ciidamada xabashida oo gobolka Gedo dul fadhiya Waa meeshii
- amarada laga soo qaadan jiray.
Hadda Addis Ababa ayaa amarada looga soo qaataa.
- [3]Buurta Labada Celi: waa
buurta magaalada B/xaawo ka saaran dhanka waaddada Ceelwaaq. Hore waxaa
loo yiqiin
- jiray Buurta Celi Dheere.
- [5]Yaanyoow: shaygu markuu xun
(xumaan) ka sii liito. Badanaa, reer Banaadirka ayaa adeegsada.
- [5]Doonaani: wuxuu ahaa nin
70sano (meelahaa) mar laga joogo ku noolaa dhulka hadda la yirrahdo
Gobolka
- Galguduud. Dad badan baa ku tuhmay
in garashadiisu daahdo. Balse waxaa muuqata in uu ahaa nin aad u
feejigan,
- oo yaqaan ruux walba wuxuu ka fili
karo.
- [6]Saxwa:
micne ahaan waa baraarug. Eraybixin ahaan waa qab'il Maraykanku ka
abaabul Gobolka Anbaar ee
- Ciraaq. Ujeedada waa in
ciraaqiyiinta lafo gari laga dhigo, dabadeed, la isku jabiyoo.
- [7]THE
DAY AFTER: waa magaca filim
aan 70yadii Shineemooyinka Xamar mid ka mid ah aan ku daawada. Qisada
filmku waxay ku saabsanay Midowga Soofyeetigii hore (Ruusiyada maanta)
oo Magaalada New yoke (USA) oo ay ku noolyihiin dad fara badan ku
dhufatay “Atoomig Bom”. Maalinkii Bamku ku dhacay maalinkii xigay sida
xaal noqday ayuu sawiray filimku. Bal adna sawiro maalinka ama habaynka
xabashi baxdo waxa dhici kara haddaan xikmad xirrab dheer soomaali la
iman. Baladxaawo cashar lagu cibro qaato, ma noqon kartaa?!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com