SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweyne Mbeki oo Qaranka u jeediyey Khudbad iscasilaad ah oo lala qashuucay.

Madaxdweynaha South Afrika ayaa xalayto jeediyey qudbad si weyb looga war dhowrayay, taas oo uu si cad ugu qirrey in uu baneeyey kursiga madaxweynenimada dalka, sidoo kale wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah. ANC ayaa magacowday ninkii badali lahaa, halka xibisyada mucaaradka ay cambaareyn afka furteen.

Xalayto abaaro 07:30pm ayuu si toos ah usoo fariistey talefishanka qaranka ee mahadada SABC2 iyadoo si weyn loo sugayay, Mbeki ayaa hadalkiisa ku bilaabay go’aankii ay ANC gaartay ee ahaa in xilka uu isaga tago, wuxuu yiri “55 sanno ayaan kasoo mid ahaa ANC, iminkana waan ka mid ahay, waanan ka mid ahaan doonaa, daacad ayaanan u ahay xisbiga, sidaasi darteen waxaan aqbalay baaqii ay iisoo jeediyeen ee ahaa in aan is casilo, warqada iscasilaadayda waxaan ku wareejiyey gudoomiyaha Baaralamaanka Mrs. Baleka Mbete, waxayna dhaqan galaysaa marka baarlamaanka uu soo doorto qofkii I badalli lahaa” ayuu yiri Mbeki oo aan si miraqsasho lahayn u hadlayay, wajigiisana laga dheehan karayay shucuur qiiro leh oo dad baddani ka qashuucisey.

Inta baddan qudbadiisa oo aan sidaasi u dhereyn wuxuu kusoo hadal qaaday waxqabadkii dowladiisa ay soo qabataya “14 kii sanno ee aan soo ahaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen tan iyo intii aan xornimada qaadanay, wax baddan ayaa noo qabsoomay, dhaqaalaha ayaan kobciney, saboolnimada ayaan la dagaalanay, dalka ayaan hormarinay, waxaan ku guuleysanay martigalinta koobka kubbada cagta adduunka 2010-ka, waxaan kursi aan joogto ahayn ka helney golaha amaanka, waxaan ka qeyb qaadanay hormarka nabbada ee qaarada Africa, waxaan heshiisyo dhexdhigney wadamada Burundi, Congo, Sudan, Ivory Coast, Zimbabwe iyo kuwa kale” ayuu yiri Thabo Mbeki oo hadalka aad moodey in uu xifdiyey, adeegsanayana erey bixin dublumaasiyadeed oo luuqada English ah. Wuxuu intaasi raaciyey in dadka dalka ku nool aysan wali heysan fursado isku mid ah oo xagga nolosha, taas oo loo baahanyahay in dadka wax laga wada gaarsiiyo hantidad qaranka ee inteeda baddan ay gacanta ku hayaan dad tirro yar.

Madaxweynaha xilka baneeynaya waxa uu iska fogeeyey in uu waligiis wax farogalin ah ku sameeyey nidaamka xeer beegtida qaranka, wuxuu soo hadal qaaday in xukunkii xaakimka maxkamada sare ee ahaa in uu farogalin siyaasadeed ku sameeyey dacwada Zuma loo heystey ay ahayd arrin aanan sax ahayn.

Wuxuu qaranka ka codsaday in ay is dajiyaan, noloshooda sii wataan, isaga oo kaliya uu xilka ka tagayo, dowlada inteeda kana ay usii shaqaynayso sidii caadiga ahayd.

Ugu dambeyntii waxa uu qaranka ku macsalaameeyey 11-ka luuqadood ee dalka looga hadlo, isagoo ku celcelinaya “waad mahadsantihiin”.

Dhanka kale ANC ayaa isla maantaba magacoowdey qofkii badali lahaa Mbeki, waxaa la magacaabay Kgalema Motlanthe oo ah wasiir dowlada ka tirsan, ahna madaxweyne ku xigeenka ANC , waa nin qunyar socod ah, loona arko nin dhexdhexaad ah oo garabyada ANC kalsooni ka heysta.

Waxaa soo baxaya wasiiro is casilaya oo xilka ka tagaya, illaa iyo hadda waxaa xilka si rasmi ah oga dagay labbo wasiir oo kala ah wasiirka madaxtooyada Essop Phahad iyo wasiirka tijnoolijiyada iyo seeyniska Masibudi Mangena, waxaala filayaa in ay raacdo madaxweyne ku xigeenada dalka Phumzile Mlanbo-Nduga oo iyadu xaalkeedu uu yahay buddo gaar u tuman, waayo waxaa ninkeeda ah Bulalni Nduga oo ah ninkii ugu horeeyey ee Zuma dacwad kusoo oogey, loona heysto in uu yahay ninka maleegey shirqoolka siyaasadeed ee Mbeki galaaftay. Waxaa kale oo laga cabsi qabaa in ay xilka ka tagaan barasaabyo maamul goboleedyada dalka ka jirra, iyagoo la dudsan Mbeki.

ANC ma ahan wax ay dooneyso in ey wasiirada is casilaan, iyo barasaabyadaba, mana dooneyso in dalka ay ka dhacdo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo horseedi karra in ANC ay lumiso aqlabiyada doorashada soo socota.

Saacadaha iyo maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Kgalema Mutlanthe loo dhaariyo xilka Madaxweynenimada kaas oo uu heyn doono illaa doorasho laga qabanayo sanadka soo socda. Magacaabistiisa waxa ay meesha ka saartey hadalheyntii ahayd in Balaka Mbate oo ah haweeyneyda gudoomiyaha baarlamaanka ah ay Mbeki badali doonto.

Dhamaan xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn u dhaleeceeyey ceyrinta Mbeki, kuna tilmaamay arrin qalad weyn ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay, waxaa ka mid ah xisbiyada dhaleeceeyey DA (Democratic Party) oo Hellen Zille ay madax ka tahay, United Democratic Party (UDM) oo uu madax ka yahay Bantu holimisa, Independent Democrats (ID) oo ay madax ka tahay Patricia De Leal iyo IFP oo uu madaxka yahay Mangazuthu Buthelezi oo ah suldaanka beesha Zulu-ga. Dhamaan sawiradooda waxay ka muuqdaan xagga hoose.

Cabdinaasir Saxansoxo.
Somalitalk.com
Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS