SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Amp: Axmed Walad Cabdallah “hadii la dhameyn waayo qodobada laysku hayo, inta lagu heshiiyey…”

Waxaa dibu dhac ku yimid mar sedaxaad qodobadii laga soo saarey dhinacyadii TFG iyo ARS ee heshiiska uga socdey Caasimada dalka Jabuuti, kadib markii Is-bahaysgiga dibu-xoreynta Soomaaliya uu arkey, hab qoraaleed hore ay isla soo wada diyaariyeen gudiyada siyaasada iyo nabadgelyada ee labada dhinac ARS iyo TFG.

Goobta shirka uu ka dhacayo ayaa dib Gudoomiyeyaasha Gudiyada labada dhinac matalayey, islamarkaana ahaa sixiixayaashii heshiiskii 18/08/2008-da, shir ku yeeshey, kaasoo waxyaabaha laga wadahadlayey ay si weyn u daawanayeen qaybaha warfidiyeenada kala duwan ee joogey goobta iyo diblamaasiyiintii soo xaadirey xaflada lagu soo xirayo shirka, arkey sida ay wax u socdaan, taasoo Is-bahaysiga dibu-heshiisiinta Soomaaliya si cad uga soo horjeestey qaabka qoraalka loo qorey oo la sheegey hadii dib loo akh-riyo aan dhameyn hal Baragaraaf, balse iyaga ula muuqdey mid culeysku ku ah hab qoraalkaasi, maadaama ay horey u wada diyaariyeen, inkastoo TFG-du ay si hagar la’aan ah u soo xaadirtey goobta, halka Is-bahaysiguna uusan soo xaadirinba, xitaa taageerayaashiisa.

Inkastoo uu jirey isku dayo fara badan oo ay wadeen Wasiirka arimaha Diinta ee Jabuuti iyo diblamaasiyiinta Caalamka, balse uu noqon mid lagu guuleystey in badbaadiyo, oo ayna labada kooxood ay isu tanaasuliwaayeen ayaa gunaanadkii Amp: Axmed Walad Cabdallah shirka hakiyey, waxaa uuna sheegey in dib laysugu soo noqdo maalinta.


Amp: Axmed Walad Cabdallah oo shir jaraa’id ku qabatey Hoteel Kempiniski ee caasimada dalka Jabuuti ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey “in heshiiskii qoraalka ahaa ee lagu sixiixi lahaa 21/09/2008-da uu dib u dhacay, dibu dhaca heshiiska ayaa wuxuu ku sheegey in ay tahay in laysku qabtey qodobo dhinaca farsamada ah, islamarkaana maalin nimada 21/09/2008 dib laysugu soo noqondoono, isaguna uu u amabaxayo Xarunta Qaramada midoobey, si uu uga qaybgalo shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

“ inta badan heshiiska waa laysku af-gartey sida dhinaca arimaha gar gaarka iyo waxyaabaha kale, balse waxaa laysku hayaa arimo farsamo, taasina waxaa dhameyndoona oo wadahadalada sii wadaya xubnaha kale ee aan uga tegey, hadii la dhameyn waayo qodobada laysku hayo, inta lagu heshiiyey ayaa la sixiixayaa, inta aan lagu heshiina dib ayaan balan kale uga qabsan doonaa”, taasoo laga yaabo in markale ay Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya in ay diidaan maadaama qodobadii ugu muhiimsanaa shirka ee dhinaca nabadgelyada laysla meel dhigi waayey.

Laakiin hadalka Axmed Walad Cabdalla ayaa u muuqda mid waxbadan lagu qarinayo islamarkaana ay jirto, in uu ilaalinayo dhaqanada kala duwan ee kooxaha iska soo horjeeda ee heshiisku uga socdo Jabuuti ee ay wadaan, mana ahan markii ugu horeysay oo hakad uu soo galo shirkaan dibu-heshiisiinta laga wado Caasimada dalka Jabuuti, inkastoo la sheegayo qodobada laysku mari la’yahay in ay tahay Jadwalka ciidamada Ethopia ay uga baxayso Gobolada Soomaaliya ay joogto.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool caasimada Jabuuti oo aan wax ka weydiiyey fikirkooda ku aadan shirka inkastoo dadku inta badan ay ka gaabsadeen hadana waxaa ii suura gashey in aan la kulmo Fardowso Cali Geele, iyadoo cabireysa fikirkeeda ayaa waxay tiri “waxaan rajeynayey in ay ku guuleystaan labada dhinac shirkaan, waxaana ii cadaatey in nin kasta ka fikiraayo dantiisa, maatida iyo agoonta Soomaaliyeedna wax dan ah uusan ka lahayn, hadii uu wadan ka maqan yahay wey heshiin lahaayeen, laakiin dantooda raac iyo bariiskooda raac weeye”, sidoo kale waxaan la kulmey Caasho Maxamuud Xasan “Shacabka Soomaaliyeed mudo 18-Sano ayuu rafaad iyo dhibaato kusoo jirey, maalin kastana dadd baa dhimanayey oo hada wali socota, ee waxaan qabaa in Shacabkooda u naxaan, mas’uuliyiinta shireysa”.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS