Boosaaso: Xafladan lagu furayay Warshada Kaluunka Ee Laasqoray
Tuna Fish
Sawirada Halkan ka daawo....
Xafladan lagu furayay Warshada
Kaluunka Ee Laasqoray Tuna Fish ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay
Waxaana ka soo qayb galay Masuuliyiin ka socota Maamulka Puntland
Xildhibaano ka tirsan DKMG Isimo Waxagarad Aqoonyahano Iyo Ganacsato
Lagu Casumay Furitaanka warashada Kaluunka Laasqoray.
Madaxa Wax Soo Saarka ee Shirkada Kaluunka Laasqoray Cali Faradheere
ayaa u sheegay ka soo qayb galayaashii in ay shirkadu haqab tirayso
Baahiyaha Kaluun ee Guud ahaan Dalka Iyo Qaybo ka mid ah Dalalka Bariga
Afrika oo loo iibgeyn kaluunka Warshada Qasacadayn jirtay Xiliyadii hore
ee ay furnayd.
Maareeyaha Warashada Kaluunka Ee Laasqoray C.raxmaan Mahamed C.lahi ayaa
ka codsi u jeediyay Dowlada Cuqaasha Ganacsatada Iyo Ha'ayadaba.
Xildhibaan Saciid Xasan Shire oo ka mid ah Xildhibaanada DKMG ee Somalia
ayaa sheegay In Kaluunka warshadani ay soo saari jirtay uu ahaa mid si
fiican qiimaha ay u yaqaanaan dadka somalida Iyo Dalalka Somalia la
dariska oo loo iib geyn jiray.
Wasiir ku Xigeenka Khayraadka Badda Puntland Prof C.wali Geyre ayaa ku
tilmaamay warshada laaqoray ee kaluunka lagu qasacadeeyo mid ay
leeyihiin somali oo idil hiilkeeda looga baahan yahay somali oo isku
duuban.
Furitaanka warshada Kaluunka Laaqoray ayaa ku soo beegmaya xili badda
somalia oo idil uu ka jiro Xaaluf Iyo Jilabsho aan sharci ahayn oo ay ku
hayaan marakiib shisheeye Iyo Dalal ajnabi ah Oo kaluumaysatada somalidu
ay cabasho Iyo Qayla dhaan ka diray muddo soo laa laabatay iyada oo DKMG
Iyo Maamulka Puntland oo xeebihiisa la sheego in ay yihiin ku ugu badan
ee ay ka dhacaan arimahaasi ay ku fashilmeen wax ka qabadka arintaasi.
Mahamud Said Salad
Bossaso Somalia Puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2008