Shirkii dibu-heshiisiinta dhinacyada TFG iyo ARS oo lagu soo gebagebeeyey
heshiis aan miisaan weyn lahayn
Dhinacayadii shirka uga socdey Caasimada dalka Jabuuti ayaa heshiis afka ah oo
aan miisaan lahayn ku soo gebagebeeyey wadahadaladooda, islamarkaana laga soo
saarey baaq ka kooban 10 qodob oo ay ku qoran yihiin laba warqadood, kadib
markii ay ku shirayeen ugu yaraan sedax maalmood Hoteelada Kempinski, Shariton
iyo Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti.
Kusimaha Amp:- Axmed Walad Cabdalla, Amp:- Waliid ayaa ugu horeyn ka hadley
xiritaanka shirka waxaa uuna akh-riyey qoraal ka kooban laba bog oo isugu jira
go’aano iyo baaq ka soo baxay dhinacayadii TFG iyo ARS ee ku shirey maalmahaan
caasimada Jabuuti, qodobada ugu muhiimsan ee laga xusi karo heshiiskan ayaa ahaa
qodobka 3-aad iyo Afraad, kuwaasoo dhigayey (3) Dhinacyadu waxay ku heshiiyeeen
in ay sii wadaan wada-hadaladooda siyaasadeed si ay horey ugu mariyaan arimaha
la xiriira iskaashiga siyaasadeed ee ka dhexeeya, dibu-heshiisiinta, cadaalada
iyo xuquuqul insaanka. Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in ay isla shaqeeyaan,
ayaga oo adeegsanaya guddi hoosaadyo, si ay wax ugu qabtaan arimaha la xiriira
kor u qaadista wacyiga Hay’adaha, Arimaha Dastuurka, Bani’aadaninimada, soo
kabashada dibu-heshiisiinta iyo horumarinta.
Sidoo kale waxaa qoraalka baaqa lagau sheegey ku qornaa (4) dhinacyadu waxay ku
heshiiyeen in ay qiimeyn iyo wada tashi ku sameeyaan, xaaladaha dalka ka jira
kadibna ay ku kulmaan mudo 15 casho ah, si ay isula diyaariyaan farsamadii
ciidan ee loo hirgelin lahaa xabad joojin ku haboon.
Inkastoo qodobada kale ay ahaayeen kuwo isku maran oo hadana tilmaamayey
tacsiyeyn fara badan oo ka muuqatey iyo hadalada kala duwan ee ay ka jeediyeen
mas’uuliyiinta labada dhinac kala matalayey, hadana waxay shir jaraa’id kuwada
qabteen goobtii lagu soo gebagebeeyey shirka ee Hoteelka.
Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud oo gunaanadkii
xiritaanka shirka ka hadley ayaa kula dardaarmey dhinacyada TFG-da iyo ARS-ta
“marka dibu-heshiisiin lagu jiro waxaa inta badan la qiimeeyaa, maxaa hada
suurtagal ah iyo beri, waxaana guul lagu gaaraa halka laga yimid iyo halka
maanta la joogo, tilaabooyinkaas in laysku toosiyo ayaa lagama maarmaan ah,
gudiyada maanta halkan ka wadahadlayey hadii shacabka Soomaaliyeed loo qaado
maanta wax weyn bay u tahay waxa laysla soo gaarey, hadii si caqli ah loo
fiiriyo oo ilaahay sidaas loogu talo saartana waxaan isleenahay” ayuu yiri Dr.
Xaamud oo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey
“ waa wax la raadinayo wanaaga lagu gaarikaro, hal tilaabo oo wanaagsan oo la
xaqiijiyaa waxay horudhac u tahay khudwo badan oo ii jaabi ah oo wanaagsan bey
astaan u tahay, Ummada soomaaliyeedna waxaan ugu baaqayaa in laysudiyaariyo si
ay ku jirto wadaninimo, geesinimo iyo karaamo ay ku jirto” ayuu hadalkiisa kus
oo gebagebeeyey Wasiirka Arimaha Diinta ee Dowlada Jabuuti.
Shirkan jaraa’id ayaa waxaa ka hadley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ee Col/
Nuur Cade iyo Gudoomiyaha Is-bahaysiga dibu-xoreynta Soomaaliya Sh. Shariif Sh.
Axmed, waxayna shirkooda jaraa’id uga hadleen waxaabihii shirka looga hadley iyo
waxa laysla gaarey, inkastoo saxaafada su’aalo dhowr ah ay weydiisey hadana oo
ay kaga jawaabeen labad mas’uul hadana hawsha lag sugaayey iyo sida ay kusoo
gebagebowdey ayaa ah wax aysan is qaadan Karin, iyadoo shacabka Soomaaliyeed
intooda badan ay mudo dheer ku soo jireen maqalka hadalo kala duwan oo afka ah,
islamarkaana loo soo mariyo saxaafada qaybaheeda kala duwan, halkii laga rabey
in ay helaan ama arkaan wax la taaban karo oo ay kaga gudbaan madaafiicda kala
duwan ee ay isugu badbadaleyeen kuwa iska soo horjeeda ee sheegta mas’uuliyada
aan dhimashada, dhaawaca, barakaca, dhaca, kufsiga iyo handadaada an
dhaafsiisneyn, laakiin la arkidoonee halka ay wax ku dambeeyaan.
Dhinaca kale bal aan eegno qoraalkii hore ay u soo saareen 18/08/2008-da iyo
sida uu u qoraa waxa ka hirgaley iyo waxa iska bedeley, halkii laga sugaayey in
si toos ah loo dhex galo waxa ay sheegayeen ee dhinaca Amaanka ah ayaa waxaad
moodaa in laga hormariyey dhinacii Siyaasada, iyadoo uusan amaan jirin ayaa
waxaa la gudagaley awood qaybsiga dhinaca Dastuurka iyo saraakiisha ciidamada,
hawshuna waxaad moodaa in ay isasaaran tahay.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com,+253624079
GUDDIGA WADAJIRKA ARRIMAHA NABADGELYADA
Hawlgalka Guddiga
Hordhac
1. Dawladda Federaalka KMG Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga Dib u Xureynta
Soomaaliya waxay gaareen heshiis ka dib markii ay wadahadal ku yeesheen Jabuuti
9 kii Juun 2008. Heshiisku wuxuu ku baaqayaa dhismaha . Guddiga Wadajirka
Arrimaha Nabadgelyada (GWAN). Guddigu wuxuu u hawl galayaa sidii uu u xaqiijin
lahaa hirgelinta hawlaha nabad samaynta. Sida uu qabo Heshiiska Jabuuti, Guddiga
Wadajirka ee Arrimaha Nabadgelyada wuxuu ku shiray Jabuuti inta u dhaxeysey 16ka
ilaa 19ka Agoosto 2008.
Waajibaadka Guddiga
2. Sida uu qabo heshiiska, Guddiga Wadajirka ah ee Arrimaha Nabadgelyada waxuu
mas’uul ka yahay hirgelinta heshiiska sida ku acad Qodobka 8 aad , faqraddiisa
C.
“Si loo xaqiijiyo habsami u hirgelinta heshiiska, labada dhinac waxay ku
heshiiyeen: in ay dhisaan guddi wadajirka Arrimaha Nabadgeliyada si uu ula socdo
hirgelinta arrimaha la xiriira nabad sameynta muddo (15) shan iyo toban casho
gudahooda , kana billaabanaysa maalinta la saxiixo heshiiskan.
Xubnaha guddiga iyo waajibaadkiisa shaqaba waxaa lagu go’aaminayaa isla muddada
aan kor ku soo sheegnay. Guddigan waxaa Shir-guddoomindoona Qarramada Midoobay.”
3. Xilligga (mandate) Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada (GWAN) waxay ku
egtahay bil kadib marka uu dhammaado xilliga kala guurka, “November 2009”. Si uu
u guto waajibaadkiisa, guddiga wuxuu ka hawlgalayaa dhammaan gobollada dalka oo
dhan, asagoo sameynaaya guddi hoosaadyo.
Mas’uuliyadda
4. Guddigu wuxuu mas’uul ka yahay:
· In uu ka soo tala bixiyo qaabka iyo jadwalka kala horreeya ee ciidamada
Ethiopia dalka uga bixi lahaayeen.
· In uu dalka ka hirgeliyo xabbad iyo colaad joojin dhex marta TFG iyo ARS.
· In uu dhiso ciidamo wadajir ah ee ka socda TFG iyo ARS, si ay :
(i) u dhowraan, u xaqiijiyaan, lana socdaan in loo hoggaansamay heshiiskan.
(ii) In uu u fududeeyo si aan hakasho lahayn dhaqdhaqaaqa hawlaha gargaarka
bin’aadinnimada iyo kaalmada la xiriirta iyo badbaadinta hawlwadeennada
hay’adaha Samafalka.
(iii) In uu soo baaro xad-gudubyada la soo sheego kuna aaddan heshiiska ka dibna
xogta uu soo helo u soo gudbiyo Guddiga si go’aan looga gaaro.
· Si ay nabad ku dheehantahay in uu u helo xal ku haboon haddii xadgudub lagu
sameeyo heshiiska.
· In uu la yimaado talo soo jeedin, ku saabsan qaabka dib u habeyn iyo isbeddel
loogu samayn lahaa dhismaha ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliyeed.
Qaabka Hawlgalka
5. Hirgelinta waajibaadka shaqo waxay u baahantahay, arrimahan soo socda iyo
kuwo kale :
· In uu ilaaliyo xabbad iyo colaad joojinta ka dhex dhalata TFG iyo ARS.
· In uu kala qaado dagaalyahannada TFG iyo ARS gaar ahaan goobaha ay isku hor
fadhiyaan.
· In uu fududeeyo keenista ciidammo caalami ah ee Qarramada Midoobay soo
ansaxisay.
· Si loo hirgeliyo qodobbada heshiiskan, waxaa muhiim ah in la helo arrimaha soo
socda :
(i) In Qarrammada Midoobay iyo Beesha Caalamk ay dedejiyaan keenista ciidamo ay
Qarramada Midoobay soo ansixiso sida ku cad heshiiska.
(ii) In la bixiyo kharajka ku baxaaya saadka iyo baahida la xiriirta dayactirka
qalabka ciidamada TFG iyo ARS kuwaasoo ilaalin doona nabadgelyada muddada ku
meel gaarka ah.
(iii) Inuu door ka cayaaro dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
· In uu bixiyo misaaniyadda Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada.
· In uu abuuro xaalad ku habboon oo lagu daabuli karo gargaarka banii’aadamnimo
iyo kaalmada la xiriirtaba si aan hakad lahayn
· In uu la xiriiro laba dhinac isla-markaasina uu joojiyo in isku horimaad
ciidan uu ka dhex-dhaco labada dhinac.
· In uu hubiyo dhaqanka iyo anshaxa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed eela
xariirta dhowrista xuquuqul-isaanka iyo shuruucdiisa.
· In uu ku dhawaaqo xabad joojin guud iyo dhowristeedaba.
· In uu baabi’iyo Jid-gooyooyinka “Checkpoints” ee wax u dhima habsami u
socodsiinta hawlaha gargaarka.
· In uu talo ka bixiyo mas’uuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee Ciidamada
Qarramada Midoobay soo ansixinayso.
Xubnaha Guddiga
6. Guddiga Wadajirka ka ee Arrimaha Nabadgelyada wuxuu ka koobnaan doonaa (30)
soddon xubnood oo si-isla-eg TFG iyo ARS xubno u wada matalaaya. Intaa waxaa
dheer in Qarramada Midoobay iyo Ururka Midnimada Afrika ay si wadajir ah u shir
guddoomiyaan hawlaha guddiga. Madaxda TFG iyo ARS iyo wufuuddoodaba waxay soo
xaadiri karaan shirarka haddii ay doonaan.
Go’aan Qaadashada
7. Guddiggu wuxuu awood u leeyahay inuu go’aankiisu ku gaaro habka wada-tashiga.
Haddii ay dhacdo in la codeeyo, shir-guddoonka wuxuu xaq u leeyahay in uu
codkiisu dhiibto.
Kulamada Guddiga
8. Guddiga wuxuu Soomaaliya ku kulmayaa labo ilaa iyo seddex maalmood haddii
duruuftu oggolaato, haddii kale Jabuuti ama Nayroobi hadaba sidii loogu baahdo
una habboontahay. Shir guddoonku wuxuu ku baaqi karaa shir markii loo baahdo.
Ajenda
Laga billaabo maalinta heshiiskani uu dhaqan galo, 30 ka maalmood ee ugu
horreysa ee ajendaha guddiga waxaa ka mid noqonaaya :
A. Hirgelinta xabbad iyo colaad joojin.
B. Inuu jadwal u sameeyo ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ay dalka kaga baxayaan
isla muddada 120 ka maalmood ah ee ku cad heshiiskii Jabuuti.
Magacyada Guddiga labada dhinac
Guddiga Dowladda Federalka KMG. Guddiga Isbahaysiga ARS
- 1. Hon Maxamud Maxamad Xeyd 1. Col Cuma Xaashi Aadan
- 2. Hon Ibraahim Cabdullahi Cusman 2. C/xmaan amaxamad Farax
- 3. Hon Maxamad Xussen Qalinle 3. Cabdi Maxamed Abtidoon
- 4. Gen. Saciid Maxamed Xersi 4. Col. C/qaadir Shekh Maxame
- 5. Gen. Maxamed Warsame Faarax 5. Col. Xuseen Siyaad Faarax
- 6. Gen Cabdi Xasan Cawaale 6. Axmed Diiriye Maxamed
- 7. Gen. C/llaahi Macallin Cali 7. Gen. Maxamed Shekh Xassan
- 8. Gen. Maxamed Nuur Maxamed 8. Col. Mahdi Cariif Cali
- 9. Col. Maxamed Cabdi Maammow 9. Maxamuud Macallim Yaxye
- 10. Col C/kariim Daahir Xassan 10. Sulaymaan Colaad Rooble
- 11 .Suuri Diiriye Carab
19 Agoosto 2008
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2008
Wakiilka Qaramada
midoobey ee Soomaaliya “hadii la dhameyn waayo qodobada laysku hayo,
inta lagu heshiiyey…”
|