SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shiikh Shariif Waa Khalad, Abuu Mansuurna Waa Khalad. Prf Cumar Iimaan iyo Cabdulwaxid Khaliif Ha Noo-fasiraan

Abdallah Moallim Mahamud

(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com


"Wixi la qarsho, waa qurmaan ama waa qubtaan" waa maahmaah Soomaaliyeed,ku dhawaaqidi xiritaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Kooxda Al-shabaab, wuxuu banaanka si cad u soo dhigay wixi dad badan oo soomaali ah ka qarsanaa ,waa tuma dowlada Cabdullahi Yusuuf uu horboodayo, waayo maxaakimta, waayo Soomaali cadawgeeda koowaad, waayasa saaxibkeeda .siriqdi soomaali lala rabay ma ku dhacday, misa Ilaahey ayaa baal mariyay.

Qolalka Paltalka waxaa si cad u canbaareeyay xiritaanka garoonka Aadan Cade Shikh Xasan Daahir iyo Genaraalka uu u xilsaartay dagallada ka holcayo gudaha waddanka Soomaaliyeed General Shikh Indhacade ,waxay labadan nin sidoo kale si cad u taageereen qabsashada Al-shabaab ee magaalada Kismaayo oo iyada si toosa gacanta aanan ugu jirin Xabashida, waxay iyadana si cad uga hor-yimaadeen in wada hadal lala galo koox ay ku tilaameen dabadhilifyada Amxaarada oo runtii iyaga oo kaliya aynan u aqoonsanayn dabadhilifyada Amxaarada, waa kooxda uu horkacayo, Kornayl qabashada hogaanka dalkiisa ku bedashay in uu dabaabadaha cadowga koowaad ee dalkiisa ku soo galo viladda laga xukumo dalkeena, iyagana xerya uga dhigo wasaaradi gaashaandhiga Soomaaliyeed oo iyada ah astaanti cududa ciidamada xooga dalka soomaaliyeed.

Waxay Soomalida tiraahdaa "Beenlow nin dhintay iyo nin dheer ayuu marqaati u qabsadaa".war yaa inoo sheegi kara macnaha ay leedahay, Abu Mansuur ma dhihi karo garoonka waa Xiran-yahay ,shikh Shariifna ma dhihi karo aan wada hadal dalkeena kaga saarno xabashi, haddiiba taa la helaayo ,weliba iyada oo aan wadano qoryaheena ,shuruuda wada hadalkana ay ka marantahay hub iska dhigid Xabashi oo weli ku jirto gudaha waddankeena.

Maxaa isku cod ka soo yeersiiyay af-hayeenka Kornayl Cabdullahi Yusuf Xuub-Sireed iyo Kornayl Shikh Xasan Daahir iyo genaraal Shikh Indhacade.

Markaan dib ugu noqda ka jawaabida su'aaladaha kore ,DFKm iyada waa dowlad ka bilaabto Kornayl Cabdullahi Yusuf, kuna dhamaato kornayl Cabdullahi Yusuf, marka laga reebo odayga la da'da ah Kornayl Nuur Cade ee isaga u muuqdo nin loo soo carbiyay sidi uu uga takhalusi lahaa Kornayl ay beri hore, askarinimo iskala qorteen isticmaarki Talyaahiga ,dhinaca kalana Kornayl Nuur Cade waa nin wax badan ku noolaa Muqdisho dhicitaanki Rejiimki Siyaad Bare keddib, si fiicana u yaqaano xaqiiqada fog ee qaar ka mid ah Maxaakimta Soomaliyeed ,waxaana loo keenay kashifaada ceebaha maxaakimta oo iyada ah in ay ahaayeen dad aynan ka dhaxayn wada shaqayn fog iyo mabda'a ay ku mideysan-yihiin iyo marka laga reebo isagana Jeneral Gabro oo aan isaga ku howl ahayn odayaashan, balsa dalkeena u yimid in uu ka shaqeeyo kor u qaadida in ay dadka Soomaaliyeed dalkooda uga qaxaan kooxa danleey ah, dantoodana dagaal ku ah

Ma ahan wax fiican xiritaanka ilaha dhaqaalaha iyo goobaha ay ku xiran-tahay nolol maalmeedka dadka Soomaaliyeed,laakin waxaa su'aal ka taagan tahay ,maxaa mar kaliya ka wada caraysiiyay labada Kornayl Shikh Xasan iyo Cornayl Cabdullahi Yusuf, kolki laga hadlay xiritaanka Garoonka aadan Cade ,maxaasa labdooda ka wada farxiyay kolki Kornayl Barre Hiraale laga qabsaday magaalada Kismaayo ,maxaysa mowqif kaliya uga istaageen wadahadalka jabuuti uga socda qeyb ka mid ah DFKM iyo qeyb ka mid ah Isbahaysiga Dib-xoreynta Soomaaliyeed, wallow aanan tan danbe Kornayl Cabdullahi Yusuf si cad u sheegin in uu diidan-yahay Shirka Jabuuti .

Dagaalka ka Socda Soomaaliya waa mid wejiya badan Sidaan horay ugu sheegnayba qoraala badan ,dagaalka kama marna kooxa ay ka dhab-tahay in ay dalkooda ka xoreeyaan isticmaar iyo danleey Soomaali ah oo iyaga dantooda dhabta ah dagaal ku ah.

Markaan u noqono Su'aasha ah waayo maxaakimta, Maxaakimta waa koox ku soo caan baxday ka adkaashadi qabqablayashi dagaal 2006-di, wallow qeyb weyn oo iyaga ka mid ah ay si aad ah ugu dhaqan ahaayeen kooxaha ay ka adkaadeen ,welina ku dhaqan yihiin ,balsa ay uga duwanaayeen oo kaliya ku habar-kacsashada waxaan nahay qolo doonayso in ay dalkeeda ku xukunto shareecada Islaamka .

Gundhiga qoraalkan iyo su'aasha usbuucan Soomaali hortaal,waa muftiga Asmara ee isaga bayaan cad ku sheegay in aanan wada hadal lala gelin Karin gaalada iyo dabadhilfyada u adeego, wuxuuna isla maalin keddib Muftiga Asmara uu mar kale bayaan cad ku sheegay, in ay khalad tahay ku dhawaaqida ay Al-shabaab ku dhawaaqeen in garoonka Aadan cade ee Magaalada Muqdisho xiran yahay, isaga oo taana saldhig uga dhigay in ay tahay cunaqabatayn lagu sameynayo shacabka Soomaaliyeed ,ogowna meesha la yiri lagama soo degi karo, ma ahan deggada magaalada Muqdisho ee waa garoonka ay diyaaradaha xabashida daad gureeyo, danahoodana ka shaqeeyo ay ka soo degaan ,kana duulaan.Ogowna xiritaanka garoonkaas waa mid laga yaabo in uu soo dedejiyo Xabashida oo si dhaqsiya u go'aansato in ay isaga dhax-baxaan Soomalida dhaxdeeda .

Hadaba su'aasha aan weydiinayno Muftiga Asmaro iyo qoraaga weyn Cabdul-waaxid Khaliif waxay tahay in ay noo fasireen, maadamaa ay annaga nagu aadkaatay fahamka "Yaanan wada hadal lala gelin Dabadhilifyada xabashida iyo yaanan garoonka laga xerin Cadawga Soomaliyeed , dhuuntana la qaban?".

Soomaali cadawgeeda koowaad, waa nin aanan tala keen ahayn,tala raacna aanan ahayn ,taladi nin kala keenana u diida si u fiirsasha la'aana.waxaan uga jeedaa Ragga Asmaro Joogo Shikh Shariifna ma cajibin , Abuu Mansuurna ma cajibin ,haddaba maxay rabaan ,su'aashan waxaan u daynaynaa Muftiga Asmaro Prf Cumar Iimaan iyo Qoraaga weyn Cabdulwaaxid Khaliif.

Soomali haddaan nahay maanta waxaa inoo saaxib ah ninki doonayo in uu Tigree ka saaro dalkeena ,ha u sheegto xoog ama ha u sheegto caqli iyo xoog wada socdo.

Soomaali siriqdi lala rabay kuma dhicin ,horayna waxaan u sheegay in uunan dalkeena weli ku dhicin gacanta Cadawga Soomaaliyeed ,Ilaahey idinkiisna kuma dhici doono, islamarkaasna dalkeena wuxuu ka badbaaday ku dhicida gacanta wiilal khayrkeeda ku noolaaday cadawna ku ah dalkooda ,si ay dalkooda ugu noolaadaana ay ka gashay, Annaga oo reer hebel ah Shareecada oo la isku xukumo ayaan horkacaynaa.

Xbashi yeynan wada hadal ku bixin ,in dhuunta laga qabtana yeynan ku bixin waa war iska horjeedo , waxaansa jawaabta su'aashan u daynaynaa raga ku xusan magaca cinwaanka qoraalkan ,haddiiba ay naga kaalmayn karaan fahmida xigmada ka danbaysa iska soo horjeedka hadaladan is-diidan. 19/09/2008.

Abdallah Moallim Mahamud

(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 20, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS