SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Imisa bukaan ayaa jiifta isbitaalka dayniile iyo haweeney sadax caruur ah lagu soo qalaya

  • Deeq gaaraysa 3260$ oo ay soo dhiibeen qaar ka mid ah jaaliyadda gabdhaha somaliyeed eek u dhaqan boqortooyada dalka ingiriiska oo manta la gaarsiiyey deegaanada dibiley, tiida, dagmada dayniile ,bangalo,ismaaciiliya , iyo abtooy

Sawirada Halkan ka daawo....

Kaalamadaan ay soo dhiibeen jaaliyadda gabdhaha soomaaliyeed ee Britain ayaa waxa ay gaareysay 3260$ ah waxaa la gaarsiiyey deegaanada hoostaga dagmada dayniile ee duleedka Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin haween ,caruur ,iyo dad waayeelo ah oo guryahoodii ka barakacay

qeyb ka mid ah lacagtaan oo gaaraysa $500 ayaa waxaa loo marsiiyey binti macalin si ay ugu qeybiso dad dhibaatooyin gaar ah ay soo gaareen halka 2760$ laga qeybiyey deegaano kala duwan isu geynta guud ayey gaaraysaa $3260 dhamaana waxaa loo qeybiyey sidii loogu talagalay ,

Deeqdaan oo ay soo dhibeen jaaliyadda gabdhaha ku nool boqortooyada Britain ayaa waxaa loo soo marsiiyey meel amrinteeda Ismaaciil Cabdi Nuur waxaana uu sheegay isagoo ku hadlayey saxaafada in ay door lama ilaawaan ah ka cayaareen jaaliyadda gabdhaha soomalida ee UK,

waxaa uu ilah uga baryey ajir iyo xasanaad inuu ilaah ka siiyo kuwa soo dhiibay sadaqada kuwa qaateyna waxaa uu ilaah uga baryey inuuuga dhigo manaafacaad wax tar u yeelata jirjooda iyo caafimaadkooda,
gabdhaha kaalmadaan soo dhiibay ayaan ka xusi karnaa Xadiyo Taranbi , Carabo Cabdi Axmed , Dahabo Cadar Xasan Shire

Deeqda ay soo dhiibeen jaaliyadda UK meelhii la gaarsiiyey waxaa ka mid aha deegaanada hoostaga dagmad adayniile halkaas oo ay joogeen dad rafaadsan oo ay ka muuqato dhibaato aad u culus iyo gaajo aan yareyn, mar aan la kulmay dadka halkaas ku nool waxaa ay ii sheegeen in ay u baahnaayeen sadaqadaan oo nafu ay ku dabayareyd, waxaana dadkii lacagtaan u soo direy ilaah uga wada baryeen caafimaad buuxa iyo cimri dheeraad ah,

Asli aadan waxay ka mid tahay dadka aan waxba heysan ee guryahoodii cabsida uga cararay iyada oo ku hadleysay magaca shacabka guryahoodii ka barakacay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay iyada oo ugu duceysay in ilaahey uu ka abaal mariyo deeqdoodana uu ka aqbalo

Asli waxay intaa ku dartay in ay kutaan cuneyso , roob ku da,ayo , qaraxdu gubeyso , wixii intaa looga gaban lahaana ay ka maqan tahay iyada iyo wixii la mid ah waxayna ku dooday in aysan heysan bacaha roobka laga galo , iyo raashin ay cunaan

Daawo ayaa loo baahan yahay iyo wax kasta oo nolosha sahli raka ayey hadalkeedii sii racisay asli adan oo saxaafada la hadlaysay

Goobaha la geeyey deeqdaan ayaa waxaa ka mid ahaa dibiley,tiida,dagmada dayniile ,bangalo,ismaaciiliya , iyo weliba abtooy
halkaas oo ay dagan yihiin kumanaan qoys oo aan waxba heysan lana ildaram jaago iyo macluul .

Maha markii ugu horreysay oo jaaliyaddan ay dadkaas wax u soo dhiibaan, waloow aysan ahayn mid wax ka badali karta bahidooda, haddana waa isha kaliya ee quud darreynayaan oo ay wax ka rajeynayaan. Dadkaan ay la harteen dagaladda iyo gaajada.

Dhanka kale haweeney lagu magacaabo Sahro Macalin Cali ayaa ku umushay isbitaalka dayniile manta sadax caruur ah oo mataano ay iyada oo lagu sameeyey qalin qaatay mudo saacado ah waxaana geriyooday mid ka mid ah sadaxda caruurt ah oo kala ahaa 2 wiil iyo gabar waxaana la shegayaa in hal wiil uu u saqiiray halka wiilka iyo gabadha ay caafimaad qabaan ,

Dr Maxmauud maye oo ah agaasimaha isbitaalka dagmada dayniile ayaa sheegay in ay soo gaareen xalay iyo saaka dagaaladii ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ilaa 9 ruux oo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray waxaana uu dr Maxuud maye sheegay in isbitaalkaan uu ka kooban yahay qeybta daweynta iyo qeybta qaliinka waxaana maalin walbo yimaada ilaa 80 bukaan waana lacag la,aan howlaha qaliinka jiifka sariirta iyo raashinkaba isaga oo sheegay in dhaawacyada ku jira ispitalka ay gaarayaan 77 bukan

Agaasimuhu wuxuu sheegay in hada ay qorsheynayaa in ay ku kordhiyaan qeybta inta maadaama loo qabo baahi weyn wuxuuna sheegay in ay ahaan doonto daaweyn iyo qaliin waxaana hada keenay qalabkii ugu horeyey iyada oo ay ku so daba jiraan dhaqaatiiri indha waxaana laga bilaabi doonaa fiiqitaan kun iyo laba boqol qof indhaha loogu fiiqayo iayada oo mudnaanta la siin doono

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666


Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS