ISMAQAL LA’AANTA SIYAASADEED EE SOOMAALIDA Hordhac
Dadka Soomaaliyeed wuxuu Ilaahey ku galladeystay nicmooyin fara
badan.
Waxaan nahay ummad wada degta hal deegaan oo isku diin, isku af iyo
isku dhaqan wada ah.
Waxaan nahay hal qabiil oo la yiraahdo Soomaali sababtoo ah
qeexitaanka erayga qabiil waa dad isku meel wada dega oo wadaaga dan
isku mid ah.
Ummadda noocaas oo kale ah waxaa laga doonayaa in ay lahaato ismaqal
iyo isfahan wanaagsan oo dhexdooda ah si ay u gaarto horumar iyo
barwaaqo.
Haddaba, su’aashu waxay tahay Soomaalidu ma ka run sheegtay
riyadeedii aheyd waxaan nahay hal qoys? Haddii jawaabtu tahay “Maya”
maxaa sababay taas?
Mid ka mid ah waxyaabaha sababay arrintaas ayaa ah ismaqal la’aan
baahsan ee ka dhex jirta siyaasadda Soomaalida gaar ahaan waxaan
jeclahay in aan wax ka soo qaato wixii ka danbeeyay 1990kii.
Ra’isul Wasaare Cumar Carte Qaalib
Xasuuso Janaayo 1991kii markii Maxamed Siyaad Barre uu Ra’isul
Wasaare u magacaabay Cumar Carte Qaalib si ay xabbadda u joogsato. Cumar
Carte iyo madaxweynaha oo shir labo maalin socday ka dib shir jaraa’id
qabtay ayaa hadalladiisii waxaa ka mid ahaa “Walaalayaal, waxaan la
kulmay madaxweynaha, wuu iga aqbalay wixii aan soo gudbiyay oo dhan.
Fadlan, aan u duceyno madaxweynaha. Waxaana codsanayaa in xabadda la
joojiyo, si aan u sagootinno Madaxweynaha.!”
Ilo xasaasi ah ee waagaa jiray ayaa waxay soo tabiyeen in
madaxweynuhu ka aqbalay kooxdii Maanafesto in dalka la badbaadiyo.
Waxaa laga yaahaa in ujeedada Cumar Carte aheyd in Siyaad Barre lala
galo heshiis awood-qeybsi ku saleysan (power-sharing agreement).
Soomaali badan wey ku qosleen qosleen Cumar Carte. Waxaana durbadiiba
isbedellay jeceylkii loo qabay. Waxaana loo arkayey siyaasi rug-caddaa
ah oo ay maradii ka dhacday, sumcaddii uu ummadda ku lahaana uu dhulka
ku jiiday. Su’aasha waxay tahay maxaa ku jabnaa in Maxamed Siyaad Barre
heshiis lala galo? Cumar Cartase ma saxsanaa, mise wuu qaldanaa
berigaas?
Raila Odinga ayaa in ka badan 6 gobol oo 8da gobol ee Kenya ka kooban
tahay doorashadii madaxweynaha ee sanadkii tegay 1997kii kaga adkaaday
madaxweyne Kibaki. Laakiin, isdaba marin iyo musuqmaasuq dhacay dartiis
si qalad ah dib loogu dhaariyey madaxweyne Kibaki. Muxuu sameeyay Raila?
Ma jabhadeeyay mise wuxuu u dhega-nuglaaday baaqyadii ka soo baxayay
qeybaha kala duwan ee dadkiisa kuwaasoo ku boorinayey inuusan
dagaalimin, dalkana ka dhigin Soomaaliya oo kale!, balse heshiis awood
qeybsi ah uu la galo ninkii isaga xukunka ka boobay. Akhristow, ma
ogtahay, hadduusan Raila sidaasi yeeli laheyn in wixii Soomaaliya ka
dhacay ahaan lahaayeen “i qarso” sababtoo ah hal usbuuc oo keliya ayaa
waxaa wada holcay wadankii oo dhan. Laakiin, Ilaahey fadligiisa iyo
dulqaadkii Raila muujiyay ayey Kenya ku badbaaday.
Sidoo kale, bal fiiri waxa hadda ka dhacaya dalka Zimbabwe. Waa
adduunkii oo idil oo dhinac ka soo jeeda iyo Zimbabwe oo dhanka kale ah.
Robert Mugabe oo lagu tilmaamo keligii-taliye ma naxe ah ayaa xukunkii
laga qaadi waayay. Dani waxay kalliftay in Morgan Tfanjangaray uu qaato
qaraar adag oo ah in uu awoodda la qeybsado Robert Mugabe! Dowladna wada
dhistaan.
Bal fiiri, Miyuusan Cumar Carte Qaalib 17 sano ka hor garan waxa ay
hadda Raila Odinga iyo Tfanjangaray moodaan in ayagu Afrika u bilaabeen
sunno xasana ah?!
Tani waxay i xasuusineysaa mar BBC weydiisay madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geele sida uu arko ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay dalkeena
hooyo. Wuxuu ku jawaabay, “Gudineey haddaan gabalkeey kugu jirin ima
goyseen”
Cumar Xaashi Aadan
1992-kii dowladdii ku-meelgaarka aheyd ee Cali Mahdi ayaa lagu soo
dhisay dalka Djabouti iyadoo heysata taageerada beesha caalamka maadaama
la siiyay mandate 2 sano oo keliya ah in ay dalka ku gaarsiiso
doorashooyin xor ah!
Cumar Xaashi Aadan oo Ceydiid shirka u matalayey (maadaama Ceydiid
shirka uga baaqsaday calool-xanuun) ayaa lagu gacansayray ka dib markii
uu heshiikii soo saxiixay. Markii uu Cumar Xaashi ku soo laabtay
Muqdisho ayuu bilaabay in uu idaacadaha ka qeyla-dhaamiyo
“Walaalayaal, waa 2 sano oo keliya. Aan yeelano samir iyo dulqaad.
shirka hala taageero, qarankana hala badbaadiyo”.
Cumar Xaashi intii karaankiisa ahaa wuu dadaalay. Laakiin, lama
garan. Dhegna jalaq looma siin.
Codsigii Cabdullaahi Yuusuf ee Gurigii Nabadda
Gen. Ceydiid iyo Col. Cabdullaahi Yuusuf oo sanooyin badan col ahaa
ayaa miiskii alwaaxa ahaa ee gurigii nabadda wada-fadhiistay. Muddo
markii la wada fadhiyay waxaa la isku mari-waayay: Cabdullaahi Yuusuf oo
raba Ra’iisul-Wasaarenimo iyo Ceydiid oo diiddan in axdigii saddex
geesoodka ahaa la jebiyo (Ceydiid, Cumar Jees iyo Cabdiraxmaan Tuur)!.
Bal fiiri balaayada ummaddan heysata. Dadku waxay garan waayeey in SNM
aysan markaan u baahneyn ra’isul wasaare kol haddii ay gooni u goosatay.
Allah u naxariistee Tuurna shaqsi yahay ee sidaas Cabdullaahi Yuusuf
codsigiisa looga yeelo, lagana dhigo ra’isul wasaare. Tuurna wasiir laga
dhigo. Laakiin, leysma maqal, leymana fahmin.
Qudbaddii Salaadda Ciidda ee Cabdulqaasim Salaad Xasan
Sida ay ila tahay, Soomaali weligeed sooma marin shir ka wacan
shirkii Carte. Mahadi ha ka gaadhee walaalkeen Ismaaciil Cumar Geele
ayaa u istaagay inuu Soomaali isku keeno. Waxaa shirkii lagu doorday
Mudane Cabdulqaasim Salaad Xasan. Dowladdii Carte waxa uu Ilaahey sabab
uga dhigay in Soomaalidu nacdo dagaal oogayaasha, ka baxdo dagaaladii
qabaa’ilka, baraarujisay nabadda qiimaheeda.
Cabdiqaasim oo ah madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay, uguna
danbeeyay ee meel fagaare ah ku tujiya maalin Ciid ah kumanaan kun oo
ruux ayaa waxa uu dadka faray in la adeeco dowladdiisa, la adkeeyo
nabadda, laga soo haro qabqablayaasha. Ha yeeshee nasiib darro waa la
sii dhego cuslaaday.
Cadaalladdii Maxkamadaha
Inkaarka ummaddan heysta waxa uu soo degdegay markii nasrigii
Maxaakimta Alle keenay. Shiiq Shariif xikmadiisii iyo isku keenistii
qeybaha bulshada oo uu hormuud ka ahaa oo aan weli xasuusto habeen uu
afur u sameeyay odayaal ka socday beelaha la liido. Wuxuu Shariifku nagu
booriyay in laga tago dhaqanka xun ee aan Islaamka raadka ku laheyn.
Gacmaha leys qabsato. Hantida leyku celiyo. Xalay dhalay la wada noqdo.
Laakiin, mar walba dadka waxbaa si ka ahaa.
Hadda iyo Nabadda Shiiq Shariif
Sida la wada ogsoon yahay Shiiq Shariif waa nin si isku mid ah
shacabka Soomaaliyeed u jeclaadeen hogaankiisa xilligii maxkamadaha. Waa
nin culumo ah, aqoon maadiyana leh. Shiiqu waxaa loo doortay gudoomiyaha
isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed. Hogaamiyuhuna waa go’aan-gaare
(decision maker). Hogaamiyuhu wuu guuleysan karaa ama guuldareysan
karaa. Shardi ma aha in go’aanka hogaamiyuhu mar walba sax ahaado.
Hogaamiyana laguma doorto sida aan rabo wax u samee, ee waa la aaminaa,
lagu kalsoonaadaa, lala taliyaa, wakhtina la siiyaa. Haddii kale,
hogaamiyuhu waxa uu noqdaa magac-u-yaal.
Sidaan la wada soconno Shiiq Shariif waxa uu heshiis la galay beesha
caalamka kaasoo qeexaya in ciidamada Itoobiya laga saaro dalkeena.
Inkastoo heshiisku daciif yahay misna waa bilow fiican. Marka
su’aasheydu waxay tahay maxaa Shiiqa loo maqli la’ yahay, oo loo aamini
la’ yahay? Ma waxay kula tahay in Shiiqu isbedellay oo uu iibsanayo
qadiyadda dadka iyo dalka?
Waxay aniga ila tahay, in ay tani tahay “Fursad Dahabi” ah ee mudan
in laga faa’iideysto. Haddii wax walba “Maya” la yiraahdo, waa yaabe
sidee lagu ogaan doonaa waxa jira iyo waxaan jirin?
Arrinku waa labo mid:
Shiiqu wuu guuleysan ama shiiqu wuu guuldareysan.
Hadduu shiiqu guuleysto waa nabad iyo caano.
Haddii shiiqu guuldareysto, waxaan uga fadhinnaa in uu Asmara noogu
yimaado.
Wabillaahi Tawfiiq
Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim
abdulkadirke@yahoo.com