Munaasabad loogu mahad-naqayay Surwal Family oo ka dhacday dugsiga Gargaar
ee Borama. +SAWIRO
Sawirada Halkan ka daawo....
Munaasabad balaaran ayaa maanta ka dhacday xarunta dusgiga Gargaar ee magaalada
Boorama.
Munaasabadaan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan, Wakiilka Surwal
Family Mukhtaar Xuseen Meegane, Macalimiin, Maamulka dugsiga Gargaar, Waalidiin
iyo Arday tira badan.
Ugu horeyn waxaa ka hadashay Ardayad Deeqa Xuseen Kaahin oo dhigata Fasalka
Lixaad, waxeyna u mahadceliyay Surwal Family oo u suurta galisay inay Waxbarasho
lacag la’aan helaan, waxeyna Alle ugu bariday inuu ka ajir siiyo.
Waxaa sidoo kale Arday lagu magacaabo Mukhtaar Xuseen Cabdilaahi oo ku hadlayay
magacaga Ardayda, waxuu sheegay inay aad ugu mahad-naqayaan Surwal Family oo uu
sheegay inay suurta galisay iyagoo aan heli laheyn waxbarasho inay u suurta
galisay waxbarasho lacag la’aani ah, waxuuna sheegay in si wanaagsan wax lagu
baro.
Maamulaha dugsiga ayaa sheegay in dugsigaan la aasaasay 2003, isla markaana guri
kiro ah lagu bilaabay, isagoo sheegay in ujeedada lagu aasaasay dugsiga uu ahaa
sidii dadka danyarta ah gaar ahaan agoonta ay u heli lahaayeen Waxbarasho.
Maamulaha waxuu sheegay inay muddo kadib suurta gashay in dugsigaan helo jago
banaan iyo dhismahaan dugsiga Gargaar, waxuuna sheegay in 5 Fasal uu yahay 1
Xafiis iyo 1 Store ah, 4 Mushqulood oo laba gabdhaha leeyihiin labana wiilasha
leeyihiin.
Maamulaha waxuu sidoo kale xusay in 358 Arday ay dhigtaa Wiilasha 184 halka
gabdhaha iskuulka dhigtana tiradooda tahay 174 gabdhood, waxaana la dhigtaa laba
shifti oo ah galinta hore iyo galinka dambe waxuuna sheegay galinka hore
dhigtaan 226 arday halka galinka dambena ay dhigtaan 132 arday.
Maamulaha waxuu sidoo kale sheegay in tirade macaliminta yihiin 7 Macalin laba
hablood iyo 5 rag ah, waxuuna u mahadceliyay Surwal Family oo u suurta galisay
tirada intaan la ag ay si bilaasha ay iskuulka ku dhigtaan isla markaana
macalimiinta iyo qarashka iskuulka ay bixiso.
Waxaa sidoo kale hadlay Wakiilka Hay’ada Surwal Family Mudane Mukhtaar Xuseen
Meegani waxuuna sheegay in sannadkii 1998 mar uu yimid dalka uu ku fakiray dugsi
noocaan oo kale ah in la dhiso isla markaana markii uu laabtay fikirkaasi
bandhigay kadibna lagu guuleystay dhismaha iskuulka.
Mukhtaar waxuu sheegay in laba qol oo kaliya iskuulka lagu bilaabay hadana la
arko heerka uu marayo, waxuuna sheegay inay wali Surwal Family dhisi doonto
iskuulka oo dhinac walba ka taageeri doonto ardayda dhigta ee agoonta iyo kuwa
danyarta ah iskugu jia.
Munaasabadaan waxaa sidoo kale ka hadlay Waalidiin, Macalimiinta, Arday,
Odoyaasha deegaanka, Guddiga Iskuulka iyo dad kala duwan.
Daahir Axmed Jirde
Borama – Somaliland
Xubnaha Ururka ARNA oo ammaanay dadaalka Prof. Xasan Cismaan Cali.
Xubnaha Ururka Awdal Roads Network Association “ARNA” ayaa amaan balaaran u
jeediyeen Prof. Xasab Cismaan Cali oo ku nool dalka Saudi Arabi.
Guddoomiyaha ARNA C/qaadir Aadan
Nuur oo Saxaafada kula hadlay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal ayaa
sheegay inay aad ugu dhacsan yihiin oo ay ammaanayaan dadaalka uu wado Prof.
Xasan Cismaan Cali oo kamid ah ragii aasaasay Jaamacada CAMUUD.
Guddoomiyaha Ururka ARNA C/qaadir Aadan Nuur waxuu sheegay in dhaqaale badan uu
Professor-ka Soomaalida ku dhaqan dalka Saudi Arabia si wax loogu qabto wadada
isku xirta Dilla iyo Borama iyo guud ahaan waddooyinka gobolada SALAL iyo AWDAL
oo ururkaan u dhisan inuu dhiso.
Guddoomiyaha waxuu sheegay in Professor-ka dhexda marada ugu xirtay sidii kaalin
weyn ugu qaadan lahaa dhismaha waddooyinka ee ARNA howlaheeda wado, waxuuna
sheegay inuu kamid yahay xubnaha ururka ARNA.
“Aad baan ugu faraxsanahay dadaalka xoogan ee uu wado walaalkeen Prof. Xasan
Cismaan Cali oo Saudi Arabia ku nool, iminka waxuu wadaa howlo balaaran oo uu
dhaqaale badan ku aruurinaayo isagoo dadweynaha ku baraarujinaya sidii
waddooyinka u dhisan lahaayeen dadka iyagoo aan Hay’ada iyo Dowlado shisheeye
wax ka sugin” ayuu yiri C/qaadir Aadan.
Prof. Xasan Cismaan Cali waxuu kamid yahay aqoonyahana aadka loogu jecelyahay
gobalka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama iyadoo dhawaan markii uu soo gaaray
Borama soo dhaweyn heer wanaagsan loogu sameeyay taasoo laga dareemayay guud
ahaan magaalada.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2008 |