Ururka gargaar foundation oo gargaar lacageed soo gaarsiiyey caruurtii ay
ka geeriyoodeen haweenkii nadaafada ee gobolka banadir.
Uruurka gargaar foundation oo saldhigiisu yahey dalka English ka ayaa kaalmo
lacageed oo gaaraysa 300$ waxaa soo gaarsiiyey qaar ka mid ah ah gabdhaha
jaaliyada soomaaliyeed ee kunool dalka engilsh ka taasoo ay is ka soo aruuriyey
muxsiniin gabdho somaliyeed ah waxaa ayna soo wakisheen Faadumo Cabdi Cismaan oo
ah gobar aad iyo aad howl kar ugu ah howlaha taakulaynta dadka dhibaateysan.
Axmed Cabdi Cismaan ayaa sheegay in ay marwalba diyaar ula yihiin dadka
dhibateysan deeqo sidaan oo kale ah in ay la garab joogaan ama ay lagarab is
taagaan waxaana manta ka faa iidaystey deeqdii la soo garsiiyey eheladii iyo
caruurtii ay ka geeriyodeen 13 haween ah oo ku geeriyoodey qaraxii kadhacey
wadada maka al mikarama 3/ 8 2008

Xaawo Maaxi Maxamuud
Kalmadaan maanta oo gaaraysay $300 ayaa waxaa loo wakiishay in uu meel mariyo
Muuse Maxauud Jiisow oo isagu gacantiisa ugu geeyey eheladii iyo carurtii 13 kii
qoys ay ka ageeriyodeen haweenkii nadafada
Cumar Adan Maxamed oo ka mad ahaa dadkii ay ka geeriyodeen 13kii marxuum kana
tirsanaa haweenka nadaafada gobolka banadir ee qaruxu ku qabsaday wadad maka
almukaraha xili ay ku gudajiren howlo nadaafadeed ayaa ka mahadceliyey kaalmadii
maanta la gaarsiyey wuxuuna ugu duceeyey dhamaan gabdhihii iska soo uruuriyey in
bedelkeeda oo kheyr ah siiyo miisaanka qiyaamo alaha ugu kabo ayuu si raciyey
Cumar oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri waxaan ka socdaa caruurtii uu ka
geeriyoday Xasan Maxamed Daauud oo ka mid noqday 13 qof oo ku geeriyotay
qaraxaasi
Sida ay sheegeen Haweenkii qaraxa wax ku noqday oo dhamaa 52 waxay ku shaqeyn
jireen si ah shaqo raashin ku bedelasho waxaana la siin jiray bishiiba mar. laba
kiish oo masago ah iyo caag saliid caday 4 litir qaad ah oo ay ku abaal qabeen
taasoo ay ku cadeeyeen kolkii shaqada lag ajojiyey in ay sameeyeen banaabaxyo ay
ku dalbanayaan in shaqadii dib loogu bilaabo waxayna sii raciyeen intii aan gajo
u dhiman laheyn aan qarax u dhimano ,

Marwo xaawo maaxi Maxamuud oo
ka tirsan ururka Somali Woman Agenda (SWA ) SWA, waxa hoosyimaada oo ay kulmisaa
ururada kala ah IIDA,FATXA,SWEA KALSAN,INXA,KAWO, BUURFUULE, ISMAACIIL JIMCAALE,
SSWC, HINNA,iyo DELFIA iyo kuwo kale oo dhamaantood ka dhisan magaaladda
Muqdisho ayaa ka mid aheyd dadkii munasibada maanta ,
kaalmada lagu gudoonsiinayey ehelada 13ka haween iyo caruurtii ay ka
geeriyoodeen ka hadlay iayada oo ka warbixisay xaladaha ay soo mareen ,dhibka
heysta iyo wixii ay u qabteen iyada ugu horeyntii uga mahadcelisay dhamaan intii
gacanta bini aadanimo ka geysatay arintaan umadaan dhibaataysnaa ee taariikhada
foosha xun ay ku dhacaday waxayna tiri dadaalkiinii ajar iyo xasano alaha adinka
siiyo ,
3/ 8 2008 Waxaa dalka ka dhacaday dhacdo aan lagu aqoon oo aan horey gudaha
somaliya lagu arkin waxaana wax ka soo gareen 52 qof 3 sadax rag ah iyo 49
haween ah waxaana geeriyooday 12 haween ah iyo hal nin oo ka waday wadada maka
mukarama howlo nadaafadeed ,
Howlahaan nadafadeed ayaa waxaa iska kaashaday Hayadda WFP iyo iida waxaana la
siin jiray qofkii bishii laba loor oo masago ah iyo 4 litir saliid caday ah
waxayna aheyd mid ay aad ugu faraxsanaayeen una so dheelman jireen waxayna ka
dadaal badnaayen shaqaalaha caadiga ah xaga shaqada waa ku dhiiranaayeen waana
ku kalsoonaayeen ayey tiri Xaawo Maaxi ka hadlaysay munaasibada maanta oo ka
dhacday Magaalada MUqdisho xaafada kaaraan,
Dadkaan ayaa waqti badan waxaa soo heysay shaqo la.aan iyo wax soo saarka
beeraha oo aan jirin waxayna u badnaayeen haween ay caruuri ku ooyayaan oo aan
heysan cid dibada ka soo dhibto biilkooda
Marwo xaawo maaxi Maxamuud”waxaan leeyahay haweenka somaiyeed iyo dhaman
bulshada caalamka ee ugu soo deeqday laga bilaabo maalintii ugu horeysay ee
ururka Somali Woman Agenda (SWA ) oo ka kooban ila 15 urur iyo hayadda WP waxay
go.aan midaysan ka qaateen wax u qabasahda haweenkii wax ku noqday howlaha
nadaafada waxaana ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaatan wax u qabashada intii ka
hartey haweenkii iyo caruurtoodaii oo aan heysan wax ay ku noolaadaan waxayna u
badnaayeen haweenkaasi kuwo ka so jeedo qeysas sabool ah oo aan waxba heysan ,
Ma aha markii ugu horeysay ee ururka gargaar foundation uu deeq sidaan oo kale
ah soo garsiiyo dadka muqdisho ku dhibaateysay waxaana jirtay in uu gobo kale
gacan bini aadanimo ka geystay deeqo kale duwan ka qeybiyey gudaha iyo daafaha
Magaalada Muqdisho ee gobolka banadir
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2008 |