SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 September 2008.

John Homes oo Itoobiya ka dalbay inay xayiraada ka dayso
Kulan hawleed ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe ee gudaha
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynahay

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Guulaha Ramadaanka)

======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga


Toddobaadkii hore dagaallo dhawr ah oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 100 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 39 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxau u dheceen sidatan;

01/09/08 meesha lagu agacaabo Ganta-yarka, oo Birqod ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

31/08/08 meesha lagu magacaabo Gadh-balaayo waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay 1 Baabuur oo Uuraal ah oo ay saarnaayeen in ka badan 70 askari, kuwaasoo gurmad ugu socday dagaal xilligaas ka socday Bafayowga-haadaanta, kaasoo lagaga dilay 6 askari, 10 kalana lagaga dhaawacay. Askartii Baabuurkan saarnayd oo dhan waxba kama bixin.

28/08/08 Aloosane, oo Fiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/08/08 Karinka-afyare, oo Sagag ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/08/08 dagaal ka dhacay Duud-qofol, oo Sagag ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 16 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynahay


Ciidammada gumaysiga ayaa waxyellooyin kala duwan, oo dil iyo xidhay isugu jira, u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasi waxay u dhaceen sidatan;

21/08/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Gaagaale Sh Cilmi.

02/09/08 Ceel-dhiig, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Ibraahim Rashiid iyo
2- Saynaba Ibraahim Rashiid.

27/08/08 Anaane waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidhen dadka kala ah;
1- Maxamed Cabdi Khaliif
2- Xasan Axmed Nuur
3- Celiye Aw Xasan Mahdi iyo dad kale oo magacyadooda aanaan haynin.

24/08/08 magaalada Sagag waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab ah oo aan magacyadooda a helnay;
1- C/fataax Faarax Cilin
2- Bile Alaaki iyo gabadh uu dhalay oo Xamdi lagu magacaabo
3- Hinda Axmed iyo
4- Qureesh oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin.
Kulan hawleed ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe ee gudaha

Intii u dhaxaysay 02 – 04/09/08 waxaa kulan hawleed isugu yimid xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO ee dalka gudihiisa ka hawlgal, waxaana kulankaas lagaga hadlay qodobbo badan oo ku saabsan dardar galinta halganka iyo qiimaynta xaaladda guud ee Ogaadeenya iyo gobolka Geeska Afrika.

Xubnaha Golaha Dhexe waxay si aad ah u rogrogeen arrimaha ka jira dalka Ogaadeenya iyo raadka ay la leeyihiin halganka, waxayna isla qireen in gumaysigu uu ku guuldarraystay qorshayaashiisii ahaa waxayeellaynta halganka, taasoo ku timid dadaalka iyo kartida CWXO iyo adkaysiga uu muujiyay dadwaynaha Ogaadeenya oo u liici waayay xasuuqa iyo dhibaatooyinka kale ee gumaysigu ku hayay muddada sannadka ka badan.

Xubnuhu waxay sidoo kale isla qireen in gumaysiga Itoobiya uu ku fashilan yahay guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, iyagoo isla tilmaamay in Itoobiya ay ku fashilantay siyaasadii ay ka lahayd dalka Soomaaliya, isla markaana ay ku jirto xaalad ayna sinaba ku samata-bixi karin, jabka haystana uu isku si u saamaynayo haddii ay Soomaliya ka soo baxdi iyo haddii ay sii jirto labadaba.

Xubnaha Golaha Dhexe ee guduhu waxay bogaadin aad u sarraysa u direen CWXO ee geesiyiinta ah oo karti u yeeshay inay gumaysiga sutida u dhigaan oo ku fashiliyaan dhammaanba qorshayaashii uu Ogaadeenya la damacsanaa. Waxay bogaadin middaas la mid ah u direen shacbiga Ogaadeenya oo karti dheeraad ah muujiyay, isla markaana ku adkaystay doonitaankiisii ahaa diidmada reeryada gumaysiga.

Xubnuhu waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay gargaar degdeg ah la soo gaadhaan dadwaynaha tabaalaysan ee Abaaruhu ku waxyeelleeyeen Ogaadeenya, isla markaana ay gumaysatada Itoobiya ku qasbaan inay fasaxdo hay’adaha samafalka ahi inay six or ah uga hawgalaan gobollada Ogaadeenya oo dhan.

John Homes oo Itoobiya ka dalbay inay xayiraada ka dayso


Madaxa Xafiiska Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay John Holmes ayaa badhtamihii toddobaadkan xukuumada gumaysatada Itoobiya ka dalbayl inay hay’adaha samafalka u oggolaato inay six or ah uga hawlgalaan Ogaadeenya oo dhan.

John Holmes wuxuu sheegay inay jiraan meelo badan oo Ogaadeenya ka mid ah oo aan hay’adaha samafalka loo oggolayn inay ka hawlgalaan, wuxuuna tilmaamay inuu xukuumadda Meles Zenawi ku cadaadiyay inay qaado xayiraada ay hay’adaha samafalka ku hayso.

“Waxaan u baahanahay in naloo oggolaado inaan six or ah u shaqayno, oo aan u soo qiimayno xaaladda, isla markaana awood u yeelano inaan six or ah u faafino warbixinaha aan gayigaas ka soo ururino, sidaas waxaa yidhi John Holmes, oo dhawaan booqday meelo Ogaadenya ka mid ah.


Wuxuu kaloo sheegay inuu Xukuumadda Meles kala hadlay ku tumashada xuquuqda aadanaha iyo dhibaatooyinka la sheegaya in ciidammadiisu ay u gaystaan dadwaynaha rayadka ah iyo xayiraada dhinaca dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga ah ee xukuumaddiisu ku hayso Ogaadeenya.

Dalka Ogaadeenya waxaa hadda ka jirta Abaar aad u ba’an, waxaana dhibaatooyin aad u qallafasani la soo darseen dadka iyo duunyada labada, iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay sheegeen in ugu yaraan 2 milyan oo qof ay geeri qarka u saran yihiin haddii aan gargaar degdeg ah lala gaadhin.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa hadda sii adkaysay xayiraadii ay Ogaadeenya ku haysay, iyadoo tallaabadaas ku beegtay xilligan oo gobollada Ogaadeenya oo dhan ay ka jirto biyo iyo baad la’aan aad u daran, ilaa iyo haddana ma muuqato in beesha caalamku ay si dhab ah Itoobiya ugu cadaadinayso inay joojiso xasuuqa wadarta ah ee ay ku gumaadayso dadwaynaha Ogaadeenya.

06 September 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 7, 2008

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS