SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

TAYAYNTA NABADDA IYO TAABAGELLINTA DIMUQRAADIYADDA PUNTLAND

Waxaan doonaynaa Isbadal siyaasadeed oo si nabadgalyo ku jirto uga dhaca Puntland….Waxaan doonaynaa inaan ka qaybqaadano badbaadinta dalkeena iyo dadkeena….Waxaan doonaynaa inaan ka qaybgalno maamulka dalkeena oo talada wax ku yeelano…dagaal iyo xaalad abuur dooni mayno..qabiil dooni mayno...Codka Bulshada Rayidka ah ee gobolka Bari, gaar ahaan Bosaso!

Maalintii Isniinta ee ay taariikhdu ahayd 01/09/2008, isla markaasna ku aadanayd bilowgii bisha barakaysan ee Ramadan ayaa waxaa aqoon is weydaarsi lagu qabtay Hotel Ponorama ee magaalada Bosaso. Aqoon isweydaarsigan oo loogu magacdaray “Tayanta Nabadda Iyo Taabagellinta Dimuqraadiyadda” ayaa waxaa soo agaasimay ururka wadaniga ah ee PEEDO (Peace Education and Development Ogansization). Waxaana ka soo qaybgalay aqoon isweydaarsigaas in ka badan 70 xubnood oo ka kala socday Bulshada Rayidka ah (Civil society) ee ee ku dhaqan magaalada Bosaaso, kuwaasoo ayaguna ku hadlayey codka in ka badan 90,000 oo qof oo hoos yimaada ururadaas. Ka qaybgalayaashii aqoon iswaydaarsigaas waxay matalayeen:

  • Guddomiyaasha iyo ku xigeenadoona ee 14ka Xaafadod ee ay ka kooban tahay Magaalada Bosaso
  • Nabadoonada Gobalaka Bari
  • Culumaudiinta Gobolka
  • Xubno matalayey dhammaan xeryaha qaxootiga magaalada Bosaso
  • Ururka naafada Puntland
  • Ururka Haweenka Gobalaka Bari
  • Hogaamiyayaasha ururada Ardayda Puntland
  • Mamulka machadka PICOM ee Bosaso .

Ugu horeynba waxaa aqoon iswaydaarsiga lagu furay Aayado Qur’aanka kariimka ah waxaana intaas kadib halkaasi hadal xamaasad iyo wadanimo ku dheehan tahay ka soo jeediyey Gudoomiyaha Ururka PEEDO Eng. Mohamed Abdulkadir (Mulah) iyo madaxa mashaariicda Ururka PEEDO Eng. Faysal Abdi Artan. Labada mas’uul ayaa aad ugu dheeraaday Ulajeeda Looga gol leehay aqoon isweydaarsigan waxayna dadweynaha reer Puntland ugu baaqeen in laga shaqeeyo taabagellinta Nabadda iyo waliba in dalka loo horseedo isbadal siyaasad oo nabadgelno iyo cadaalad ku dhisan. Waxay kaloo labadaasi masuul ku adkeeyeen ka soo qaybgalayaashii aqoon isweydaarsigaas in ay si weyn uga faa’iidaystaan isla markaasna ay u gudbiyaan dadweynaha ay matalayaan. Hadaladii Eng. Abulkadir waxaa ka mid ahaa:

Hadafka ka danbeeya aqoon isweydaarsigan waa in dhallinyaradu maanta xaaladda aan ku jirno oo aad u qalafsan inay ka qaataan, doorkoodii muhiimka ahaa ayna ciyaaraan, kaalinkii muhiim ka ahaa ee ay dayaceen. Waa in dhallin yaradu u istaagaan sidii aan dabka maanta Puntland iyo soomalia ka baxaya ay damin karaan. Waa in dhallinyaradu dareento in dalkaan in aan ceelna u qodnayn, cidna u maqaynayn, in ay ka muuqdaan siyaasada dalka, sidii ay kuwii hore (SYL) sameeyeen isla markaasna wax ka badalaan wacyiga uu dalku ku sugan yahay. Waa in dhallinyaradu dareemaan in dhallinyaradu tahay dowladda dhabta. Waa in aan midayno fikirkeena, codkeena iyo cilmigeena sidii aan dalka uga saari lahayn dhibaatada uu ku jiro isla markaasna ka fakarno sidii aan u midoobi lahayn isla markaasna aan dalka u badbaadin lahayn.Haddii ay kuwii an dalkeena u dhiibnay maamulkiisa ay manta taagan yihiin waxba ma qaban karno, waa in aan anagu la wareegnaa maamulka dalka. Waxaan doonaynaa isbedel siyaasadeed oo ka hirgala dalkeena kaasoo ku dhisan nabadgelyo iyo cadaalad iyo doorooshooyin xor ah.Dhambaalkayagu waa “dhillinyaro soomaaliyeed way dhalatoo waa dhibsadeen dhawaaqa dalkooda”.

Waxaa ayaguna Aqoon isweydaarsiga hadallo qiiro iyo wadanimo ku jirto ka soo jeediyey hogaamiyaasha urarada dumarka oo ay hogaaminaysay Murwo Maryan Guduudoqaar kale. Waxaa kaloo halkaasi shucuurtooda ka muujiyey halkaasi ardayda iyo dhallinyarada gobolka bari iyo waliba Puntland iyo waliba Madaxa ururka Isku Xidhka Dhiliyarada Somaaliya Mudane C/laahi Mahdi (Sayidka). Waxayna xubnahaasi dhammaantood halkaasi ka caddeeyeen sida ay u doonayaan

Isbadal siyaasadeed oo si nabadgalyo iyo dimuqraadiyad ku jirto uga hirgala Puntland iyo waliba sida ay diyaarka ugu yihiin inay qayb libaax ka qaataan badbaadinta dalkeena iyo dadkeena. Waxa goobta aqoon isweydaarsiga goob jog ka ahaa warbaahinta kala duwan ee ka holw gasha degaamada Puntland.

Ma aha aqoon isweydaarsigii ugu Horeeyey ee uu soo agaasimo Ururka wadaniga ah ee Peedo, Waxaana uu Ururka u balanqaaday kazoo qaybgalayaashii aqoon isweydaarsiga in uu u qaban doono aqoon kororsiyo iyo tababaro Caynkaas oo kale ah.

Waxaa soo tebiyey:

farxaan yaasiin mire
isqootax@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 7, 2008

 

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS