SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Suleymaan Colaad Rooble "dadka i aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga keenay karka"

Suleymaan Colaad Rooble oo ah Siyaasi ka soo jeeda Beelaha Jareer weyne oo aan ku kulaney fadhiga Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan ka sheekeysaney qaybo ka mid ah, dhacdooyinkii ugu dambeeyey Gobolada Soomaaliya ka dhacay gaar ahaan magaalada Kismaayo, waxna ka weydiiyey sida uu u arko shekh-siyan dagaalada ka dhacay jubooyinka iyo isbadaladii kala duwanaa ee aysoo martay Magaalada Kismaayo intii uu bur-burka dalka uu ka jiray ayaa wada sheekeysigeenii wuxuu u dhacay sedan:-



S:-Suleymaan bal kawaran (adigaa Jareer weyne ahaaye) waxa ka dhacay Kismaayo?.

J:Beryahaan waxaa dhegeheena maqalkooda ku batey maalmahaan, iyadoo laga hadlaya Magaalada Kismaayo iyo gebi ahaan gobolada jubooyinka, in siyaasiin, horjoogayaal beelo, iyo dad kala duwan ay ku doodayaan wax aan garan waayey, laakiin iila ekaatay doodo ku salaysan beel beel yacni qabaa’il nimo ,fiiri waxa jubooyinka ka dhacaya durba waxaad dareemeysaa quus, yacni sida loo dhaqmo iyo sida aan loogu naxayn dadka aan wax iska dhicin Karin bal waa uun isu muruq-sheegad marba qolo ayaa loo muruq sheegtaa markaasay intay dibadaa istaagto, dib u soo qaabaysaa intay doonta haku qaadatee, way soo noqdaan intaas dad ayaa lagu tuntaa oo la dulmaraa marka la cararayo iyo marka la soo galayo, laakiin sidaa dow maha, Aan isku dayo inaan dib u qooraansado wixii dhacay sanadahii bur-burka, fiiri marba qolo ayaa isasoo maqiiqaysay, iyagoo magac ka dawun kuwa markaa jooga sita. Dadka reer gosha qadyaan ayey ka taagan yihiin waxaas, Waxayna doonayaan inaysan sidaan ku khaatimaysan oo ay si uun dhahaan.

S:-Maxay tahay waxa ay dhahaan mudane?


J:-Annaga, yacni siyaasiyiinta beelaha jareerweyne wax badan ayay dadka u diideen inay u jiheeyaan inay bunduq isticmaalaan si ay wax isaga caabiyaan anagoo ka fakarayna wax aanay qolooyinkaan walaalaheena ah aysan ka fakarin.

S:-Wax inooga sheeg arinkaas?


J:-Runtii haddii aan haa iraahdo waxaad ka warqabtaa Soomaalida qabiil ayay isu dishaa in mudda ahna isu dilaysay laakiin dagaalkii uu jareer ku lugysheego waa ka duwanaanayaa kan manta socdaa ama lagu dhexjiray muddooyinkaan marka annaga waxaan garawsanahay in kaas qatyaan laga taagnaa marka mid ka culusna aysan ummada xanbaari kari sidaa ayaan uga gaabsanaynay laakiin waxaa loo qaatay kuwa aan micno lahaynoo aanba awoodaa lahayn laakiin jareer manta iyo shalayba wuu sameenkari lahaa waxa ay samaynayeen dariskooda.

S:-Waa maxay waxa aad damacsantihiin?


J:-Ee runtii walaal, ma rabo inaan ka hordhaco laakiin inay qaybaha kale ee soomaalida ay haystaan dhulalkooda kuna nabdoon yihiin oo waxa laysku dilaya layskuna gaashaan buuraysanao bari gashoow uu yahay dhul jareer ayaan qirayaa.

S:-Haddiiba sidaa aad aaminsantahay sidee looga gudbi karaa ayaad isleedahay?


J:-Dhageyso digil iyo mirifle ayaa ugu danbeeyay wax gacantooda ku soo noqsada deegaanadooda., dadkoodana ku naaloodaan waxa ay xaqa u leeyihiin inay helaan,adeer iskamana imaan ee duurka ayaa loo galay wiilal badana waa lagu wayay.

S:-Maloo qaadan karaa inaad addigu wax aad kicinayaso xili aan loo baahanayn?


J: Addiga fasiraada ha bixin, aniga waan garwaaqsanahay inuu dalka gumaysi uu ku jiro halgana loogu jira sidii loo xoreyn lahaa, qeyb baanu ka nahay waa waxyaabaha aan doonayno inaan doorkayaga ka qaadano oo nalagu dhaliilayo, nalagu quursanayo bari kamaalina aan filayno inay caqabad nagu noqoto, haddaanan u istaagin waxaa imaankarta in dadka loo istaajiyo inay u istaagaan difaaca diintooda dalkooda iyo karaamadooda.

S:-Mala dhihi karaa waa howl aan waqtigeeda la joogin waxa aad ka hadlayso?


J:-Waxa waaye ma jiraan wax waqtigeeda aan la joogin, waa la joogaa waqtigeeda maantana waxaan kuu sheegayaa dadka reer jareer meelkastoo ay joogaa wacyigooda waa ka duwanyahay kii hore tusaalle maalin dhaweyd waxaan qad isgaarsiin kaga qayb galay kulan ka dhacay manisooto oo cara maraykan ah waxaa halkaa fadhiyay dad aad u tira badan waxay ka arin sanaayeen side suuratagal ah ee arinkaan looga gudbi karaa runtiiana waxbaan mel isla dhignay waana lagu dhaqaaqayaa haddii Eebe idmo.

S:-Waa maxay waxa lagu dhaqaaqayo?

J:-Dadkaas aad ayay u qiiraysnaayeen waxayna ii sheegeen in tirikoob ahaan ay maraykanka iyo kanada ay ku nooshahay 50 kun qoos oo reerahaa ah aniga waxaan ku iri qooskiiba ha iibiyo hal qore Ak 47 ah waayna qaateen waxayna isu saareen guddiyo ka shaqeeya arinkaa oo gaarsiiya yurub iyo khaliijka.

S:- Mala oran karaa waxaad u soo tafa xeedanaysaan inaad ummadaas hadda nabada u degan dagaal gelisaan iyo qax?

J:-Wallaahi anaga wax badan ayaan ka warwareeganay horeyna waan kuugu sheegay jareerta ayaa ku maahmaahda ku qabsatay iyo qadar alle waa qeebsadaa marka waxaa nagu qasbaya waxa nahaysta ayaa xun waxa aad ka hadlayso.

S:-Ugu danbeyn maxaad u soo jeedinaysaa dadka ku aqrisanaya?


J:-Waxaan leeyahay dadka I aqrisanaya ha ila yaabina waxa aan sheegay waxaa iiga keenay karka .

dhamaad

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 5, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS