SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

GUMAADKA SOKEEYAHA RAGBAA GEES BACIID U LEH!

Inta la ogyahay tiro lixdan ruux kor u dhaaftay ayaa ku nafwaayay dagaalo ba’an oo ka dhacay magaalada Kismaayo todobaadkii la soo dhaafay (20-22/08/2008) tiro kale oo boqolaal gaaraysana  wey ku dhaawacmeen iyadoo ay intaa dheertahay kumanaan dad ah oo ka barakacay magaalada. Dhibaatadaasna inta badan waxay soo gaartay dadkii rayidka ahaa ee magaalada ku noolaa.

Kismaayo waxay aheyd magaalada kaliya ee koofurt Soomaaliya ee ka badbaaday dagaalada Xabashida ay ku burburiyeen dalka, islamarkaana aysan ka jirin maamul si toos ah ugu xiran Xabashida iyo Dowaladan KMG. Inkastoo uu ka jiray maamul uu awood muuqata ku lahaa mid ka mid ah dagaal ogayaasha lagu xasuusto dilka, dhaca iyo bililiqada hantida ummada iyo ku xadgudabka shacabka. Wuxuuna safka hore kaga jiraa liiska xubno dhowr ah oo taariikhda Soomaalida kaga jiro baal mugdi ah, maalin maalmaha ka mid ahna la horkeeni doono cadaalada. Balse waxaa xusid mudan in magaalada xiligaas aysan ka jirin colaad ka taagneyd iyo cadaw fariisin ka dhigtay.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaa lagu hoobtay waxaa guul iyo nasri Alle ku tilmaamay kooxda Al-shabaab oo sheegatay in ay Kismaayo gacanta ku dhigeen, waxaase markiiba sheegashadaas guusha ka daba yimid Yusuf Indhacade oo ku dooday in duulaankaas ay u dhamaayeen ilaa iyo sadax kooxood oo kala ah Al-itixaad, Maxkamadaha (Indhacade) iyo Al-shabaab oo aysan cid si gaar ah u sheegan karin!! Waxaa sidoo kale barakeeyay shaacana ka qaaday in la huri waayay wixii ka dhacay Kismaayo Sh. Xasan Daahir iyo Sh Cumar Iimaan oo ku sugan saldhigooda Asmara islamarkaana  aad u yareeyeen dhibaatada ka dhacday magaalada inkastoo Xoghayaha Xuquuqul Insaanka iyo Baarista Dembiyada Dagaalka ee kooxda Asmara uu ku tilmaamay xaalada Kismaayo mid uur kutaalo ah una baahan in dadka lala soo gaaro gargaar deg deg ah.

Dhacdadaan ayaa ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ku noqdotay naxdin iyo fajiciso, waxaa la garan waayay si loo macneeyo colaadan sokeeye iyo sababta loo abaabulay waqtigan iyo dabka lagu shiday magaaladan nabdoon ee looga mirodhalin waayay dadaaladii nabadeynta iyo wadahadaladii u socday labada dhinac. Iyadoo ummadu maskaxda ku hayso xaalada adag ee uu wadanku marayo iyo gumaadka iyo gowraca joogtada ah ee gumaysiga Xabashida ku wado shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan cusub ayaa u muuqdo mid ujeedo badan ah, waxaana loo micnayn karaa bilow koox cusub oo mudaba la filayay in si dhaqso ah isugu biiraan kuwaas oo ah Al-shabaab iyo Kooxda Al-itaxaad ee Asmara si ay u abuuraan xoogag hor leh, maadaama ay soo foodsaartay cabsi weyn oo ka dhalatay fashilkooda xagga siyaasada iyo isbadalka muuqada ee xaalada dalka, waxaana meharka iyo caqdigan dhaxmaraya labada koox Sheekh ka ah Yusuf Indhacade oo soo jeediyay in goobta ugu wanaagsan ee gogosha  la dhigayo ay noqoto Kismaayo

Waxaa muuqata in kooxdan iyagoo ka jawaabaya dhaqdhaqaaqyada socda, rabana in ay soo bandhigaan muruqooda ay fuliyeen howshan, waxaase la is weydiiyay ma shacabkoodey u xoog leeyihiin? Mase waayeen cid kaloo cadow u ah oo ay maquuniyaan!!!  Waxaase taa ka sii daran dad Islaanimo iyo diin sheeganaya in ay xalaashaday dhiiga ummada Islaamka ah, oo guryahooda ku dumiyaan.

Waxaa xaqiiqo ah in kooxdan cusub haddii aysan ka waantoobin falalka noocaan ah ay sii murjin doonaan mushkiladda, isla markaana ay u suura galinayaan cadowga in uu helo waqti uu ku sii naf dheeraysto, iyagoo usii gogol xaaraya sida ay magaalooyin kale ka sameeyeen, in cadawgu gumaado shacabka anan hubaysnayn sidii horayba uga dhacday magaalooyin kale oo ay ka mid tahay B/weyne, taas oo ay u dheertahay inay ka xaluushaan magaalada, isagana dhax baxaan shacabka iyo cadawga ay kusoo hogaamiyeen.

Falalka kooxahaan ayaa waxay salka ku hayaan fikradaha ay aminsan yihiin ee ku salaleysan in awood iyo qoriga caaradiis xukun lagu gaaro. Waxaana taa ku dooday todobaadkii hore Sh. Xasan Dahir Aweys oo uu yiri “Nabad wax lagu gaarayo ma jiraan ee waa inaan dagaalano”. Halka dhinaca Al- Shabaab afhayeenkooda Abu-mansuur yiri: “Anagu dagaalka waan wadeynaa xitaa haddii Itoobiyaanku baxaan ilaa aan dastuurka ka badalno”.

Waxay shacabka Soomaaliyeed aad u soo dhaweeyeen hadalkii Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u Xoreynta Sh. Shariif oo ay ka muuqatay masuuliyad, waxaana laga rajeynayaa Isbahaysiga iyo xoogaga kale ee wadaniyiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed in wax hadal dhaafsiisan ay la yimaadaan oo ah qorshe ay ku dhowri karaan xurmada, sharafta iyo dhiiga qofka Soomaaliga ah, islamarkaana ka saari kara ummada xaaladan cakiran ee ay ku jirto iyaga oo u maraya wado kasta oo xalaal ah.

Haddaba ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon gaar ahaan waxgaradka in ay cambaareyn dusha uga tuuraan falkasta oo waxashnimo oo ka soo horjeeda tacaaliimta diinteena qiimaha badan iyo dhaqankeena suuban oo lagu wax yeelayo shacabkeena, laguna kala dhantaalayo awooda ummada ku howlan iska xoreynta cadowga ku soo duulay loogana mashquulinayo gaaritaanka hadafkaas muqadaska ah.

Ugu dambeyntii waxaan kula talin lahaa kooxdan cusub in ay talo dib isugu noqdaan, Jihaadka iyo xabadana ay kala hortagaan Cadowga Xabashida  ee nagu soo duulay ayna wax ka bartaan wixii ay soo mareen, gaar ahaan Odayaasha howsha horboodaya oo aan filayo inaysan aheyn markii ugu horeysay oo ay magaalooyin ku duulaan xoogna ku qabsadaan. Haddii aad isku aragtaan dad ama duul meel kale laga soo idmay oo aan ummada ka mid aheyn, waxna kala dhaxeyn, oo doonayo inay  xoog ku maamulaan, waxaa hubaal ah in aad ku  fashilmaysaan sidii horeyba u dhacday.

C/qaadir Xaaji Xuseen.
cxxuseen@googlemail.com
ama cxxuseen@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 4, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS