SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Taageeridii Dowlad Goboleedka: Northland State of Somalia

Xaflad si qurux badan loo soo agaaasimay ayaa ka dhacday gobolka Ohio, magaalada Columbus, halkaas oo ay isugu yimaadeen Soomaalida ka soo jeeda degaamada SOOL, SANAAG, iyo CAYN. Xafladaas oo ay ka soo qayb galaeen aqoonyahano, isimo dhaqameedyo, haween, culimo, arday, fanaaniin, abwaano, iyo dadweyne farabadan oo ka kala yimid gobolada Maraykanka sida: Illinois, Minnesota, California, iyo Boston.

Shirkan ayaa ku saabsanaa in lagu taageero fikir ay soo dhirindhiriyeen aqoonyahano ka soo jeeda degaamada SOOL, SANAAG, iyo CAYN. fikirkaas oo ahaa in la dhiso dowlad goboleed la magac baxday Northland State of Somalia, maamulkaas oo hoos imaan doona Dowlada Federaalka Soomaaliya, kana soo horjeeda in wadanka Soomaaliya la kala gooyo, aamisana in midnimada umada Soomaaliyeed ay tahay muqadas.

Sida uu dhigayo axdiga ama tasduurka Dowlada Federaalka in labo gobol iyo wixii ka badan ay samaysan karaan maamul goboleed ay isku waafaqsan yihiin. Haddaba aqoonyahanadu, iyagoo ka faa’ideysanaya fursadan qaaliga ah ee ay siisay Dowlada Federaalka gobolada wadanka Soomaliya, ayay waxa ay soo diyaariyeen maamul cusub oo la magac baxay Northland State of Somalia, kana kooban sedex gobol hadeer, laakiin mustaqbalka uu ka badan doono: SOOL, SANAAG, iyo CAYN.

Aqoonyahanadan oo ka kala yimid Chicago iyo Minneapolis, ayaa waxa ay soo bandhigeen barnaamijkii oo dhamaystiran iyo sidii caalamka loo gu soo bandhigi lahaa, dhamaan dadkii halkaas isugu yimid ayaa soo dhaweeyey kuna balan qaaday in ay taageero buuxda ku garab istaagayaan. Sidoo kale aqoonyahanadan ayaa ku wareego doona gobalada Maraynkanka iyo Kanada intii aysan tagen wadankii Soomaliya gudihiisa.

Halkan ka daawo sawiradii shirka oo dhan: http://www.insideminnesota.org/images.html
Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 3, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS