SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxda ugu sareyso isbaheysiga dib uxoreynta Soomaaliyeed gaar ahaan garabka jabuuti oo soo gaarey Nairobi

Sawiada Halkan ka daawo...

Gudomiyaha isbaheysiga Sheekh Shariif Sh. Axmed. Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee isbaheysiga Shariif Xasan Sh. Adan iyo wafdi balaaran oo ay hogaamiynayaa ayaa waxa ay galabta kasoo dageen Garoonka diyaaradaha ee Magaaladaan Nairobi ayagoona soo gaaray abaaro 5:40 Hotelka Safari Park ee ku yaalo duledka magaalada Nairobi halkaas ay ku sugnaayen dad faro badan oo diyaar u ahaa soo dhaweynta Masuuliyiintaan.

Waxaana ay isla markiiba ugudbeen labadaan masuul oo uu halkaas ku waheyliyay Pro. Maxamed Cabdi Gaandi oo daqiiqado un kasoo horeyay waxa ayna holka shirarka ee Hotelka Safari Park kula hadlen Dadkii ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Masuuliyintaan.

Shariif hasan sheikh Aadan isaaq oo hadalka bilaabay ayaa waxa uu sheegay in ay nabada ayagu raadinayaan oo aynan kaligodna nabada qaban Karin balse looga baahan yahay dadka soomaalida ah sidi ay xal ku heli lahaayeen, gacmahana isku qabsan lahaayeen ayago isku araktid, iskuna dan ah inkastoo uu sheegay in dadka soomaaliyeed maanta ay og yihiin waxii ay soomaaliya so martay.

Intaas kadib ayadoo uu waqtigu aad ugaabnaa ayaa waxaa halkaas asna ka jeediyay hadalo kooban Gudoomiyaha isbaheysiga dib uxoreynta soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axamed Asagoona mahad celin kadib yiri sidatan: "waad lasocotiin shacabka soomaaliyeed xalada adag ey ku jiraan, dadkii waxey noqden mid qaxay , mid gaajo udhinay iyo mid amin daro ay ku haysato meeshisa, intaas oo dhibato ahba soomaliya bey ka jiraan hadii anan anagu nabadii raadinin anigu ma garanaayo cid raadineyso nabada soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay sh. Shariif asagona codsi udiray dadka soomaaliyeed ayuu yiri "waxey ila tahay masuuliyada dhamaanteen nasaaran in ay tahay sidii nabad loo raadin lahaa dadkana gargaar loogu sameyn lahaa, iyo in dalkii uu xornoqdo waligena waa tii aan ku taameynay waxaan isleeyahay meel wax laga qabto ayey taagan tahay manta xaalada wadanka soomaaliya, waxaan ka codsanayaa shacabka soomaaliyeed iney ugargaaraan dadka dhibaatadsan ee walaalahood ah.

Sidoo kale waxa uu shegay Sheekh in uu jiri dono gudi heer qaran ah oo kashaqeyn doono arimaha gargaarka waxa uuna ku booriyay dadka soomaaliyeed in ay ayagu is gargaaran asagoona tilmaamay, in gargaarkoodu uu dhaqso ugu tagi karo dadka uu dhibku haysto asagona aduunkana ka codsaday in ay dadka soomaaliyeed meel kasto ay joogaan wax gaarsiiyaan.

Ugu danbeyntii Gudomiyah isbaheysiga ayaa waxa uu hogaaminaayay masuliyiin kale
Ayagoona lagu shegay socodkoodaan in uu laxiriiro arimihii nabada.

c/salaan maxamed cali (najax)
Nairobi kenya
najax.moha@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS