SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiyaha G/Nugaal iyo Sh. C/Nuur Faarax oo si kulul uga hadlay Burcad Badeedda...

  • Gudoomiyaha Gobolka Nugaal (Cabdi Xirsi Cali): Musharaxiinta lama soo gali karaan Hubka waaween Magaalada Garoowe.
  • Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ee Dhanka Shacabka (C-Qaadir Nuur Faarax): Burcada Berriga iyo Bada shacabka waa in ay ka hor tagaan waxaa ku jirta Noloshooda.

Shir ay isgu yimadeen Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ee dhanka Shacabka, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Agaasimayaasha Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal, shirkaa ayaa waxaa ay kaga hadleen mas'uuliyiintaa iskugu yimi sidii wax looga qaban lahaa Amniga guud ahaan Gobolka Nugaal aydoo baryanhaan ay culees ka sareen sidii wax looga qaban lahaa Burcada ku soo badanaysa Gobolka Nugaal Gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay ku soo Qabqabteen Dhalinyaro badan oo gali jirtay Wadada waxaana howgaladaa gacanta ku hayaan Gudiga Amniga Gobolka Nugaal oo ay soo xusheen Shacabka Gobolka gacan siiyeen Hay,adahii ku howlanaa Amaanka ay ka tageereen Dhaqaalaha ay u baahan yihiin, Hay,adahaa ayaa waxaa ka mida Boliska, Ciidamada xabsiga iyo Dhanka shacabka oo ay abaabul u sameeyeen si ay ula shaqeeyaan Hay,adaha Amniga ka shaqeynaya, gudigaan ayaa waxa uu shaqeynayey mudo 3 Bilood ah mudadaa ay shaqeynayeen ayaa waxaa laga dareemayaa Amniga Magaalada Garoowe in uu soo hagaagayo.

Shirkaa ka dhacay Xarunta Gobolka oo ku soo aaday xili ay Xabado ka dhacayeen Magaalada Garoowe habeenadaan oo ay ridayaan Dhalinyaro ku hubaysan Qoryaha gacanta lagu qaato oo u dhaca Isdaba jooga kuwaas sida la sheegay ay u badan yihiin burcada badeed.ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo gudoominayay shirka ayaa saxaafada uga warbixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen iyo Go,aamadii ay ka soo sareen.


Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali


burcadii lagu soo Qabtay wadada

Gudoomiyaha ayaa ugu horeentii ka war bixiyay Amniga guud oo uu ku tilmaamay in wax weyn laga qabtay gaar ahaan Burcadii wadooyinka gali jirtay, Gudoomiyaha waxaa kaloo uu ka hadlay sidii loo wajahi lahaa Burcad badeeda Culeeska ku haya Gobolka guud ahaan gaar ahaan Magaalada Garoowe, Gudoomiyaha waxaa kaloo uu kahadlay in ay u sheegayaan oo go,aan ay ka soo sareen Musharaxiinta in ay lasoo galikarin Hubka Magaalada Garoowe oo uu culees badan ka imaan karo xiliga Tartanka Madaxtinimada DGPL oo ay ka hartay mudo gaaban hubkana looga reebi doono Dhanka Bari magaalada Sunijiif, Dhanka Koonfureed Magaalada kalabayr oo ciidamada la gayn doono, Gudoomiyaha ayaa ka warbixiya sida wanaagsan oo ay ula shaqeeyeen Gudiga Amniga oo ay iska soo dhex xuleen Shacabka Gobolka Nugaal ayna Ciidamada u Saxiixeen Nabadoonadu Cidii Dambi samaynaysa oo lagu dilo Howlaha Amniga in aan la,is weydiin.

Waxaa isagana ka hadlay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ah Gudoomiyahay Gudiga Amniga Gobolkq Nugaal ee Dhanka Shacabka oo sheegay in arimaha Burcad badeeda iyo Guud ahaan Dambiyada Burcada in ay ka towbad keenaan kuwa ku jira Xaraanta hadii ay ka kaaftoomi wayaan lagu qaado dambigooda ayna ka hor tagaan fasaadka ay ku hayaan Shacbka si wada jira ay ugu hortagaan Noloshooda ayaa ku jirta oo culumada ay ka sheegeen Masaajidada iyo Goobaha la,isugu yimaado.


Gudoomiyaha Gudiga Amniga Dhanaka Shacabka Sheekh C-Qaadir Nuur Faarax


Garoowe: Muqaalaka Saldhiga iyo Laamiga ka horeeya


Ciidanaka Boliska oo Howgal ku jira


Ciidanaka Boliska oo labisan


Gudoomiayaha Gobolka Nugaal iyo Gudiyadii kale oo Fadhiya

SomaliTalk Garoowe

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS