SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxkamadaha Qaarkood iyo Qanyare oo Shirka Nayroobi Quuddareynaya

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Maxaa sheekh Shariif ula dagaalayey Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere? Maxaa Janaqoow uu Qanyare hubkiisii iyo Dayniile uga cayrsaday? Maxaa Cagoweyne uu hubkii Qeybdiid u qaatay? Maxaa C/Qaadir Cali Cumar ku maagayey Gacmo-dheere? Jawaab uma hayo aan ka ahayn iney rabeen iney bartaan sida xabbadda loo rido lana midnoqdaan dagaaloogayaasha oo kale. Laakiin waxaa la yaab leh markii shirkii Khartuum la tagay ayaa loo ogolaa in dowladda wax laga gasho. Sidoo kale ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheeganaya in mar ay Yemen tageen la yiri qaataa madaxweyne-ku-xigeen, ra’iisulwasaare ku-xigeen iyo guddoomiye baarlamaan-ku-xigeen. Fiicnaan lahaydaa haddey jago doon yihiin iney qaataan iyagoon dal, dad, duunyo iyo agabkii qaranka la burburin. Markaas Cali Cabdalla Saalax baa arritnaas ku baryayey laakiin waxay cadkii mid ka liita ka rabaan labo qof oo sideenoo kale madmadoow oo la soo dirsaday -  Miss Fraser iyo Axamed Walad! Qanyaraha aan cinwaanka ku xusay isaga keliya kuma socdee waxaan ka wadaa dagaaloogayaasha marka waa uun ku hal qabsaday.

Lama yaabbani xukun-jacaylka iyo mabda’-xumada Soomaalida ee waxaa iga yaabbiyey haddeyba Cagaweyne iyo Qeybdiid heshiin karaan, haddii sheekh Shariif iyo Muuse Suudi meel iskugu imaan karaan sidoo kalana Janaqoow iyo Qanyarana miis wada fariisan karaan maxaa diiday in sheekh Xasan Daahir Aweyn iyo sheekh Shariif isa soo horfariistaan? Haddiiba shisheeyaha sida Kenya iyo Maraykan ay kuwa Jibuuti jooga la shirayaan oo la heshiiyeen maxay shacabka iyo Ash-Shabaab iskugu dirayaan? Ash-Shabaab markaan leeyahay waxaan ka wadaa Muqaawamada ka soo horjeeedda shirka Jibuuti.

Qolyaha Jibuuti waxaan ku leeyahay nimaan kuu furidoonin yuusan kuu rarin. Waxaa la-taliyayaal u ah qolo sheegata Islaax. Waxaan xasuusin lahaa iney akhriyaan buug yar oo uu qoray Maxamed Qudub oo ahaa Sayid Qudub walaalkiis. Yaa garan kara qof Islaax ah oo ka aqoon badan Maxamed Qudub? Ama ka badsha xarakada IkhwaanulMuslimiin? Buugaas magaciisa waxaa la dhahaa “As-Saxwatu Al-Islaamiyah”. Boggiisa 106-aad wuxuu sheekhu ku leeyahay:

    Jamhadaha Islaamiga ah ee leh waxaan dhexgaleynaa nidaamyada siyaasadda ee cadowga ku ah Islaamka way ku khasaarayaan cayaartaas diblumaasiyadeed. Waa cadowga waxa wax kasbanaya! Ha ahaato in cadowgu uu nadiifiyo sumcaddiisa uu ku leeyahay shacabka marba hadday jamhaddii Islaamiga ahayd iscaawin ka dhaxeyso ama ay xulufo noqdeen amaba ay shirko ku yihiin amar ka mid ah amuuro. Ama in ay jamhaddu ka soo dhacdo indhaha shacabka ama ay meesha ka baxdo waxii jamhaddu kelida ku ahayd ama uga soocnayd cadowga waa intii aysan wax ku darsan oo ay dagaalka kula jireen oo aysan la qeybsaneyn siyaasadda Jaahiliyadda ee meesha taalay. Markaasna dadku u arkayey iney yihiin kooxda xaqa ku taagan kana saramaray kana sharaf badnaa kana weynaa hannaan-siyaasadeed kasoo haray oo ku dhisnaa nolol-adduunyo-doon sidoo kalana u kala tartamayey oo u kala yaacayey dhaldhalaalka nolosha. Iyadoon siyaasaddaas jaahiliga ah lagu ogeyn akhlaaq iyo iyadoo ka maran macnaha Islaamka iska daa ku hadaaqidda shicaarka Jaahiliga ah (sida hadda jira 4.5 ama Dimuqraadiyad) iyo iyagoo ka jeesasada xukunka Ilaahay. Ilaa hadda lama hayo kooxahaas ducfiga iska dhigay iney awoodeen iney wax ka keeneen dhexgalka ciyaartaas dublamaasiyadeed ee cadowgu dabbaray.

Inkastoo Mufakir Maxamed Qudub uu buuggaas qoray 1986 haddana waxaad isleedahay wuxuu ka qoray qolyaha Jibuuti iyo kuwa Soomaaliya jooga ee ku biiray cadowga Soomaaliyeed. Fiicnaan lahaydaa iney buuggaas isha mariyaan kuwaan horay u akhrin amaba iloobay inteysan Kenya ugu tagin Donald Kipkorir, waa wiilkii Kalinjiinka ahaa ee yiri waa in Soomaaliya la qeybiyaa! Riyadiisii waa u rumoobeysaa marba haddii kuwa Maxkamada sheeganayey ay Kenya kula balansanyihiin C/hi Yuusuf iyo dagaaloogayaashii iyadoo la rabo in lagu diro Muqaawamada kale. Hadday taasi dhacdo soow meesha ma soo galeyso waxa wiilkaas Kalanjiin sheegayo?

Waxaa la sheegaa in nin sheekh ah mar ku soo baxay macallin Qur’aan u akhirnaya wiil oo ku leh:

وإذ قال لقمان لابنه وهو يعظه يا بني لا تقصص رؤياك على إخوتك فيكيدو لك كيدا واكيد كيدا 

Sheekhuu wuxuu macallinkii ku yiri: belaayo kugu dhacdaye wiilkii waxaad isu dhexgelisay aayadihiin! Macallinkii wuxuu yiri haa oo isaba aabbihiis baa bilaha mushaarkooda isku key dhexgesha marka yaanan anna lacag helin; wiilkuna sidoo kale yuusan Qur’aan baran! Nimankan macallimiinta u badan oo Jibuuti iyo cariga ordaya markey madax ahaayeen Jihaad bey ka hadli jireen waana tii qorigu garabka u surnaa marka markey fashilmeen oo la yiri naga taga bey rabaan iney shacabka khaldaan iyagoo leh Qanyare, Qeybdiid, Darwiish iyo C/hi Yuusuf baan wax la qabsaneynaa halka ay ka leeyihiin Muqaawamadu waa xag jir! Miyeysanse qajilin markii dib loo shido cajaladihii laga duubay markey baarqabbeynayeen? Marka waxaan shacabka weydiinayaa wax ay maleegeen Donald Kipkorir iyo wax ku caqli ah, Gabre, Miss Fraser, Axmed Walad, Maxkamadaha qaarkood, C/hi Yuusuf, dagaaloogayaasha oo dhan iyo maamulka Maraykanka miyeysan ahayn wax isku qasan? Mise waa barwaaqo noo soo socota?

Sidii Maxamed Qudub sheegay horay looma arag qolyo sidoodoo kale u hadla oo guul keena bal waxaa taariikdhu na bartay in sida sheekhu sheegay ay ku dambeyndoonaan in cadowguna magac helo; iyaguna dulli ku soo baxaan.

Mararka shirarka ay Miss Fraser iyo Axmed Walad horboodayaan ayna soo dhoweeyeen Aadan-madoowe, Qanyare iyo kuwa Maxkamada sheegta hala arko meeshuu ku dambeeyo. Mid baan hubaa oo ah in aan dagaaloogayaashii wixii la ogaa loo geystay aysan ku samreyn in sheekh Shariif, Cagaweyne, C/Qaadir Cali Cumar, iyo Janaqoow ay booskoodii fariistaan. Waa arrin aan loo fadhin. Sidoo kale Muqaawamada iyo shacabka Soomaaliyeedna ma yeelayo in Gabra iyo wiilal Kenya u dhashay noo soo dejiyaan sidii waddankeenna loo xukumi lahaa, shacabka Soomaaliyeedna la iskugu diri lahaa. Marka qofkii aaminsan in huwantaas oo lagu daray maamulka Maraykanka, Zenawi iyo cadowga kale keenayaan xal Soomaaliyeed waxaan ku leeyahay ma ahidin qoyahaan la hadlayo. Marka waxaan macallimiinta ku leeyahay hana qoninna shimbirtii dabka qaadday.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Sheekh Shariif ma la Ogyahay in Tigreegu Galaan Luuq Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 21, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS