SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gen. Ilkajiir oo mashaariic dhawr ah ka hirgeliyey gobolka Sanaag

Tan iyo bilawgii bisha August, 2008, Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac oo ah musharrax u sharraxan jagada madaxweynaha ee dawlad goboleedlka Puntland, wuxu ku mashquulsanaa sidii uu wax uga qaban lahaa gobolkii uu u dhashay ee Sanaag, gobolkan oo aan haba yaraatee wax maammul ah oo dawli ah ka hawl gelin, ilaa iyo burburkii dawladdii Maxamed Siyaad ee 1991-kii. Waxa keliya ee dadka reer Sanaag ku naalloonayeen waxay ahayd nabadda gobolka oo ahayd mid aad u wanaagsan, taasoo marar badan khalkhal ku yimi ha noqoto ciidammo ku soo duula gobolka, ama falal afduub oo aan hore uga jirin.

Gobolka Sanaag ama mandaqadda Maakhir dawladihii Soomaaliya soo maray wax weyn uma qaban marka loo eego gobollada kale ee dalka. Sidoo kale maammullada Puntland soo maray iskuma ayan hawlin. Lama hora marin ilaha dhaqaalaha ee Sanaag sida beeraha, kalluumaysiga, macdanta, dalxiiska, tamarta oo intaba gobolku ku wanaagsan yahay. Kaabayaasha dhaqaalaha marka laga reebo Wersheddii Kalluunka ee Laasqoray waxba laguma kordhin. Sanaag dhinaca waddooyinku aad bay u liitaan, oo malaha waddo laami ah; gegooyinka diyaaraduhu waa kuwii Ingiriis ka tegey, oo burbursan; waxbarashadu waa halkii uu kacaanku kaga tegey; isbitaalladu waxay ahaayeen kuwa dayacan oo shaqaale la'aan, iyo qalab la'aan u xidhan; ganascsigii xeebuhu aad buu u yaraa sababo saabaan la'aan iyo maammul la'aan awgeed ku salaysan.

Haddaba tan iyo intii Gen. Cabdullahi Ilkajiir tegey gobolka, isbeddel la taaban karo ayuu ka sameeyey. Iyadoo wakhtigii doorashooyinka Puntland soo dhow yihiin, wuxu Jananku go'aansaday bal inuu marka hore guntiga u xidho sidii uu wax uga qaban lahaa meeshii uu ka soo jeeday, ama dadka uu xilka u qaban doono mustaqbalka dhow. Inkastoo xilligu aad u gaaban yahay haddana tan iyo bishii August marna kama uu nasan dardar gelinta mashaariicda horumarinta, maammulka degmooyinka iyo adkaynta ammaanka bad iyo berriba. Muddadan iyada ah wixii qabsoomay sidan soo socota ayaa lagu soo koobi karaa.

1. Amniga

Waxa la sugay ammaanka gobolka: ciidammada gobolka sanaag ayaa la mideeyey ha noqdaan kuwa magac ahaan sheegan jiray inay maammulka Cadda Muuse hoos tagaan, amaba kuwa kale oo maammullo ka baxsan ilaaqaad ka dhexeeyey. Si kasta ha noqotee, waxa lagu guulaystay in ciidammadaas mid laga dhigo, maantana waxay ku jihaysan yihiin wax ka qabashada gobolka oo ay ku ammaanan yihiin. Waxa ka mida hawlaha ciidanku gacanta ku hayo: a) ilaalinta xeebaha gobolka si looga hortago falalka afduubka, budhcadnimada, iyo tahriibinta. b) La dagaallanka xaalufka degaanka iyo baya'da oo laga bilaabay in la joojiyo dhuxulaysiga oo keena dabar go'a dhirta, nabaad guurka degaanka, iyo amni xumo. c) La dagaallanka masiibooyinka sida daadadka, duufaannada badda, iyo cudurrada baaha. d) Bannaynta jidadka iyo daryeelka marinnada ganacsigu maro. e) Ka hortigidda colaadaha iyo difaacidda amniga gobolka. f) Ilaalinta agabka dhismaha dekedda laga hir gelin doono iyo hor tegidda khakhal gelinta ammaanka hawlaha mashruuca.

2. Dhismaha Dekedda

Mashruuca dekedda Laasqoray oo si habsami ah u socda, ayaa lagu hanweyn yahay inuu dhowaan bilowdo. Ciidammo u gaara oo ammaanka dekedda ilaaliya ayaa halkaa lagu diyaariyey. Ciidammadaas waxa ka mida xilalka kale oo ay qaban doonaan sugidda ammaanka guud iyo ka hor tegidda falal dembiyeedka badda.

3. Gaadiidka iyo Waddooyinka

Waxa lagu dhaqaaqay mashruuc dib loogu furayo waddada Geeldoora, taasoo in mudda ah u xidhanay dayac tir la'aan. Hawshan guul weyn ayaa laga gaadhay, waxana ka shaqaynaya illaa 200 oo ciidanka degaanka ka tirsan. Waxa imminka gaadiidka gobolku ka wareegaa waddada xeebta ah, tanoo keenta safar dheer oo ay u galaan magaalooyinka iyo gobollada la deriska ah.

4.Caafimaadka

Waxa lagu guulaystay in dib loo furo isbitaallada Badhan iyo Laasqoray oo muddo aan shaqaynayn. Sidoo kale waxa mashruucan loo qoondeeyey shaqaale tababbaran oo ka hawl geli doona goobaha caafimaadka ee Sanaag. Mashruucani waa mid la gaadhsiin doono dhammaanka gobolka oo dhan.

5. Degaanka iyo Bay'adda

Waxa la sii xoojiyey ciidanka la dagaallanka xaalufka degaanka oo saldhiggiisu yahay magaalada Dhahar. Intii Jananku dalka joogay waxa gacanta lagu soo dhigay dhuxul gaadhaysa dhawr tan, iyo weliba dembiilayaashii gubayey dhulka oo iyagu dhaqan celin hadda u socoto. Barnaamijkan hadafkiisu waa in la helo hab kale oo dadku u karsan karaan cunnada. Waxa mustaqbalka lagu dedaalayaa in la isticmaalo aaladaha tamarta qorraxda (solar energy), iyo kuwa korontada kuwaasoo wax weyn ka tari doona daryeelka degaanka iyo dhirta Sanaag ku caanka ah oo laga badbaado yeelo bahalaha ku mamay ee u iib geeya carabta iyo meelo kaleba. Ciidanku waxay leeyihiin qayb badda ilaalisa oo ka hortagta falalka amniga aan waafaqsanayn sida afduubka, budhcadnimada, iyo tahriibinta. Muddadii hawshani socotey waxa gacanta lagu dhigay doon siddey dad loo tahriibayey Yaman oo ka soo ambabaxday xeebaha gobolka Bari ee Sanaag deriska la ah. Waxa sidoo kale soo afjarmay u hanqal taaggii in lagu afduubo dadka iyo gaadiidka ganacsiga gobolka Sanaag, haba yaraatee.

6. Cashuuraha dawladda hoose

Waxa lagu guulaystay in la hirgeliyo cashuuraha dawladda hoose ee heer gobol. Dadka gobolka cashuurta laga qaado ee maammulka Puntland urursado, waxba dib uguma soo noqon jirin gobolka. Taasi waa la dhammeeyey, isfahan ayaana lagu keenay dedaalkan. Imminka laga bilaabo hal meel ayaa dadku cashuurta ku bixin doonaan, waraaq sharciyaysanna way la tegi doonaan meelaha ay wax ka dhoofsanayaan.

7. Horumarinta Dhaqaalaha

Waxa lagu guulaystay sidoo kale in Bangi laga furo magaalada Badhan, kaasoo kaydin doona dakhliga ka soo xerooda ilaha kala duwan sida xoolaha, beeraha, kalluunka, iyo ganacsida kale.

Gebagebo

Hirgelinta mashaariicdan ayaa waxa saldhig u ah guddiyo maammul oo heerar kala duwan ah oo Jananku sameeyey dhowaan. Waxa la rejeynayo horumarkan la taaban karo ee la gaaray mid la mid ah inuu ka samayn doono gobollada iyo magaalooyinka kale ee Puntaland haddii alle ku guuleeyo xilkaa uu u guntaday inuu qabto ee madaxweynanimada maammul goboleedka Puntland.

Puntlandfuture News Desk

SHIR JARAA’ID OO AY QABTEEN GEN ABDULLAHI AHAMED JAMA [ILKA JIIR] IYO FATIMA JEBRELL.

Badhan:- Gen: Cabdulahi Axmed Jamac [Ilka Jiir] oo ah Musharax u taagan Madaxtinimada Puntland ee dhicidoonta horaanka Sanadka soo socda ee 2009, doorashada ka horna isu Xilqaamay Amniga Gobolka Sanaag. Marwo Fatima Jibrell oo ah Madaxa Hay’dda Horn Relief isla markaana ku Hawlan Dib u Dhiska Dekedda Laasqoray iyo Horumarka Gobolka.

Labada Musuul ayaa siwada jira 4tii October Waxay Shir Jaraa’id Ku qabteen Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, waxayna ka warbixiyeen hawlihii ay wadeen.

Mar’ay ka hadlayeen dhinaca Amniga waxay sheegeen in hada Gobolka Amnigiisu dhamaystiranyahay 100% .

Islamarkaana anay jirin Wax Cabsi ah oo laga qabo Budhcad Badeed iyo Budhcad Beri toona.

Waxay sheegeen Waxyaabihii ugu Muhiim sanaa ee Genaral-Ku wax kaqabadkooda ku dedaaley inay ka mid ahaayeen. Budhcad Badeeda, Dhuxusha iyo Xalufinta Dhulka iyo Abuurista Ciidanka Nabadgelyada.

Fatima Jibrell oo ka warbixinaysey dhinaca horu markaAyaa sheegtay in Hay’adda Horn Relief Dadka Saboolka ah ee Gobolka Sanaag u qaybisay Wiigan Lacag dhan $ 750,000.

Waxay kaloo Fatima Sheegtay inay ku Hawlantahay sidii,ay Raashin ayku Shaqayaan ugu heli lahay Shaqaalaha dhowaan Ka hawl geleya Wadada Geeldoora.

Mar’ay Fatima Kahadleysey Dhismaha dekedda Laasqoray waxay Tiri Meel fiican ayuu marayaa Mashruucii Dekedda Laasqoray Waxase dhib noogeystey Budhcad Badeeda Xeebeheena Saldhiga Ka samaysatay. Taasi waxay baqdin ku abuurtay Kenbeniyadii Ku Tartamayey Dhismaha Dekedda iyo kuwii Balan qaadka dhaqaale hore noo siiyey.

Sidaa awgeed Waxanu Go’aansanay inaanu Qandaraas Hoose Siino Engneero Ajnibi ah oo diyaariya Wixii Dekeddu kudhismi lahayd ,Waxanu Gadnay Qalabkii Lagu Shaqayn lahaa oo aanu Kasoo Gadnay Wadanka Talyaaniga Qalabkaas oo hada yaal Dekedda Jabuuti si dhakhso ahna loo keenayo Laasqoray. Marka uu soo gaadho qalabku laasqoray Shaqadu Horay bay ka bilaabmaysaa.

Markaa kadib Cidkasta oo ka Cabsi qabtey dhinaca Amniga Waxan rejeynayaa inay ku qanci doonaan ,ayna dib u soo celinayaan Gacansiintii dhaqaale iyo Tartankii dhismaha Dekedda.

Ugu Dambayntii Waxay Labada Musuul u Mahad Celiyeen Dadweynaha Reer Sanaag ee Qurbaha Jooga oo Ganta weyn ka geystey Horumarka Wadanka la,aan toodna aan waxba qabsoomeen. Waxayna Markale yiraahdeen Hawlkama daale Weli waa Hogadii. oo Macneheedu yahay inay dedaalkoodii Deeqsinimada lahaa Halkii ka sii wadaan ilaa hawlaha Taagan meel lagu hubsanayo. Si loo sooceliyo kalsoonidii Hay’adaha Caalimiga iyo sumcda Wadanka waa in aynu taageeraa hawsha Amniga iyo Nidaamka.

LaasqorayNET/Badhan

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 19, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.