Sheekh Shariif ma la Ogyahay in Tigreegu Galaan Luuq
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Maxkamadaha Islaamigu waxay sheegeen in labada garab ee Casmara iyo
Jibuuti kala jooga aysan midna u maqneyn. Haddey sidaas tahay yuu sheekh
Shariif Xukumaa? Sida la ogyahay Muqaawamadu waxay ka hadlaan mabda’ ee
ma aha qabiil. Qabiilka waa loo dhashaa oo cid kasta ood ku biirtid kama
baxaysid. Dagaaloogayaashii Hawiye intoodii badneyn waxay taageereen
C/hi Yuusuf 2004-tii halka in yari ay taageertay C/hi Caddoow. Kuwii
C/hi taageeray kama baxayaan Hawiyenimadii ileyn qabiilka waa loo
dhashaaye. Ilaa hadda ma garanayo cidda uu xukumo sheekh Shariif. Hadduu
ku biiray hogaamiye-kooxeedka Hawiye waa la fahmi karaa laakiin ma
garanayo wuxuu ka dheefayo faraqa uu ku xirtay nin ka daran C/hi Yuusuf
– Shariif Xasan! Yaa muran uga jiraa in C/hi Yuusuf dhaamo Shariif
Xasan? Dib u fiiri sidii korneylka ku geeyey Shariif Xasan Cadan, Yemen
isagoo Shariifku markaas la jiray hogaamiye-kooxeedkii Muqdisho.
Markii Tigreegu ka baxay Baladweyn ayaa sheekh Shariif sheegtay in ay
uga baxeen qorshe ay la ogaayeen. Marka wuxuu caddeystay iney jirtay
arrin ka dhaxeysay Tigreega iyo isaga. Su’aashu waxay tahay hadda
sheekhu mala ogyahay in Tigreegu Soomaaliya sida Luuq soo galeen?
Hadduusan la ogayn sabab? Ileyn soo-gelitaanka cadowga ayaa ka khatarsan
bixitaanka cadowgee. Runtii qaar ka mid ah Maxkamaduhu waa beeniyeen
hadalka sheekh Shariif.
Miyesan Maxkamaduhu ogeyn in waxa sheekh Shariif keeno ay mas’uul ka
yihiin ileyn iyagaa inta qol isku xireen sameeyey gole shuuro iyo mid
fuline? Waxaa fidradu na bareysaa in marka guri xoog badan oo dheer
(dhabaq shub ah/mabda’/xarako Islaam) la dhisayo loo baahanyahay aas-aas
adag oo shub ah sidoo kalana la rabo in lagu badiyo tiirar shub ah. Ka
warrama haddii Maxkamaduhu ay hogaankii ka buuxsheen tiirar boocbooc ah
oon horay loo tijaabin iyagoo aasaaskiina ka dhigay ciid? Waa iska caadi
sidii horay loo yiri mar kasta oo dhismuhu kor aadaba in dumistiisu ay
soo dhowaaneyso. Qaar badan oo Jibuuti jooga ayaa ka buuxay golayaashii
Maxkamadaha saasooy tahay weli waa moog yihiin Maxkamaduhu in inta
khaladkaas saxaan ay keenaan hogaamiye fulineed oo metela Maxkamadaha.
Mise lax dhukan abaar moog? Weli isma oran ciidda Soonfureed baa la
ciidayaa iyadoon Maxkamaduhu hogaan sameynsan. Arrintaas golayaashii la
sameeyey ah waxay keentay in shacab badan oo culumo ku jiraan ka
cararaan Maxkamadaha iyagoo qabiil iyo la-tashi la’aan ka urinayey. Inta
aan dacaayadeyn sideyda oo kale waxay xeerisay guushii ay keeneen iyo
iyadoon wax laga sheegi karin maaddaama cadow garaacayey. Marka marba
haddii kuwii Maxkamadaha sheeganayey bilaabeen in Muqaamamadii
burburiyaan sidoo kalana rabaan iney shacabka iska horkeenaan haddee
aamus ma jiro.
Waxaa sida sheekh Shariif Maxkamadaha jaranjaro ka dhigtay odayaal
sheeganaya iney xukumaan Hawiye! Xaggee mabda’ iyo qabiil iska soo
galaan? Odayaashu markii Tigreegii ka guuray Baladweyne oo Maxkamadaha
iyo Muqaawamada kalaba naf iyo maal u hureen in Tigreega la halaago ayaa
odayaashu waxay dhusha ka fuuleen mowjadihii Muqaawamada iyagoo soo
maray dhulka ay Muqaawamadu joogto. Marka su’aashu waxay tahay odayaashu
ma Maxkamadahey ka tirsan yihiin? Qofkii warmooga ahi ha fahmo inaan
Tigreegu dan weyn ka lahayn odayaasha oo waa tii inta qaar xiratay soo
deysay sidoo kalana waxay ka dageen garoonka Gaalkacyo oo kuwa loo
yaqaan koobbi Amxaaro xukumaan. Haddey dan ka leeyihiin waa xiri
lahaayeen. Been maaha iney keeni lahayd isku dhac qabiil laakiin koobbi
Amxaaro waxaas dan kama leh oo iyagoo boqollaal ah ayey Xamar dhib ku
hayaan marka dan kama leh dagaal uga yimaada qolo kale iyagoo dhulkooda
jooga.
Teeda kale odayaasha Hawiye ma aha dad shalay dhashay. Waa la yaqaan
waxay ahaayeen. Marka qofkii C/hi ama qabiil kale la dagaasahan khasab
maaha inuu Maxkamado yahay! Jaamac Cali Jaamac, Jinni Boqor iyo Maxamed
Cabdi Yuusuf waa la dagaalsanyihiin C/hi Yuusuf saasooy tahayna kama
dhigeyso iney Jamhadda Islaamiga, Maxkamadaha ama Ash-Shabaab ka
tirsanyihiin. Waxaan tusaale idiin siinayaa hadal uu yiri mid ka mid ah
odayaasha Hawiye oo xabsi laga soo daayey:
wuxuu yiri mar baa waxaa xabsiga iigu soo galay sarkaal Tigree ah
oo i weydiiyey waxa Soomaalidu isu leyso iyagoo hal qowmiyad ah
halka Itoobiyaanka oo intaas oo qowmiyadood ka koobanba aysan is
laayn? Odeygu wuxuu yiri hadalkaas jawaab waan u waayey!
CUUDIBILLAAHIYE MAA ILAAH LAGA CABSOONAADO! Odegyu wuxuu garanwaayey
in qowmiyadaha uga badan ee Itoobiya degen ay ku jirto tan
Soomaaliyeed. Qof walbana waa ogyahay cadaabka iyo gumeysiga lagu
hayo qowmiydda Soomaalida ee Itoobiya degta. Xitaa qabiilka Hawiye
waa ka buuxaan qowmiyadda Soomaaliyeed ee degta waddankaas. Ilaah
baan idin ku dhaarshee maxaad ku fasiri kartaan hadalkaas? Hadalka
odeygaas waxaan ka qoray maqaal laakiin ma soo gelin internetka anoo
is iri iska daayaa odayaasha shakhsiyaadka ah.
Waxaa hadalkaas ka sii daran mar odeygaasi uu ka hadlayey Ash-Shabaab
wuxuu afka ku dhuftay rag aan qabiilkiisa ahayn sida Mukhtaar Rooboow
iyo sida la sheegay Fu’aad Shangole. Marka odayaashaan sida haka noqoto
ama cid kale ha isticmaaleysee waxaad mooddaa iney hayaan jidkii marar
hore laga hadlay oo ah in gaaladu rabto in shacabka la iskugu dilo
qabiil sidoo kalana shacabka lagu diro Muqaamamada. Arrinta ka dhacday
Baladweyne ee lagu dilay odeyga nabaddoonka ah ma aha wax iska dhacay
waana shirqool ciddii rabta haka dambeysee. Marka waxaad mooddaa in
wixii laga digayey ay faraha ka baxeen.
Waa la fahmi karaa in Muqaawamada qaarkood ay ka baxeen Maxkamadaha
sababahaas iyo kuwo kale. Saasooy tahayna waxay sheegeen in haddii
Maxkamaduhu is habeeyaan oo doortaan hogaan fiican ay suurtagal tahay
iney kala hadlaan sidii loo midoobi lahaa marka lama garankaro sida
Maxkamado iyo qabiil is huwan wax loola qeysan karo.
Sidoo kale boggag internetka oo ku hadli jiray magaca Maxaakimta ayaa
hadda u hadla sheekh Shariif iyo qabiilka Hawiye. Qaarkood waxay gaareen
iney wadaan beenabuur iyo isku-dir. Waxay dhaheen Yuusuf Indhacadde ayaa
raba inuu Gaalkacyo weeraro! Sidoo kale waxay dacaayad ku hayaan
Muqaawamada. Marka waa caddahay in boggaggaasi ay awalba qof ay qabiil
ku taageerayeen.
Ma la gaaray markii ay Maxkamaduhu sixi lahaayeen khaladkooda oo inta
sheekh Shariif ummadda ka qabtaan sameysan lahaayeen hogaanka kale? Ma
la gaaray in ay ka shaqeeyaan siday dadka uga badbaadin lahaayeen waxaas
ay odayaashaas la wadayaqaanay la ordayaan? Odayaashu waxay jaranjar ka
dhigteen Muqaawamada. Sidoo kale waxaa u fiican in Maxkamaduhu aysan ku
dhicin dabinka ay Tigreega iyo gaalada kale maleegayaan oo ah in
shacabka iyo Muqaawamada la iska horkeeno. Sidoo kale ma sameysan karaan
Maxkamaduhu cid u hadasha oo loogu soo hagaago inta maalin kasta ay u
hadli lahaayeen intaas oo qof oo qaarkood kala heystaan fikrado kala
duwan. Marka sidii horay loo yiri ma ku dambeyndoonaan Maxkamaduhu iney
ku dambeeyaan halkii ay ku dambeeyeen dagaaloogaashii Xamar - iney
ummadda isnacsiiyaan sidoo kalana uu gumeysigu ku meelgaaro? Sidoo kale
ha ogaadeen Ash-Shabaab iyo Muqaamada kalaba inaan ad-adeygu ahayn
Tigree iyo Tigree-raac la-dirir oo keliya ee uu yahay iney u dulqaateen
oo u adkeystaan odayaashaas iyo dadka kale ee jagadu madaxa martay ee ay
dhici karto iney dadka isku diraan.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ashahaado-la-dirir laga dambeysiiyey Burcad-badeednimo.. Akhri...