SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxkamadihii oo Aqalkii Ilaahay ka Tagay oo Aaday Aqalka Cad!

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato

Wiilal adduunyo waa isleeyihiin ama qabqablayaal ha ahaadeen ama cimaamado hakuu soo xirteene. Sidaan horay u sheegay qabqablayaashii Xamar baa afka gacanta ku haya oo leh war nimanka cimaamadaha wata waxay naga kacsanayeen Maraykan iyo CIA! Nimanka cimaamadaha watay waa diideen talooyinkii Islaamka ee ahaa inaan la degdegin oon irsaaqadda xaaraan laga raadin. Wuxuu Ilaahay Suurat Al-Xaj ku leeyahay Afsoomaali ahaan: dadka waxaa ka mid ah kuwa Ilaah ku caabudi shaki, hadduu soo gaaro kheyr wuu ku xasilayaa; haddii la imtixaamana wuxuu u gaddoomayaa wajigiisa (gaaloobayaa).

Nimankaas cimaamadaha wata ee laga saari la’yahay safaaradaha Maraykanka iyo reer Galbeedka waa nimankii markey Xamar qabteen ka hadli jiray mawduucyadii ka sheekeynayey gaalada iyo jihaadka ilaa ay gaareen in inta tuute gashadaan ay qori garabka  saartaan. Waa nimankii waddanka oon la qabsan intaas oo shir diiday iney wax la qeybsadaan kuwa ay hadda leeyihiin waxbey la qeybsanayaan! Sabab? Markaas xukun bey heleen marka waa ku xasileen oo shaki ma qabin laakiin markii la imtixaamay sida aayaddu sheegtay ayey cadowgii muslimiinta isu dhiibeen.

Iska daa khiyaamadaas qaran oo nimankii cimaamadaha wadan jiray galeene waxaa culumada lagu duri jiray iney xitaa shaqo ka qabtaan meelo aan xaaran ahayn. Imaan C/hi Binu Mubaarak (RC) wuxuu heystay sheekh weyn oo Bukhaari iyo Muslimba ka wariyaan axaadiista oo aan caddaaladiisa muran ku jirin. Mar sheekh Ismaaciil Binu Culayah shaqo laga siiyey inuu sakada soo uruuriyo baa Imaan Ibnu Mubaarak yiri: 

يا جاعل الدين لـه  بازيـا   ًبصيـد أمـوال المساكيـن
احتلـت للدنيـا ولذاتـهـا   بحيلـةٍ تـذهـب بالـديـن
وصرت مجنوناً بها بعدمـا       كـنـت دواءً  للمجانـيـن
لا تبع الديـن بدنيـا  كمـا    يفعـل ضـلال  الرهابيـن
أين رواياتك فيمـا مضـى    عن ابن عونٍ وابن سيرين ؟
أين أحاديثك والقـول فـي     لزوم أبـواب السلاطيـن ؟
تقول : أكرهت وماذا كـذا  زل حمار العلم في الطيـن

War ninka diinta ka ka yeeshay galayr uu ku ugaarto xoolaha masaakiintoow

Farsamo adduun iyo macaankeeda ayaad la soo baxday iyadoo diintii kaa tagtay

Waad waalatay kaddib markaad waalida u ahayd daawo

Diinta ha ku iibsan adduunyo sida ay falaan dadka baadida ah ee welwelsan (phobia).

Meeye waxaad ka warinjirtay dadkii hore sida Ibnu Cown iyo Ibnu Siiriin?

Meeye axaadiistii iyo aqwaashii aad ka dhihi jirtay dadka taga guryaha suldaamada?

Soow taad arrintaas (tagidda guryaha suldaamada) iyo wax la mid ah kohan jirtay, dameerka cilmi xambaarsan wuxuu ku simbiriraxdaa dhoobada.

Sheekh Ismaaciil waxaa lagu heystaa maxaad ula shaqeyneysaa madax la mid ahayd Haaruun Ar-Rashiid! Ka warran “culumadeenna” laga kaxeyn la’yahay irridda miss Fraser iyo Zenawi?

Sheekh Shariif wuxuu lahaa Nofeembertii 2006-dii inuu la jihaadayo Meles Zenawi laakiin waxaa dadkii ka yaabiyey markii la arkay isagoo horfadhiya oo khudbo ka dhegeysanaya Oktoobar 2008-dii! Yaab badanaa! Maxaa Maxamed-dheere Jowhar looga ceyrsaday haddii wuxuu Maxamed-dheere lagu heystay ay Maxkamaduhu sameeyeen? Waxaa fiican in dadweynaha iyo qabqablayaashu xasuusiyaan in sida Qur’aanku sheegay aysan fiicneyn inaad dadka fartaan jihaadka iyo waxa fiican, iyaguna aysan sameyn. Waxaa sidoo kale nin xakiim ahaa tiriyey meerisyadan:

  • يا ايها الرجل المعلم غيره      ...........هلا لنفسك كان ذا التعليم
  • تصف الدواء لذى السقام وذى الضنا                .كيفا يصح به وانت سقيم
  • ابدا بنفسك فانهها عن غيها          ...فاذا انتهت عنه فانت حكيم
  • فهناك يقبل ان وعظت ويقتدى          ...بالقول منك وينفع التعليم
  • لا تنه عن خلق وتاتى مثله         ...عار عليك اذا فعلت عظيم

Ninka dadka kale wax u sheegayoow mey adiga naftaada tacliin kuu ahaato

Daawaad u tilmaameysaa dadka jirran iyo kuwa tabarta daran; seysa ku dhacaysaa adigiibaaba jirrane

Ka biloow naftaada oo ka reeb baadida haddaad arrintaas ka hartidna waxaad tahay xakiim

Markaasaa la aqbalayaa haddaad wax wacdido oo lagu dayanayaa qowlka kaa soo fula, tacliintaaduna wax anfaceysaa

Ha reebin caado aad adigu la imaaneyso; haddaad sidaas yeeshana waxaad tahay ceebloow.

Maxaa “culumadu” uga ceshanayeen dagaaloogayaasha miss Fraser? Maxaa qabqablayaashii looga hortaagnaa Itoobiya? Maxaa shacabkii loogu diray xitaa heer la gaarsiiyey in dagaaloogayaasha la gaaleysiiyo?

Waxaad mooddaa in nimankaas culumada sheeganaya la mid noqdeen nin inta masaajid galay Ilaah weydiistay in isagoo masaajidka jooga uu cunta siiyo. Markuu maalmo fadhiyey oo Ilaah baryayey in cunto cirka uga soo dhacdo ayuu markuu nafta u yaabay bannaanka usoo baxay si bal meelahaas wax uga helo. Markuu irrida masaajidaka ka soo baxayey ayuu turraanturrooday markaasuu yiri: Ilaahoow haddaadan cunta isiineyn maxaad ii turraanturreyneysaa? Haddaadan wax ii heyn maad tiraahdid waxba kuuma hayo?! Marka nimankaas cimaamadaha watay waxay ku fiicnaayeen haddaysan Ilaahay aaminin inuu guuleyn karo waxay ku fiicneyn iney meel iska fariistaan ee marna shacabku ugama fadhiyin in kuwii Tigreega waddanka soo geliyey ay hoosta ka galaan.

Sheekh Shariif wuu abtirsaday markuu Jowhar tagey. Ileyn waxba kama duwana C/hi Yuusuf oo Puntland tagaye. Marka ninkii shalay intaas oo wiil iyo dadweyne madax u ahaa wuxuu maanta doortay inuu Jowhar ka soo jeesto isagoo quuddareynaya in Cumar Xaashi uu ku soo dhoweeyo Hiiraan!

Sidii Maxamed Qudub Allaha u naxariistee u sheegay lama arag cid guul ka keenta cadow lala shaqeeyo. Keliya cadowgaa hela sumcad markey isku dhereriyaan dad loo heystay Muqaawamo. Marka waa fiqi tolkiis kama janno tago oo Shariifku wuxuu kasoo jeestay gobolkuu ku dhashay. Taasnaa cibro ugu filan qofkii wax fahmaya. Marka waa dagaal sokeeye iyo isqabqabsi.

Sida la ogyahay Berri (markaan maqaalka qorayo) 04/11/08 waa doorashadii Maraykanka. Haddii xisbiga Dimuqraadigu guuleysto ama xitaa haddii McCain guuleyso waxaa laga yaabaa in Bush uu meel ku kiciyo inta madaxweynaha cusub la dhaarinayo. Waxaan wadnaha farta uga hayaa in uu Bush rabo inuu ku shaqeysto qolyaha Jowhar tagay inta waqtigaas la gaarayo. Waxaa la rabaa in shacabka iyo Muqaawamadu arrintaas ku baraarugaan oo ay iska jiraan muddadaas kala-guurka ah.

Marka waxaan shacabka iyo Muqaawamada u sheegayaa nimankaas nooga tagay masaajidda oo aaday aqalka Maraykanka iyagaa khasaaray. Iyagaa diintoodii gatay. Waxayna ku dambeyndoonaan halkii ay horay ugu dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyey. Horay looma arag qof ka faa’iidey khiyaanada noocaas ah oo kale. Waxay kaloo arrintaasi hoog u tahay kuwii wiilashooda iyo wadaadadooda dulleeyey sida Puntland oo kale. Marka maanta waa jazihii Ilaahay in maanta boggag Puntland laga leeyahay oo caayi jiray sheekh Shariif ay maanta ka aamusaan markuu Maraykanka dhinaca ku qabtay. Marka ma dhici kartaa in sida maamulka Bush u dhici rabo ay nimankaas waddankii iibsaday sharkoodu u dhaco?

F.G. Kama wado dadkii ku jiray Maxkamadaha oo dhan baa gaalo u galay ee waxaan heystaa waa kuwa Bush iyo Zenawi u galay. 

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Qoraalkii hore ee C/waaxid: Maxkamadaha Qaarkood iyo Qanyare oo Shirka Nayroobi Quuddareynaya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku swaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS