SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaalida xalaasha ah oo heshiis xalaal ah gaaray

W.Q: A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com


Kolkii in cabbaar ah lagu kor legdamayey shacabka Soomaaliyeed, oo dhibaatooyin lixaad lehna laysu geytstay ayay go’aansadeen Soomaalida xalaasha ahi inay gacmahooda hoos u meyraan, si Soomaalinimo iyo Islaannimo ku jirto ayay arintu u dhammaatay ugu dambeyntii….

Silic baahsan oo dalka Soomaaliya ka jiray waqti dheer, ayaa haatan u muuqda inay dhowaan soo gabagaboobayaan Ilaahay idankii, ka gadaal kolkii dhinacyada TFG-da iyo Isbahaysiga dibu xoreynta Soomaaliyeed oo ku shirsanaa dalka walaalka ah ee Jibuuti, ay qalinka kuwada duugeen inay heshiiyaan isla markaana ay wada dhisaan dowlad misnimo qaran oo loo dhan yahay.

Heshiiskan oo waqti soo socday ayaa haatan la gaaray gunaanadkiisii ahaa in Soomaaliya la samatabixiyo loona dhiso dawlad taag leh oo ay ka dhex muuqdaan xubno tayo leh iyo kuwo aan taya lahayn intaba, taas oo meesha ka saari doonta in golayaasha dowladda ay ahaadaan xero dagaal oogayaal oo lagu tuhunsan yahay inay galeen dembiyo dagaal.

Marka lagu eego diirad sax ah, go’aannada ka soo baxay shirka Jibuuti waxay yihiin dhammaantood kuwo u adeegaya danaha shacabka soomaaliyeed, aad ayay u qurux badnaayeen qodobada gaar ahaan marka ay dhegahaygu maqleen in caddaalad la hor keeni doono cid kasta oo gashay dambiyo dagaal, waxaan soo xasuustay maqaalkaygii ahaa XASUUQII SHACABKAYGA XISAABBAA KA DAMBAYSA oo aan kal hore ku qoray Somalitalk, waa hubaal in riyadaasi ay rumoobayso gooray ahaataba.

Soomaaliya waxay u baahan tahay nidaam ku meel gaar ah oo ka shaqeeya nabad ku dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta dib u heshiisiinta dhinacyada Soomaalida oo dhan una sii gogol xaara, dhisme dawlad wanaagsan oo ay shacabku soo doorteen, oo ku dhisan nidaamka Dimuqraadiyadda, si taas loo gaarana waa inaan hadda la fiirin tiro badnida xubnaha geli doona golayaasha dowladda oo u muuqda tiro ku dhow dhow 600 xubnood.

Tan iyo kolkii Soomaaliya ay xornimada qaadatay sanadkii 1960-kii maysan helin dowlad wanaagsan oo dadka iyo dalka ku hoggaamisa barwaaqo, weligeedba ummadda Soomaliyeed waxay dhibane u ahayd nidaamyo ku dhisan, maamul xumo, sad bursi, qabyaalad musuqmaasuq cadaadis iyo dhibaatooyin fara badan oo lagu galayey magac dawladeed, tanina waxay macnaheedu tahay in Soomaaliya aysan 48 sano arkin nidaam cadaalad iyo horumar ku dhisan oo shacabka Soomaaliyeed uu xaq u lahaa.
Haddaba maanta waxay Soomaaliya fursad u haysataa inay dhisato dowlad dastuurkeeda si wanaagsan loo lafa guray oo dadka aqoonta u leh sharic dejintu ay aad uga shaqeeyeen, ayna soo baxdo dowlad ay is fahmi karaan beesha caalamka, oo iskaashi la samayn karta dunida inteeda kale, si Soomaaliya ay u hesho taageerada lagama maarmaanka ah ee beesha caalamka si taas loo helana waxaa haboon in hadda shacabka Soomaaliyeed ay taageeradooda siiyaan heshiiska Jibuuti, heshiiskaas oo marka dhinacyo badan laga fiiriyo, ah rajada keliya ee muuqata hadda oo lagu joojin karo dhiigga shacabkeena, looguna sii gudbi karo dowlad wanaag soo afjara mashaakilkii cimriga dheeraa ee in mudda ahba soo jiitamayey.


W. Q: A. D. Elmy
adelmi@hotmail.com

Nabadda ha la siiyo fursad ay ku shaqayso: dhaawac, barakac iyo mashaakilaad.. Akhri..

Xasuuqii shacabkayga xisaabbaa ka dambayn Waxaana muuqanayso in cadowga soo duulay Guji

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS