SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shaybka oo 14 Xubnood Heysta iyo Sheekhii oo 275 Heysta

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Korneylku 14 xubnood oo uu Harti ka soo xushay buu wataa halka Sheekh Shariif marka laga tago dhowrka Harti Abgaal helay wuxuu hagayaa 275 xubnood oo cusub! Sheekadii Shimbiraale, Ashahaado-la-dirirnimo iyo Tigree-soo-gelin waxba keeni weyday. Xubnaha Sheekhu wato waxay ku laablaabmaan kuwa sheybka ku dhowaad labaatan jeer! Ma garanayo waxa qeybintaas lagu saleeyey. Bush iyo Zenawi ma waxay la mid noqdeen odeygii inta arkey dhallinyaro kubbad ciyaareysa la yaabay wiilasha tirada badan ee hal banooni isku ceyrsanaya dabadeedna yiri meey 22 kubbadood siiyaan si midba hal banooni u ceyrsado! Mise cadowgu kas buu u yeelayaa oo wuxuu rabaa inuu shacabka Soomaaliyeed isku diro? Ama maraqii la oran jiray suubbaleyn (Soup Plain/Plain Soup) oo laga yiri: suubbaleyn ma maraq baa? Waa maraqii makhaayadaha muufada oo inta lafo geel ama lo’aad fuusto gobollo lagu rido oo biyo iyo milix lagu daro dabka la saarijiray. Mar kasta oo fuustadu is dhinto lagu shubijiray tanag biyo ah iyo milix. Caawa oo dhan waxaas baa dadka loo qeybinayaa si muufada loogu qooyo. Tayo maraq lama fiirineyn ee waxaa la rabay wax muufada qooya. Marka adigaa la rabaa inaad suqaar, macsaro iyo moos ku darsato ama haddaad dan yar tahay cusbo iyo biyahaa Ilaah kuu calfo. Marka xildhibaannadu ma sidii bey noqdeen?

Waa nimankii Sheybku dacaayadeyn jiray qaarkood waxa shirka Jibuuti sutida u haya oo hadda ka hadlaya waqti la fariisinayo baarlamaanka cusub. Ma laga yaabaa in arrintaas cibroqaadasho noo noqoto si aan mar dambe qof diinta loogu dacaayadeyn. Waxa dhibka wada diin Islaam maaha ee waa dadkeenna Soomaaliyeed. Fiicnaan lahaydaa haddii Sheybku dadka wax kale ku dacaayadeyn lahaa.

Xildhibaannadii hore qabiil baa wax lagu saleeyey oo 4.5 baa wax lagu qeybsaday laakiin ilaa hadda ma garanayo qabiilka qeybsanaya 275-ta. Labo qabiil baa mar horaba la shaaciyey – ganacsato iyo garabka Jibuuti. Qabiilka ama kooxda laga tirada badan yahay 0.5 wax ku qeybsaneysa ma garanayo. Haddii la yiraahdo 275 dambe laguma dhisin qaab qabiil waxaa soo baxeysa baarlamaankii kala-kaanka ahaa ee ugu horreeyey ee abid la sameeyo! Baarlamaannada ama doorashaa lagu soo galaa ama qof baa si kale ku soo xula laakiin horay looma arag kala-duwanaanta soo socota. Haddii la dhaho Islaax 1 bey leeyihiin, Aalu Sheekhna 1, As-Salafiyana 1, Suufiyana 1; halka Al-Itixaad la siinayo 0.5!

Waxaa noogu dambeysay iyadoo wadaadada ragga laga sooco laakiin hadda Sheekhu wuxuu la qeyb noqday Soomaali oo dhan. Soomaali oo dhan 275 xubnood halka isaguna helay 275. Qamiiskii iyo koofidiisii waa qabaa. Markuu khudbeynayana Xamdi Ilaah buu ku furfurtaa! Soomaalaay Sheekhu ma lacagta doolarka ah buu ka arkay “ in God we trust?” Marka Sheekhu isagoon diinta dacaayadeyn buu Bush iyo Zenawi wax la qeybsaday. Runtii haddii adoon diin caayin jago la heli karo; maxaa dadka qaarkood ku kallifay iney dacaayadeeyaan diinta iyo dadkeeda?

Shariifka iyo kooxdiisu mar horaba waxay sheegeen iney madaxweyne iyo dowlad cusub la dhisayo Jannaayo 2009. Waxay kaloo sheegeen waqtiga baarlamaanka cusubi fariisan doono halka uusan korneylku weli waxba oran. Marka soow guuldarro uma aha haddii korneylka sidaas siyaasadda looga galbiyo isagoo looga badiyey 20:0 (labaatan iyo eber. 20 x 14 xubnood = 280 xubnood) waa u ceeb iyo hoog.

Shariifka iyo saaxibbadiis maxay ka dheefayaan ku biiridda baarlamaan horay fadhiid u ahaa? Ma filayo iney ka dheefayaan waxaan ceeb ahayn iyo arrimahan soo socda:

  1. Waxaa loo jeexay waddadii Carta iyo Mbagathi.
  2. Waxaa wax lagu qeybsaday qabiil marka waa “barakeeyeen” qabiilkii.
  3. Waxay xildhibaannadii u kala qeybsheen kuwo qabiil iyo kuwo “wadaado-diimeed-qabiil” oon horay loo arag ileyn waagii wadaadada keliya ahaayeen waxay dhihi jireen wax qabiil lagu qeybshay shuqul kuma laha.
  4. Kuwii horaba wax keeni waaye marka in la dhimo bey ahayde ma ahayn in la badsho.
  5. Bakhti-afuuf dowlad aan jirin iyadoo cadow ku shaqeysanayo.
  6. dagaal qabiil oo laga baqayo iyagoo ummaddii qabiil iskaga horkeenaya.
  7. Culumadii ooy ceebeeyeen. Dad badan oo kuwaas culumo u qaba darteed.
  8. Dadkoo arkaya iney u halgamayeen hunguri iyo jago.

Ma garanayo wax kale oon ku mitaalo sheekh Shariif oon ka ahayn sheeko xariir ku taalay buugta Afsoomaaliga. Waxaa la sheegaa inuu libaax duq ahi bukooday oo uu awoodi waayey inuu ugaarsado. Maalintii dambe buu dawaco la tashay oo yiri maxaan sameynaa? Dawacadii waxay tiri anaa kuu soo qoolgelinaya habar duug iyo duurjoogta oo dhan oo waxaan mid kasta ku leeyahay waxaa ku casuumay oo kuu yeeray libaaxaas gaboobay oo raba inuu madax idiin ka dhigo deegaanka. Wixii midba mar ay soo qoolgelisaba waxaa u dambeeyey dameer. Dameerkii markuu godka sii galayey ayaa libaaxii duqa ahaa is heynwaayey oo sugi waayey intuu si fiican usoo galayo dabadeedna labada dhegood buu goostay dameerkii. Dameerkii oo dhiig ka da’ayo baa dib usoo booday oo u yimid dawacadii oo yiri naa inkaar kugu dhacdaye maxaad saas iigu geshay? Dawacadii waxay tiri: ma kaa dhab baa? Wuxuu libaaxu rabay inuu kuu gesho taajka madaxnimada marka adaa madaxa la soo booday ee orodoo ku noqo! Sidii baa dameerkii madax madax isku tuuray godkii libaaxa isagoo taaj raadinaya! Marka sheekh Shariif oo ogaa wixii Bush iyo Zenawi ku sameeyeen dadkii uu xukumay ilaa xataa ay xasuuqaan reer miyi badan iyo xoolahoodii inuu maanta Zenawi oo ku dhiiqday arrinta Soomaaliya uu jago ugu soo fariisto waa ku khaldanyahay. Shakina iigama jiro in sida dameerkaas loo quudan doono markuu madax madax isu tuuro ileyn hadda meeluu ka noqdo ma joogee. Soow madaxda Itoobiya oo khudbeyneysa ma hor fariisan? Jendayi Frazer oo dawacada u dhiganta baa waaleysa ood mooddo iney sheekha ku leedahay wixii gantaalo diyaaradaha Maraykanku tuurayeen waxay ahayd hubka wax ifiya marka aday kaa goobayeen keymaha si Nayroobi laguu keeno oo madaxda lagaaga dhigee ee uma socon iney dad Soomaaliyeed laayaan!

Sidoo kale shacabka Puntland ee maanta C/hi Yuusuf Garoowe ku soo dhoweynayoow haddee waxaad beerateen waad guraneysaan. Maxaa ka hirgalay sheekhadiisii? Kismaayaan idiin keenin? Laascaano baan idiin hayn? Idinkaa dowladda badsanaya? Marka hadda waxaaba soo baxday in ninkii C/hi ka soo horjeesta uu macaashayo sida qolyaha Jibuuti jooga. C/hi iyo odayaasha Harti wiilashoodii diinta yaqaanay waxay ka dhigeen waxay laayaan, waxay buuraha iy duurka u direen iyo waxay 24 saac dacaayad ku hayaan halka Axmed Diiriye iyo Odayaasha Hawiye ay sharfeen wiilashooda kuwa Muqaawamada ah iyo kuwooda Jibuuti jooga ee shirarka Zenawi ka dhexmuuqdeyba.

Maaddaama Sheybkii arrintii Shimbiraale iyo Tigree-soo-gelin wax ku keeniwaayey waxaanan garaneyn waxa sheekh Shariif iyo xertiisu ugu dabomareen iyo waxa ay ka keeni doonaan! Mise Sheybku ma aqoon sida shisheeyaha loola hadlo marka idinkaa shabaab ah oo ka lib keenaya? Marka sida dhaqaalihii adduunka hoos ugu dhacay ayaa xildhibaannadii waxaa ku dhacay sicir-barar oo waxaa la kordhiyey 100%.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Qoraalkii hore ee C/waaxid: Maxkamadihii oo Aqalkii Ilaahay ka Tagay oo Aaday Aqalka Cad!.. Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS